Baydhaba – Amniga, Nabadda iyo Dowlad-dhisidda iyo sidoo kale Abaaraha ayaa ka mid ahaa arrimihii lagu soo qaaday wadahadalladii maanta ee mas’uulka sare ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya booqashadiisa uu ku tagay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ee dalka.