Xildhibaan Yuusuf Jimcaale oo amaanay in dadka laga tiro badanyahay ka midyihiin hannaanka doorashada

Yusuf Xayle Jimcaale, wuxuu ka mid yahay xubnaha 275ta ee Baarlamaanka kuwaasi oo dooran doona Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ka soo jeedaa qabiilka Tumaal ee laga tiro badanyahay, wuxuuna aaminsanyahy in laga qaybgeliyo hanaanka doorashada qabaailka laga tiro badanyahay lafteeda ay tahay dimukhuraadiyad

30 Dec 2016

Xildhibaan Yuusuf Jimcaale oo amaanay in dadka laga tiro badanyahay ka midyihiin hannaanka doorashada

Yusuf Xayle Jimcaale, waa afartan jir  ka mid ah xildhibaano 200 kor u dhaafaya oo looga fadhiyo in ay soo doortaan M/weynaha soo socda ee majaraha u qaban doona dalka afarta sano ee soo socda.

Iyada oo uu mudane Yuusuf Jimcaale ka midyahay xildhibanadii hore ee dib looga soo doortay dowlad gobaleedka Galmudug ayuu doorashadiisa ku sheegay mid xiiso gaar ah leh. Xildhibaanku waxa uu ka soo jeedaa beesha Tumaal oo micnaheedu yahay in ay yaqaanaan bir tumidda, waana mid ka mid ah qabiilada laga tirobadanyahay ee la soo heebsoocayey sanado badan oo aan ka guursan Karin cid aan beeshooda ahayn.

“Dadka laga tirobadanyahay ayaa loo ogalaaday in ay kasoo doortaan gobollo kala duwan kuraastooda xldhibaanimo.  In loo ogalaado dadka laga tiro badanyahay ka mid noqoshada hanaanka doorashada ayaa ba ah dimuquraadiyad. Waxan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Dowladda Federalka Soomaaliyeed iyo maamul goboleedyada oo aqbalay in dadka laga tiro badanyahay ka codeeyaan goboladooda,” ayuu yiri Jimcaale.

Marka laga soo tago beesha Tumaal, beelaha kale ee kuraasta baarlamaanka looga asteeyey waxaa ka mid ah Musa-Dhari, Yibro, Yaxar &  Madhibaan iyo qaar kale.

Hannaanka ka wada qaybgalka doorashda ayaa wuxuu isku keenay dadyow kala duwan taasoo suuragal ka dhigeysa doorashada in dadka laga tiro badanyahay loo doorto baarlamaanka..

“Waa markii ugu horreysay oo odayaasha qabaa’ilka, culumaa’udiinka, haweenka, dhalinyarada iyo ganacsataduba ka qaybgalaan hanaanka doorashada. Doorashadan ayaa ah mid aad looga qaybgalay islamarkaana kalsooni badan haysata kolka lala barbardhigo tii 2012-kii maxaa yeelay dadka laga tiro badanyahay aya aad uga qaybgalay doorashadan, “ ayuu tibaaxay xildhibaanku.

Mudane Jimcaale ayaa dhinaca kale qiray in doorashda 2016-ka ay lahayd dhibaatooyinkeeda, laakiin ayuu durba sii raaciyey in doorashadan tahay talaabo loo qaadey dhinaca xaqa qof walba u leeyahay inuu codeeyo.

Xildhibaanku waxa uu ku dhashay Muqdisho 1976-dii,  agoon ayuu noqday isaga oo labo jir ah. 17 jir ayuu ku bilaabay inuu jaraa’idka iibiyo si uu nolol ugu helo isaga iyo walaalihii. Sidoo kale waxa uu qasnaji ka noqday farmasi, inta uusan ku biirin ganacsiga kadibna u xuubsiiban siyaasadda 2009-kii. Xildhibaanku waxa uu leeyahay urur Kheyri ah oo la yiraahdo Somali Humanitarian, Education and Development Association. Hay’adda Kaalmada Bani’aadmnimada,  Waxbarashada iyo Hrumarinta Soomaaliyeed  oo la aasaasay 2013-dii si loo caawiyo carruurta saboolka ah in ay waxbarasho helaan.