Xilli uu Jowhar ku sugnaa Ergeyga QM waxa uu hoosta ka xarriiqay taageerada Hirshabeelle halka uu soo dhaweeyey arrimihii u dambeeyey ee doorashada qaran

28 Jan 2021

Xilli uu Jowhar ku sugnaa Ergeyga QM waxa uu hoosta ka xarriiqay taageerada Hirshabeelle halka uu soo dhaweeyey arrimihii u dambeeyey ee doorashada qaran

Jowhar - Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ku sugan Hirshabeelle ayaa soo dhoweeyay horrumarradii ugu danbeeyay ee laga gaaray xaaladaha cakirnaa ee la soo darsayay doorashooyinka qaran ee dalka.

“Waan ku farxay bayaankii saakay ka soo baxay maamul goboleedyda Jubalaan iyo Buntilaan, iyo ku dhawaaqista xubnahood uga qeyb galaya kooxaha hirgelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada. Waxaan gelinka danbe ee maanta la tashan doonaa Saaxiibadii kale ee caalamiga ah sidii aynu hore isugu raacnay na waxaan si wadajir war uga soo saari doonnaa horrumarada la gaaray-balse k falcelinteyda ugu muhiimsani ee ku aadan soo saarista liisaskan inkasta oo ay dib dhaceen Waa arrin wanaagsan oo soo dhoweyn mudan” ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa hadalkan ka sheegay kulan wadajir oo ay magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle warbaahinta kula yeesheen isaga iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, kaas oo saakaydi hore uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya -oo ay ku jirto Qaramada Midoobay- ayaa madaxda Soomaaliya ku boorrinayay inay isu yimaadaan si ay ku jirto is-afgarad iyo wadashaqeyn si loo xalliyo khilaafaadka ka taagan sida loo hirgelinayo qorshaha doorashada ee lagu heshiiyay 17-kii Bishii September ee sanadkii hore, si gacan looga geysto xaqiijinta In ay Soomaaliya ku sii socoto wado Cad oo la marayo Nabadda iyo Xasiloonida.

Horraantii Khamiistii, Maamul goboleedyada Buntilaan iyo Jubalaan ayaa mid walba oo kamid ah ku dhawaaqay Xubnaha uga mid noqon doona kooxaha Hirgelinta Doorashada Dowlad Goboleedka iyaga oo ku baaqay kulan kale oo ay yeeshaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada si xal looga gaaro jihada loo dhaqaaqayo.

“Waxaan sidoo kale soo dhoweynayaa soo jeedint waxtarka leh ee ku aadan kulanka Madaxda Dowladda iyo Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah dowladda federaalka, kaas oo si dhab ula jaanqaadaya baaqyada loo soo jeedinayay madaxda Soomaaliya si heshiis looga gaaro sida loo hirgelinayo heshiiskii doorasho ee la gaaray 17-kii September” ayuu yiri James Swan. “Kuwani waa tallaabooyin togan oo ay qaadeen Buntilaan iyo Jubalaan, waxaana rajeynayaa in sidan oo kale sameeyaan dowladda federaalka ah iyo dowladaha Xubnaha ka ah”.

Taageerada Hirshabeelle

Iyada oo uu wehlinayaan sarkaal ka tirsan Hay’adda Beeraha iyo Cunnada Adduunka ee FOA, Maxamed Yarow, iyo Taliyaha Booliska Howlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee UNSOM Meinolf  Schlotman, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa taageerada Qaramada Midoobay kala hadlay madaxda iyo wasiirada Hirshabeelle.

“Hirshabeelle oo la dhisay 2016-kii  waa maamul gobolleedka ugu da’da yar dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federalka ee Soomaaliya. Waan ka war qabnaa in baahiyaheeda horumarineed ay arrintani muhiim u tahay xilli qoyska QM ay wali wadaan in ay ka taageeraan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo taageerada bani’aadannimo iyo waliba sidoo kale dhinaca ammaanka iyo dadaalada dib u heshiisiinta” ayuu yiri James Swan.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa sii waday muujinta tusaalooyinka qaar ee taageeradaa.

Dhinaca arrimaha bani’aadannimada, khibradaha laga dhaxlay duullaankii ayaxa ee qeybo ka mid ah dalka, Barnaamijka Cunada ee QM waxa ay wadaa bixinta kaalmo ay si ba’an ugu baahan yihiin dadka iyada oo u mareysa barnaamijkeeda nafaqeynta ee tuulooyinka uu saameeyey ayaxa.

Marka la eego arrimaha la xiriira daadadka saameyey dadaalada horumarineed ee Hirshabeelle, Hay’adda Beeraha iyo Cunada waxa ay soo calaamadisay ugu yaraan 60 goobood oo ay biyaha ka soo goostaan iyada oo kala shaqeynaya mas’uuliyiinta deegaanka xiridda 13 meelood oo ay halistooda aad u weyn tahay oo jiinka wabiga ah – afar ka mid ah kuwaas hadda waa la dhammeeyey.

Waxaan ku faraxsanahay in aan ku daro in Hay’adda Beeraha iyo Cunada ay sidoo kale dayactir ku sameysay 35 Kilometer oo kanaallo waa weyn ah, ayuu yiri Md. Swan. “Taasi waxa ay Hirshabeelle u sahli doontaa in ogaado in ay noqon karto meesha Soomaaliya laga quudiyo.”

Waxa uu intaas ku daray in Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah uu doorkeeda Hirshabeelle yahay shaqooyinka bulshad. Waxa ay gacan ka geysatay dhismaha dugsiyo dhexe, suuq noocyo badan oo casri ah iyo xarun haween.

Dhinaca amniga, iyada oo kaashaneysa saaxiibeed, Qaramada Midoobay waxaa ka go’an taageeridda booliska Hirshabeelle.

Hadda, 579 askar boolis ah ayaa hela lacag u soo marta Barnaamijka Isku dhafan ee ee Booliska QM. Barnamaijka waxa uu sidoo kale maalgalin doontaa dhismaha saldhigyo boolis, waxa uu bixin doonaa qalab iyo barnaamijyo hormarineed oo la xiriira shaqada booliska ee dadweynaha.

“Tusaalooyinkan waa iskaashiga dhaw ee naga dhexeeya Hirshabeelle,”  ayuu yiri Md. Swan . “QM ee Soomaliya waxa ay sugeyayaan in ay adiga iyo kooxdaada la shaqeeeyaan si loo horumariyo nolosha dadka Hirshabeelle, xilli ay koreyso oo ay horumareyso, sanadka 2021 iyo wixii ka dambeeyaba.”

Booqashada wafdiga QM ee Hirshabeelle waa tii afraad oo ay ku tagaan dowlad gobolleedyada bishan iyada oo uu ujeedku yahay in Hay’adda Aduunka ay la tashiyo kala sameeyo hoggaamiyeyaasha maamul gobolleedyada taageerada ay siiso. Wafdiyadii kuwan ka horreeyey ee uu hoggaaminayey Ergeyga Gaarka ah ee QM waxa ay booqdeen maamul gobolleedka Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland.