Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ku aaddan Soomaaliya

23 Mar 2022

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ku aaddan Soomaaliya

New York – Xoghayaha Guud wuxuu si kulul u cambaareynayaaweerarradii khasaaraha badan dhaliyay ee maanta lagu qaaday xarumo ku yaalla gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibbanayaasha, wuxuuna u rajeynayaa kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah. Wuxuu ku baaqayaa in dambiilayaasha weerarka geystay cadaaladda la horkeeno.

Xoghayaha Guud wuxuu muujinayaa in Qaramada Midoobay si buuxda u garab taagan tahay una taageereyso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, waxayna mar kale xaqiijineysaa inay ka go’an tahay inay ku taageerto sidii nabad iyo amni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.

Stephane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud