Somaliland iyo Gobollada Waqooyi oo dooranaya labo haween oo kale ee Golaha Shacabka

Sahra Yuusuf Cige oo ku guuleysatay kursi Golaha Shacabka ee Somaliland ayaa u jeedisay khubadii guusha ergada inta lagu gudajiray hanaanka doorashada Soomaaliyeed ee Muqdisho, Soomaaliya. 25-ka Diseembar, 2016-ka. Sawirka QM

25 Dec 2016

Somaliland iyo Gobollada Waqooyi oo dooranaya labo haween oo kale ee Golaha Shacabka

Ergada Goballada Waqooyi ee Somaliland ayaa maanta Golaha Shacabka u doortay afar xildhibaan oo kale oo ay ku jiraan labo haween ah, taasoo ka dhigeysa xubnaha baarlamaanka ee aagaas laga soo doortay 34.

Codbixintan ugu dambeysay ayaa ka dhigan in 12 kale oo kursi ay wali dhimanyihiin in la soo doorto si markaa loo dhammeystiro doorashada Golaha Shacabka, islamarka loogu gudbo doorashada Aqalka Sare.

Musharaxiinta guuleystay waxa ka mid ah Cabdalle Haji Cali Ahmed, Cabdirahman Iidan Yoonis, Faadumo Odawaa Raage iyo  Sahra Yusuf Cige. Fadumo Raage iyo  Sahra Cige ayaa codad mug leh ugu guuleystay kuraastii loo asteeyey haweenka.

Fardowsa Maxamed Ducaale oo ka tirsan Guddiga Doorashayoonka Dadban ee Heer Federaal ayaa xustay in hanaanka doorashadu uu ahaa  mid xasilooni ku dhacay iyada oo muujisay sida ay ugu qanacsantahay tirada haween ee loo soo doortay Golaha Shacabka.

“Waxaynu rajeynaynaa marka hanaanka doorashadu soo idlaado in 25 ilaa 26 boqolkiiba kuraasta Baarlamaanka ay haweenku ahaanayaan. Dhawaan ayaan soo saari doonaa tirakoobka ku aadan haweenka ee gobollada, laakiin imanka tirakoobka hordhaca ah ee aynu hayno ayaa sheegaya in Somaliland hogaanka u hayso, halka HirShabelle ay kaalinta  2-aad ku jirto,” ayay xustay Fardowsa Ducaale.

Faadumo Raage ayaa uga mahadcelisay odayaasha dhaqanka dawrkoodii ay u sahleen in haween badan ku matalaan Golaha Shacabka.

“Marka kan tirada haweenka Baarlamaanka aad ayuu sare ugu kacday. Aad buu uga sarreeyaa tirada haweenka Baarlamaankii hore ee 2012-kii.  Waan u mahadcelinayaa kaabo qabiilada go’aankii ay ku meelmariyeen in haweenka la doorto iyo taageeridii ay na siiyeen,” ayay tiri

Mudane Abdale Ali Axmed ayaa ugu baaqay Soomaaliya iyo Somaliland in ay dibuheshiisiin gaarsiiyaan dadkooda. “Cid walba oo loo doorto M/weyne ayaan ka siinayaa taageero arrinta dibuheshiisiinta ee Soomaaliya iyo Somaliland. Waan caawinayaa M/weynaha haddii uu daacad ka yahay wadahadal dhab oo lala galo Somaliland,” ayuu xusay.

Marwo Cige ayaa uga mahadcelisay ergooyinka Somaliland in ay dhaafiyeen 30% kuraastii Baarlamaanka Federaalka ee loo asteeyey haweenka, iyada oo intaa sii raacisay in ay diyaar u tahay ka shaqeynta horumarka Soomaaliya.

“Waan u mahadcelinayaa dhammaan dadkii ila shaqeeyey, gaar ahaan aad baan ugu faraxsanahay go’aankii kor loogu qaadayey 30% kuraasta haweenka loo asteeyey ee ay ku matalaan Baarlamaanka,” ayay raacisay.