Xaflad lagu qabtay Muqdisho oo arday ka qalinjebisey Jaamacadda University for Peace lagu dhiirigeliyey in ay ka wada shaqeeyan xallinta dhibaatooyinka

24 Jan 2024

Xaflad lagu qabtay Muqdisho oo arday ka qalinjebisey Jaamacadda University for Peace lagu dhiirigeliyey in ay ka wada shaqeeyan xallinta dhibaatooyinka

Muqdisho – Koox arday qaadatey shahoodooyinka ka sarreeya tan koowaad oo ka kala socdey Soomaaliya iyo meelo kale ayaa maanta lagu dhiirrigeliyey in ay guulaha ay ka gaareen waxbarashada ay u adeegsadaan xallinta dhibaatooyinka ka jira dalalkooda’ – iyo duniba inteeda kale.

“Hambalyo! Guulo badan ayaad durba xaqiijiseen; waxaan idiin rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan. Fadlan dalkiina ku negaada si aad u xallisaan dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira. Keliya dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira ma ahee, uga sii gudba kuwa caalamka,” ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee  QM ee Soomaaliya, Catriona Laing, ku xustey hadalladii ay u jeedisey ardayda.

Sarkaalka ugu sarreeya QM ayaa arday qalinjebisey kula hadleysey xaflad ardaydii markii saddexaad ka qalinjebisey Jaamacadda University for Peace (UPEACE) maanta loogu qabtey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Jaamacaddan ayaa ah tan keliya ee hawsheedu ay tahay keliya in ay bixiso waxbarashada nabadda, taasina waa mid si gaar ah ugu habboon Soomaaliya,” ayaa ay hadalkeeda raacisey Ms. Laing. “Xaqiiqda ah in madaxweynihiina, madaxweynaha hadda xilka haya, uu ka soo qalinjebiyey isla jaamacaddan ayaa tilmaan buuxda u ah muhiimadda arrintan – waxaana hadalladii uu jeediyey markii uu dhowaan qaadaneyey shahaaddada Ph. D ay ahaayeen kuwo aad dad u dhiirrigeliya.”

Sanadkii 2022, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la guddoonsiiyey shahaaddo Doctor of Philosophy oo isla jaamacaddan ay bixisey taas oo takhasuskeedu ahaa nabadda, maamulka dowladeed iyo horumarinta. Buugga qalinjebintiisua waxaa uu cinwaankiisu ahaa, ‘Examining the Challenges of Clan Politics in State-building: A Case Study of Somalia.’ Turjumaaddeedu ay noqoteyso Baarista Culeysyada Siyaasadda Qabaa’ilka ay ku leeyihiin Qaran-dhisidda: Daraasad-Xaaladeed lagu sameeyey Soomaaliya.

73da arday ee maanta qalinjebiyey waxaa ay ka kobnaayeen 14 haween ah iyo 59 rag ah oo ka kala socday Soomaaliya, Hindiya, Nayjeeriya iyo dalal kale. Waxaa ay shahaadooyin jaamacadeed oo ka sarreeya shahaaddada koowaad ku qaateen culuun kala duwan, oo ay ka mid yihiin nabadda, maamulka dowladeed, horumarinta, deegaanka, sharciga caalamiga ah, xuquuqaha aadanaha iyo kuwo kale.

Marka laga soo tago ardayda iyo qoysaskooda, iyo Ergeyga Gaarka ah ee QM, waxaa sidoo kale dadkii ka soo  qaybgaley ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi; Danjiraha Midowga Yurub u jooga Soomaaliya, Karin Johansson; Madaxa Jaamacadda University for Peace, Francisco Rojas Aravena; iyo xubno kale oo ka mid ah ergada beesha caalamka ka jooga Soomaaliya.

Takhasuusaad kala duwan

Hadalladii ay jeedisey, Ergeyga Gaarka ah ee QM waxaa ay ku xustey sida ay isugu xiran yihiin waxbarashada iyo horumarka, gaar ahaan marka la eego Soomaaliya. 

“In badan oo ka mid ah bahwadaagta caalamiga ah, oo ka ay tahay Qaramada Midoobey, waxaa ay aad diiradda u saaraan tacliinta aasaasiga ah iyo waxbarashada dugsiyada hoose/dhexe iyo sare. Dabcan taasi waa mid muhiim ah. Waxaa ay soo dhistaa aasaaska,” ayaa ay tiri Ms. Laing. “Dhab ahaantii ma jiro dal gaari kara halka uu doonayo in uu ka galo dhaqaalaha dunida ee maanta isaga oo aan yeelan waax tacliinta sare ah oo kobcaysa oo aadna heerkeedu u sarreeyo. Sidaa daraaddeed, waxaan qabaa in ay sax tahay in Soomaaliya ay hamigeeda meel sare ku xirto.”

Sarkaalka ugu sarreeya QM waxaa ay sidoo kale ardayda ku dhiirrigelisey in ay dhexdooda iskaashadaan maaddaama badi dhibaatooyinka maanta ka jira dunida ay u baahan yihiin xalal ku dhisan takhasusaad kala duwan. Waxaa ay sidoo kale soo qaaddey suuragalnimada iskaashi ay Qaramada Midoobey kala yeeshaan cilmi-baaris lagu sameeyo mowduucyo kala duwan.

Maalinta Waxbarashada

Dabaal-degga maanta waxaa uu ku soo aadey maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada, taas oo Golaha Guud ee QM uu abuurey ka dib markii uu iclaamiyey sanadkii 2018 isaga oo u dabaaldegaya doorka ay waxbarashadu ku leedahay nabadda iyo horumarka. Munaasabadda waxaa xusey madaxa Jaamacadda University for Peace, maaddaama ay taasi ahayd hal-ku-dhegga maalintaa.

“Sanadkan, hal-ku-dhegga ah ‘waxbarasho lagu gaarayo nabad waarta’ ayaa la jaanqaadaya hawsha aasaasiga ah ee jaamacadda UPEACE waxaana uu hoosta ka xarriiqayaa muhiimadda waxbarashada maaddaama ay bud-dhig u tahay nabadda, horumarinta, iyo waaridda – nabad la’aani, ma jireyso xasilooni; nabad la’aan, ma jirayo horumar; waxbarasho la’aan, ma jirayaan nabad iyo xasilooni midna, mana jirayo horumar waara,” ayaa uu yiri Mudane Aravena.

“Sida ay Jaamacadda UPEACE ay uga go’an tahay kaabidda geeddi-socodka nabad-dhisidda ee Soomaaliya waa mid aan la weecin karin iyada oo taasi loo marayo waxbarasho, cilmi-baaris, iyo iskaashi. Waxaa naga go’an in aan qayb ka ahaanno safarka uu qaranku ugu jiro xaqiijinta nabad, xasilooni, iyo barwaaqo,” ayaa uu sii raaciyey.

Jaamacadda UPEACE iyo Soomaaliya

Jaamacadda Nabadda oo kambaskeeda ugu weyn ku leh dalka Costa Rica oo uu aasaasey Golaha Guud ee QM sanadkii 1980 waxaa ay meelaha ay diiradda saarto ka mid ah ka-hortagga colaadda, amniga aadanaha, xuquuqaha aadanaha, amniga deegaanka iyo dib-u-dhiska ka dib colaadda. 

“Tilmaamaha u gaarka ah jaamacadda UPEACE waa takhasuska ay ku takhasustey hawsha Qaramada Midoobey ee guud ahaan bulshada caalamka iyada oo leh manhaj culuun kala duwan ka kooban, sida ay uga go’an tahay waxbarasho gacan-ka-qabasho ah, iyo sida ay diiradda u saareyso horumarka waara,” ayaa uu yiri Agaasimaha Barnaamijka jaamacadda UPEACE ee Soomaaliya, Maxamed Yuusuf.

Barnaamijka jaamacaddan ee Soomaaliya waxaa la bilaabey dabayaaqadii sanadkii 2018 iyada oo hadafka laga leeyahay uu ahaa dhiirrigelinta xasiloonida Soomaaliya ka dib colaad sanado socotey. Dalkan ku yaalla Geeska Afrika, waxaa ay jaamacaddu ku bixisaa barnaamijyo takhasusi ah oo ka sarreeya shahaadda heerka koowaad ee jaamacadda kuwaas oo diiradda saaraya nabad-dhisidda, ka-hortagga colaadda, amniga aadanaha, xuquuqda aadanaha, amniga deegaanka iyo dib-u-dhiska ka dib colaadda.

“Sanado yar ka hor, Soomaali badan waxay ku khasbanaan jireen in ay dalka dibaddiisa aadaan si ay u soo qaataan waxbarashada ka sarreysa shahaadda koowaad ee jaamacadda, laakiin maanta, waxaad arkeysaa dad Afrikaan kale ah oo dhab ahaan Soomaaliya u imaanaya si ay u qalin-jebiyaan – tani waxaa ay markhaati u tahay wanaagga ku soo kordhey Soomaaliya afartii sano ee la soo dhaafey iyada oo taas loo maray jaamacadda UPEACE,” ayaa uu yiri Agaasimaha Barnaamijka Afrika ee Jaamacadda UPEACE, Professor Samuel Ewusi.

Raadka ay jaamacaddu reebtey mugdi kagama jirin ardayda qalinjebisey.

“Waxaad maanta taagan tihiin halkaan adinka oo ah jiil u diyaarsan in uu cutub cusub ku qoro taariikhda Soomaaliya – umad Soomaaliyeed oo hanweyn oo barakeysan oo himiladeedu tahay waxbarasho tayo leh iyo nabad waarta,” ayaa uu yiri Jibriil Afyare, oo ah arday sidoo kale ah agaasimaha iskaashiga caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, isaga oo ka hadley kulanka.

“Anniga oo ah hooyo shaqeysa, in aan helo waxbarashada aan ugu baahanahay kobcinta aqoonteyda anniga oo gurigeyga jooga oo daryeelaya carruurteyda waa fursad aad u weyn oo ay jaamacadda UPEACE i siisey,” ayaa ay tiri Leyla Cabdullaahi Daa’uus, oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee qalinjebiyey ee qaadatey shahaaddada mastarka ee culuunka Deegaanka, Horumarinta iyo Nabadda.

“Jaamacadda UPEACE Somalia waxaa ay bixineysaa fursad cajiib ah oo uu qofku wax uga barto jowharta nuxurka ah si uu u gaaro xirfadlenimo heer sare ah, isaga oo wax ka baranaya gaadiidka badda (maritime industry), juqraafiga siyaasiga ah, xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya,” ayaa uu yiri Daniel Jesudoss Jeyabalan oo reer Hindiya ah, oo ka mid ahaa tobanka arday ee shahaadda ka sarreysa tan doktoorada (post-doctoral degree) ku qaatey culuunta Nabadda, Maamulka Dowladeed iyo Horumarinta.

Sida ay sheegtey jaamacadda UPEACE, waxaa la bilaabi doonaa tiro koorsooyin kala duwan oo shahaaddo lagu bixiyo iyo barnaamijyo mastarka ah iyo kuwo Doktoorada ah. Barnaamijyadaas waxaa ka mid ah kuwa culuunta Amniga Deegaanka iyo Maamulka Dowladeed, Maareynta Ka-faa’iideysiga Waara ee Kheyraadka Dabiiciga ah, Siyaasadda Is-beddelka Cimilada, Nidaamyo Waara oo Cunto.