Warbixinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud James Swan u jeediyay Golaha Ammaanka ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya

15 Feb 2022

Warbixinta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud James Swan u jeediyay Golaha Ammaanka ee ku saabsan xaaladda Soomaaliya

(Sidii loo jeediyey, New York, 15-ka Feberaayo 2022)

 

Marwo Madaxweyne, Xubnaha sharafta leh ee Golaha,

Waad ku mahadsan tihiin fursaddan aan golaha ku siinayo warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya. Waan ku faraxsanahay inaan mar kale sidaas sameeyo aniga oo uu i wehliyo Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, taas oo hoosta ka xarriiqaysa iskaashiga muhiimka ah ee ka dhexeeya Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Waxa aan mar kale ku bogaadinayaa AMISOM iyo ciidamada Soomaaliyeed sida ay gacan uga geysanayaan horumarinta nabadg-gelyada Soomaaliya.

Marwo Madaxweyne,

Doorashooyinka qaran ee Soomaaliya ayaa haatan in ka badan hal sano dib uga dhacsan jadwalkii uu dastuurku qeexay. Tan iyo markii aan warbixin siiyay Golahan saddex bilood ka hor, waxaa lasoo gabagabeeyay doorashada Aqalka Sare, waxaana si mug leh u socday doorashada Golaha Shacabka ka dib shikii golaha Wadatshiga Qaran ee bishii Janaayo.  Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa muujiyeen damacooda ah inay soo dhameystiraan ugu yaraan saddex meelood labo meel kuraasta Golaha Shacabka todobaadyada soo aaddan. Ilaa hadda, 130 ka mid ah 275 kursi ayaa la doortay, iyadoo tartanka 60 kursi oo dheeraad ah lagu dhawaaqay goor dhaweyd. Waxaan ugu baaqayaa guddiyada maamulka doorashada, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya, inay sii wadaan in ay si weyn ugu dadaalaan in ay dardargelinayaan oo ay si degdeg ahna u soo gabagabeeyaan doorashada Golaha Shacabka.

Saddeed iyo labaatan haween ah ayaa ilaa hadda loo doortay Golaha Shacabka, ama qiyaastii ​​22 boqolkiiba. Tani waxay aad uga hooseysaa qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee ay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya balanqaadeen inay gaarsiinayaan labada aqal ee Baarlamaanka. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed inay laba jibaaraan dadaalkooda ku aaddan sidii loo gaari lahaa yoolkan.

Iyada oo ka mahad celineysa gacan-siinta deeqsinimada leh ee xubnaheeda waxa ay Qaramada Midoobay sii wadi doontaa inay taageero farsamo, qalab iyo talo bixin ay siiso guddiyada maamulka doorashada, Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) iyo Safiir-sharafeedyada haweenka.

Maadaama ay weli na soo gaarayaan warbixinnada ku saabsan eedeymo khaladaad hannaanka doorashada ah, waxaan ku boorrinayaa dhinacyada muhiimka ah inay saxaan si loo hagaajiyo geeddi-socodka mar kasta oo loo baahdo. Tani waxay muhiim u tahay in la xaqiijiyo in doorashadau ay si ballaaran u aqbalaan shacabka Soomaaliyeed. 

Waxaa taageerada aan siino hay'adaha doorashada sii dheer, Qaramada Midoobay waxay sii waddaa in ay la jaan-qaaddo saaxiibada caalamiga ah, iyada oo xaqiijineysa farii-wadaag wadajir ah. Anagoo kaashanayna bah-wadaagteenna, waxa aan si joogta ah ugu baaqnay geeddi-socod doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta oo lagu kalsoonaan karo, taas oo dowladda soo socota u sahleysa inay diiradda saarto horumarinta hortebinnada waaweyn ee qaranka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan wax ka qabashada caqabadaha amniga, iyo sidoo kale qorshaha dowlad-dhiska iyo horumarka. 

Marwo Madaxweyne,

Iyadoo ay xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan madaxda Soomaalida qaarkood ay mararka qaar kor u kacdo, haddana ilaa imminka waa ay xakameeyeen waxne uma aysan dhimin geedi-socodka doorashada. Si kastaba ha ahaatee, khatartu waxey tahay in yareysigeedu sababi karo in xiisadahi isu beddelaan colaado.

Qaramada Midoobay waxa ay si joogto ah isugu soo dayday in ay ka caawiso madaxda Soomaalida in ay hoos u dhigaan xiisadaha iyadoo si toos ah u ula shaqeyneysa dhammaan dhinacyada, uguna baaqeysa inay khilaafaadkooda siyaasadeed ku xalliyaan wadahadal. Anagoo kaashanayna bah-wadaagteenna, waxaan sii wadeynaa inaan u ololeyno is-xakameynta, isu tanaasulka iyo xalalka ku saleysan is-afgarad maangal ah si ay madaxda Soomaaliyeed diiradda u saaraan  dhameystirka doorashooyinka qaran.

Marwo Madaxweyne,

Al Shabaab ayaa wali khatar weyn ku ah nabad-gelyada Soomaaliya. Kala qeybsanaan siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimid doorashada oo daba dheeraaday ayaa sahashay in xoogaga mintidiinta ay xoogaa is-ballaarin ah sameeyaan. Habka ay kooxdu u shaqeyso ayaa ah mid aan waxba iska bedelin, iyadoo Banaadir iyo Koonfur Galbeed ay udub dhexaad u yihiin weerarradooda. Hase ahaatee, waxa howlgalladu ku xoogeysteen dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle maadaama ay Al-Shabaab isku dayayeen in ay ka faa’ideysato xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni. Waxa aan weli aragnaa adeegsiga walxaha qarxa, tan oo ay ka mid tahay  qarxyada uu qof isku soo xiro iyo kuwo gawaarida loo adeegsado oo ka dhacayey Muqdishu todobaadyadii u dambeeyey.

Iyadoo hadda dib u eegis lagu sameynayo qaabeynta mustaqbalka hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayey Qaramada Midoobay si firfircoon uga qeyb qaadaneysa wadahadallo dhexmara dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo deeq bixiyayaasha muhiimka ah. Horumar ayaa laga sameeyay intii ay socdeen wadahadallo farsamo oo Muqdisho ka dhacay 27kii Janaayo ilaa 9kii Feberaayo. Tan waxaa ka mid ahaa dejinta mabda’a howl-galka wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee hawlgal dib-u-qaabeysan, soo jeedinta wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee dib-u-habaynta howlgalka, iyo khiyaaraatka saadka ee Qaramada Midoobay ee taageeraya howlgalka dib-u-qaabeysan iyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya wixi hadda ka dambeeya, sida lagu codsaday Qaraarka 2568.

Horumarka laga gaarayo hirgelinta Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya, kaasoo fure u ah dib u habeynta AMISOM, kaasoo go’aamin doona xawaaraha kala wareegidda mas’uuliyadda AMISOM ee lagu wareejinayo ciidamada amniga Soomaaliya. Waxaan ku dhiirigelinaynaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay qabato shirka xiga ee Guddiga Qaran ee Qorshaha Mas’uuliyad la wareegista Soomaaliya si loo hormariyo hortebinada iyadoo la kaashaneysa saaxiibada amniga.

Marwo Madaxweyne,

Xaaladda bini'aadannimo ee Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u liidata, iyadoo 7.7 milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bini'aadannimo sanadka 2022. Soomaaliya ayaa ah dalka ugu daran ee ay abaaruhu saameeyeen ee Geeska Afrika, iyadoo 4.3 milyan oo qof ay saameeyeen iyo 270,000 oo qof ee ay ku barakaceen abaarta. Iyadoo roobabka soo socda aan la fileynin illaa bisha Abriil, oo ay u badan tahay inuu xilli-roobaadka xiga noqdaan kiisii afaraad ee ka biya yaraan doona sida caadiga ah ayey, Soomaaliya wajaheysaa musiibo beni’aadanimo oo suurta gal ah.

Iyadoo howlgalka bini'aadannimo ee Soomaaliya uu leeyahay aqoonta lagu gaarsiin karo gargaar naf-badbaadinta dadka u baahan, haddana wuxuu u baahan yahay dhaqaale ku filan. Nasiib darro, Qorshaha Jawaab-celinta Bani'aadannimada ee 2022 hadda waxa la maalgeliyay kaliya boqolkiiba laba. Anigoo jecel inaan u muujiyo mahadnaq qoto dheer oo aan u jeedinayo bahda deeq-ixiyayaasha balanqaadooda joogta ah ee Soomaaliya,  ayaan mar kale ugu baaqayaa deeq-bixiyeyaasha inay kordhiyaan taageeradooda ku aaddan gargaarka degdegga ah ee loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee aadka u nugul.

Iyadoo ay adag tahay, jawaab kasta oo bini'aadannimo maaha xal waara, waxa bahda Qaramada Midoobay qaadayaan tallaabo lagu xoojinayo xiriirka bini'aadannimo, horumarinta iyo nabad-dhisidda. Si taas loo gaaro, Hay’ado, Lacago iyo Barnaamijyo fadhigoodu yahay Soomaaliya waxay samaysteen guddi-hawleed si ay u qaataan hab wadajir ah oo gacan ka geysta wax ka qabashada caqabadaha sida maaraynta biyaha, xalalka adkeysiga og, musuqmaasuqa iyo wax-isdaba-marinta.

Hirgelinta ajendaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga, iyo sidoo kale ka mid noqoshada dhalinyarada ayaa weli ah udub dhexaadka shaqadeena. Iyadoo taageero laga helayo Sanduuqa Dhismaha Nabadda, QM iyo Dawladdu waxay si wadajir ah u daah-fureen barnaamij cusub oo Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta bishii Noofembar. Mashruucan wuxa ay ujeedadiisu tahay in kor loo qaado ka-qaybgalka macnaha leh ee haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhisidda, gaar ahaan doorarka go'aan-gaarista iyo hoggaaminta. Tani waa maalgashi awood noo siinaya inaan hirgelinno ajendaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed iyo sidoo kale inaan hagaajinno meelaha muhiimka ah sida ilaalinta haweenka iyo gabdhaha xadgudubka galmada ee colaadaha. Dhinaca dhalinyarada, QM waxa ay sii wadeysaa taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si ay u mideyso arimaha dhalinyarada ee dhinacyada kala duwan, laga soo bilaabo ka qeybgalka doorashada ilaa dhexdhexaadinta iyo kormeerka rayidka ee qeybta amniga.

Marwo Madaxweyne,

Iyadoo xaaladda siyaasadeed, amni iyo bini'aadannimo ee Soomaaliya ay tahay mid jilicsan, haddana waxaan ku rajo weynahay in dalku uu horumar dheeraad ah ka samayn doono dhinacyadan bilaha soo socda iyo ka gadaalba.

Tani waxa ay u baahan yahay madaxda Soomaalida inay dhinac iska dhigaan khilaafaadkooda si ay maslaxadda shacabka Soomaaliyeed u helaan, isla markaana ay sida ugu dhaqsaha badan ku soo gebagebeeyaan doorasho lagu kalsoonaan karo. Tallaabadan laga daahay waxay markaas u ogolaan doontaa hoggaamiyeyaasha inay dadaalkooda dib-u-eegis buuxda ku sameeyaan hortabinnada qaranka ee degdegga ah. Si taa loo gaaro waxa ay Beesha Caalamku sii wadeysaa inay dadka Soomaaliyeed ku weheliyso safarkan iyadoo siineysa taageerada ey u baahan yahay.

Mahadsanid.

Halka ka akhriso Warbixinta Xoghaya Guud ee QM ee Xaaladda Soomaaliya.