Wakiilka Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida Taliyaha Booliska

31 Oct 2014

Wakiilka Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida Taliyaha Booliska

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa ka tacsiyeynaya geeridii ku timid Taliyihii Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto, Jeneraal Maxamed Xasan Ismaaciil, 30kii Octoobar 2014.


"Waxaan ka murugooday inaan maqlo geerida Taliyada Booliska, Jeneraal Maxamed Xasan Ismaaciil, waxaana tacsi u dirayaa qoyskiisa, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholar Kay.

Jeneraal Maxamed Xasan Ismaaciil ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed bishii Luulyo 2014.