Golaha Ammaanka oo war saxaafadeed ka soo saaray weerarradii u dambeeyay ee argagixiso ee Soomaaliya

24 Mar 2022

Golaha Ammaanka oo war saxaafadeed ka soo saaray weerarradii u dambeeyay ee argagixiso ee Soomaaliya

New York – War saxaafadeedka soo socda ee Golaha Ammaanka waxaa soo saartay Madaxweynaha Golaha, Lana Zaki Nusseibeh, (Imaaraadka Carabta):

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagixiso ee ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo Beledweyne, Hirshabeelle 23-kii Maarso 2022. Weerarradaas oo ay mas’uuliyadooda sheegatay kooxda Al-shabaab ayaa sababay dhimashada tobannaan qof iyo dhaawac dad intaa kasii badan.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas iyo Dowladda Soomaaliya, waxayna kuwa dhaawaca ah u rajeeyeen in ay si degdeg ah u bogsadaan.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay aqoonsadeen oo ay sharfeen naf-hurnimadii ay bixiyeen Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo shaqaalaha Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) intii uu socday weerarku, iyo guud ahaanba intii ay AMISOM joogeen 15-kii sanadood ee la soo dhaafay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay sida loogu baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha,  iyo maalgeliyayaasha falalkaa argagixisanimada ah ee dhaliisha leh, lana horkeeno sharciga. Waxay ku boorriyeen dhammaan Dowladaha, si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka ee khuseeya, inay si firfircoon ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khuseeyso arrintan.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dib u xaqiijiyay in argagixisannimadu, nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaal kasta ay ka sidato ay tahay khatar wayn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah. Waxa ay ku carrabka ku adkeeyeen in dhammaan falalka argagixisanimadu ay yihiin dambiyo, isla markaana aan qiil loo heli karin, iyada oo aan la eegaynin waxa kallifay, meel kasta, goor kasta iyo cid kasta oo gasha. Waxay mar kale ayideen baahida loo qabo in dhammaan dawladuhu ay si kasta ula dagaallamaan, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobey iyo waajibaadyada kale ee hoos yimaada sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee bini'aadminnimada, khataraha nabadda iyo ammaanka caalamiga ah ee ay sababeen falalka argagixisannimo.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa walaac ka muujiyey Khatarta Nabadda iyo Ammaanka ee Al-shabaabka Soomaaliya iyo Gobolka. Waxay ku boorriyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan arrimaha qaranka ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan gunaanadka hannaanka doorashada ee socda, la dagaallanka argagixisada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini'aadminnimo ee ba'an ee ka dhacaya Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa mar kale adkeeyeen in ay ixtiraamayaan madaxbannaanida, madaxbannaanida Siyaasadeed, qiyamka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.