Soomaaliya oo xustay maalinta haweenka caalamka

8 Mar 2016

Soomaaliya oo xustay maalinta haweenka caalamka

Soomaaliya ayaa ku biirtay dunida inteeda kale xuska maalinta haweenka adduunka. Maalintan ayaa laga xusay dalka oo dhan, iyadoo xaflado ka dhacay Muqdisho, Kismaayo, Baydhaba iyo Puntland ay soo jiiteen isku soo baxyo ballaaran.

Munaasibad ballaaran oo lugu qabtay magaalada Muqdisho, ayna wadajir u soo qabanqaabiyeen  Midowga Yurub (EU) iyo Qaramada Midoobey (QM), ayaa waxaa qudbad ka jeediyey Ergeyga EU u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Michele Cervoned’Urso, oo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga dadaallada lugu hagaajinayo nolosha haweenka Soomaaliyeed.

“Waa mas’uuliyad na wada saaran – siiba dumarka, ragga iyo jaalka – in aan ku wada lug yeelanno annagoo isku olog ah. Haddii aan wada shaqeyno, is beddel weyn ayaan sameyn karnaa”, ayuu yiri Danjire d’Urso.

Wuxuu ku baaqay haweenku in ay muuqdaan, islamarkaana xal dhaqsiyo leh loo helo caqabadaha ku hor gudban haweenka, asagoo dhanka kale ku boorriyey hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay afgobaadsiga ficil ku beddelaan.

“EU-da tani ugama dhigna hawl maalmeed qura, waxayse ku lifaaqan tahay maba’diida saldhigga u ah hawlaheenna. Arrinta meesha taalse waxay tahay sidaan tan ugu turjumi lahayn xaaladda Soomaaliya ka jirta. Billowga hawshani waa in aan taageero kasta oo suurtogal ah ka geysano sidii haweenka looga qaybgelin lahaa hawlaha dalka, islamarkaana aan si dhab ah u eegno sida aan u baahin karno codkooda, heer kasta oo noloshooda ah, sida bulshada, qoyska iyo beelaha” ayuu carrabka ku adkeeyey.

Mr. George Conway, Kusimaha Isku-xiraha Deegaanka QM, islamarkaana ah Agaasimaha UNDP Soomaaliya, ayaa sheegay in sinnaasha haweenku ay sharuud u tahay nabad, xasillooni iyo horumar ka dhaca Soomaaliya. 

“Danta guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku aadden gaarista Yoolasha Horumar Waara, waxay ku xiran tahay hadba sida haweenka loo taabbogeliyo. Sidaas darteed, waxaan ku boorrin lahaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed iyo hay’adaha federaalka ah in sinnaanshaha ragga iyo dumarka ay mudnaan gaar ah ka siiyaan Qorsha Horumarka Qaranka ee soo socda; sidoo kalena ay dardargeliyaan Xeerka Ciribtirka Faquuqa Haweenka ka dhanka ah nuucyadiisa kala duwan (CEDAW), ayuu yiri Mr. Conway, oo halkaas ka jeediyey khudbad uu ka sidey Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Raizedon Zenenga.

“Go’aanka in 30% kuraasta xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah loo qoondeeyo haweenku waa tillaabo dhaxalgal ah oo loo qaaday dhanka wanaajinta doorka dumarku ugu qaybqaadanayaan gaarista go’aamada muhiimka u ah dalka. Hadda wixii ka dambeeyana, fulinta go’aamadaas waxay u yaallaan dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha jinsiga” ayuu yiri Mr. Conway.

Gunaanudkii dabbaaldegga, hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa daadihiyey dood ku saabsan matalaadda haweenka ee geeddi-socodka doorashada 2016-ka, qoondada haweenka iyo sida loo xaqiijin karo in dumarku door muhiim ah ka qaataan dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Zahra Cali Samatar, oo ah Wasiiradda Haweenka iyo Xaquuqda Aadamiga ayaa sheegtay in in kasta oo Soomaaliya uu is-beddel ka muuqdo, haddana haweenku u baahan yihiin in ay qayb ka noqdaan hawlaha siyaasadda, bulshada iyo dhaqaalaha.

“Wasaaraddeydu waxay soo badhigtay xeerarka la-dagaallanka Gudniinka, Kufsiga iyo Faquuqa haweenka, ku waas oo dhabbaha u xaaraya in dumarka Soomaaliyeed ku naalloodaan xaquuq iyo xornimo. Ayey tiri Zahra oo intaas ku dartay, in loo baahan yahay in dumarka Soomaaliyeed ay “qayb ka noqdaan dhaqdhaqaaqa haweenka adduunka ee socda”.

War murtiyeed ka soo baxay dhammaadkii doodda, ayey hoggaamiyeyaasha Soomaalidu waxay ku bogaadiyeen Dowladda Federalka ah oo qaadday tillaabooyin lugu hagaajinayo xaaladaha haweenka. Waxaase dowladda lugu adkeeyey in dadaal intaas ka badan la sameeyo si sare loogu qaado ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda iyo go’aan gaarista.

Marwada 1-aad ee dalka Zahra Omar Hassan, wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka ah, maamullada gobollada iyo saaraakil sare oo ka socdey Midowga Yurub, Qaramada Midoobey iyo  Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka qaybgalay xuska 8-da Maarso.