War-saxaafadeedka gudiga nabad-dhisidda ee nabad-dhisidda Soomaaliya

4 Dec 2020

War-saxaafadeedka gudiga nabad-dhisidda ee nabad-dhisidda Soomaaliya

Kaddib kulankii Gudiga Nabad-Dhisidda isugu yimaadeen ee uu shir gudoomiyey Md. Bob Rae 2-dii Diseembar 2020 ee ujeedkiisu ahaa Nabad-Dhisidda Soomaaliya, kaas oo ay warbixinno ka jeediyeen Md. Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya, Marwo. Xaniifa Maxamed Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuql Insaanka ee Dowladda Federalka Soomaaliya, Md. James Christopher Swan, Danjiraha gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Soomaaliya, Marwo. Rowda A. Colaad, ka shaqeeye Caafimaadka Dhimirka iyo hawlaha nabad dhisidda iyo Md. Oscar Fernandex-Taranco,, ku xigeenka xogyaha guud ee taageeridda nabad-dhisidda, Gudigu waxa ay soo saareen war-murtiyeedkan:

Gudigu waxa uu soo dhaweeyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay nabad waarta iyo dib-u heshiisiin, sida loogu xusay qorsha qaranka ee sagaalaad, barnaamijkeeda dib- u heshiisiinta iyo Axdiga Haweenka. Gudiga waxa ay Soomaaliya ku bogaadiyeen adeegsiga wadahadalka iyo dhisidda wadar ogolka si looga dabaasho caqabadaha xilli ay ku gudo jirto geedigga nabad-dhisidda iyo dowlad-dhiska, iyo waliba horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhaqaajinta barnaamijka dib-u heshiisiinta qaran iyo Axdiga Haweenka ee u dhexeeya saamileyda, taas oo fursad siineysa in loo guuro aragtida mudada fog ah ee hortabinta u leh nabad dhisidda.

Gudigu waxa uu Soomaaliya ugu hambalyeeyey horumarka laga gaaray deyn cafinta ee la xiriirta barnaamijka wadamada saboolka ah ee sida weyn deynta loogu leeyahay iyo in ay hoosta ka xarriiqday ahmiyada ay leedahay xoojinta wadashaqeynta kala dhexeysa hay’addaha maaliyadda ee caalamiga, gaar ahaan dhinacyada nabad-dhisidda iyo dowlad-dhiska, kuwaas oo ah laba geeddi-socod oo is barbar socda. Gudiga waxa uu si gaar ah u xusay barnaamijyada wax dhiska leh ee ay iska kaashanayaan Qaramada Midoobay iyo Bankiga Aduunka ee Soomaaliya, barnaamijyadaas oo ay ka mid yihiin Hay’adaha  Maamulka Maaliyadda Dadweynaha oo daahfuran iyo Maaliyadda Dadweynaha oo lagu tiirsanaan karo, kuwaas, oo gaar ahaan muhiim u ah habsami u socodka kala guurka dhinaca Aminga iyo dib-u dhiska kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowliga ah.

Gudigu waxa uu soo dhaweeyey  taageerada uu siiyey waxyaabaha ahmiyadda u leh Nabad-Dhiska sanduuqa Nabad-Dhisika ee Soomaaliya kaas oo loo yaqaan Peacebuilding Fund (PBF), waxyaabhaas waxaa ka mid ah dib-u heshiisiinta, cadaaladda, sarreynta sharciga, dowladnimada iyo xuquul Insaanka. Gudigu waxa uu ku dhiirigaliyey bahwadaagta in ay tixgalin siiyaan sidii ay imkaaniyaad intaan ka badan u bixin lahaayeen si loo xaqiijiyo, sidii iyada oo loo dhanyahay loo adkeyn lahaa dadaalada nabad-dhisidda, sidoo kale waxaa la xusay doorka ay ciyaareen ururada bulshada rayyidka ah.

Gudigu waxa uu Soomaaliya ku dhiirigaliyey in ay sii wadaan dadaalada looga gol –leeyahay in lagu adkeeyo guulaha laga gaaray sinnaanta jinsiga iyo awood siinta haweenka, iyada oo laga ambaqaadayo dhinacyada kala duwan iyo ka go’naanshaha uu bud-dhigga u yahay Axdi Qaran oo ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed. Gudigu waxa uu adkeeyey ahmiyada ay leedahay in sare loo qaado ka qeybagalka macnaha leh ee haweenka iyo dhallinyarada ee nabad-dhisidda iyo xoojinta nabadda iyo in ay ku baraarugsanaadaan fursadaha ay nolosha ku leeyihiin sida in Haweenka iyo Dhallinyarada laga qeybgaliyo dowladnimada iyo geeddi socodyada looga hortagayo colaadaha.  Kiisaska dhinaca dhimirka ee bulsho ahaan kordhaya kaddib tobaneeyo snao oo colaado ah iyo dhibaatooyinka murudada leh ee la xiriira bili’aadannimada waa kuwo aad u kordhaya, waxa ayna u baahan yihiin in si gaar ahaan dareen loogu yeesho.

Gudigu waxa uu dhiirigaliyey sidii waddiida u furnaanshaha dhinaca wadahdal loo dhan yahay, taas oo loo adeegsanayo In lagu dhiso wadar ogolka marka ay timaado dhisiida ajandeyaasha la xiriira danaha qaranka oo ay ku jiraan dadaalada socda ee loogu jiro dhisidda qorshe qoran oo la xiriira kala guurka dhinaca amniga ee Soomaaliya iyada oo si buuxda loo qadarinayo xuquuql Insaanka.

Gudigu waxa uu soo dhaweeyey ka go’naanshaha Dowladda Federaka ee la xiriira dib u heshiisiin loo dhan yahay  iyo geeddi socodka nabad-dhisiida ee uu ka dhawaajiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, xilli la xoojinayo isku xirka barnaamijyada gobolka iyo caalamaka iyada oo loo marayo barnaamijka dhawaan la sameeyey ee loo yaqaan  Unugga Xiriirinta  Nabad-Dhisidda Qaran ee hoos taga Xafiiska Ra’iisul Wasaraaha.

Gudigu waxa uu muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin in ay Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii loo qiimeyn lahaa fursadaha si loo taageero fulinta barnaamijka Dib u Dheshiisiinta Qaran. Gudigu waxaa ka go’an in uu xoojiyo dadaalada ay isha ugu hayyaan ka jaabidda caqabadaha jira ee ku hor gudban nabad dhisidda Soomaaliya iyo in ay u abaabulaan taageero caalami ah waxyaabaha nabad-dhisidda ahmiyadda u leh, waxa ay xuseen ahmiyadda ay leedahay in si buuxda loo xaqiijiyo ka qeybgalka muhiimka ah ee haweenka marka ay timaado nabad-dhisidda.