XGQM iyo Madaxa Bangiga Aduunka oo soo gaadhay Muqdisho, taageerana u muujiyay nabadda iyo horumarka gobolka

29 Oct 2014

XGQM iyo Madaxa Bangiga Aduunka oo soo gaadhay Muqdisho, taageerana u muujiyay nabadda iyo horumarka gobolka

Muqdisho – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, iyo Madaxweynaha Kooxda Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay taageero ugu ballanqaadaan kalaguurka Soomaaliya iyo dadaalka loogu jiro xoojinta amniga iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika dhammaantiisa.