Xiriirka mudada dheer iyo taageerada dhinacyada kala duwan ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Somaliland ayaa looga hadlay booqashadii bahda QM ee Hargeysa

4 Feb 2021

Xiriirka mudada dheer iyo taageerada dhinacyada kala duwan ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Somaliland ayaa looga hadlay booqashadii bahda QM ee Hargeysa

Hargeysa- Xiriirka mudada dheer iyo taageerada dhinacyada kala duwan ka kooban ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Somaliland ayaa diiradda lagu saaray booqashadii ugu dambaysay ee ay mas’uuliyiintii sare ee ka socota hay'adda adduunka ku tageen caasimaddeeda Hargeysa.

“Shalay ayaan nimid waxaana fursad u helnay in aan la kulanno mas’uuliyin dowladeed oo sar sare iyo xubno ka mid ah ururada bulshada, iyo Gudiga Qaran ee Doorashada kahor inta aynaan la kulmin madaxweyne Biixi iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada saaka” Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidaas ku sheegay kelmeddisii uu maanta ee warbaahinta.

“Aad ayaan ugu faraxsannahay in ay noo suurtagashay in aan ka wadahadalno shaqada Qaramada Midoobay ka qabato Somaliland ee ay gacan uga geysato in wax laga qabto arrimaha saameynta ku leh bulshada Somaliland. Iskaashigeena waxa uu soo bilowday 1991-dii, ilaa iyo waqtigaasna ka go’naanshehenu isma bedelin iyada oo la soo maray xilliyo adkaa iyo kuwo wanaagsanaaba.”

Ergayga Qaramada Midoobay waxa uu la joogay  Hargeysa mas’uuliyiin ka tirsan qaybaha kala duwan ee qoyska QM ee ka hawlgalada ka wada Somaliland - Agaasimaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee QM u qaabilsan Soomaaliya Cesar Arroyo; Wakiilka Xafiiska Hay'adda QM u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), Johann Siffointe; iyo Maamulaha Barnaamijka Dalka ee Haweenka QM, Saadiq Syed.

Waqtigan la joogo in ka badan 20 hay’adood oo QM ah, sanduuqyo iyo barnaamijyo ayaa ka shaqeeya guud ahaan Somaliland.

 “Taageerada QM waa mid aad u ballaaran. Waxaa ka mid ah gargaarka bani’aaadannimo iyo taageerada arrinaha horumarinta la xiriira, sidaas daraadeed, aniga iyo saaxiibadey waxaa noo suurtagashay in aaan aragno qaar ka mid ah taageeradaas oo aan waliba goobjoog u noqonno xilli aan booqanay xarunta Barnaamijka ay fuliso Barnaamijka Cunada Aduunka ee nafaqeynta iyo daryeelka caafimaad.”

“Xaruntaas” isagoo sii wada hadalka, “waxaa ku soo aragnay hay’ado kale oo QM ah kuwaas oo taageero nafaqo iyo cunno is wata  Hargeysa ku siinayey dhallaanka, carruur aad u da’yar iyo hooyooyinkood.”

Ergeyga Qaramada Midoobay waxa uu u tilmaamayey booqasho uu Talaadadii ku tegey xarunta nafaqada ee Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, oo ka mid ah 47 xarumood cayyiman oo ku yaal Somaliland taas oo ay WFP - oo kaashanaysa Hay'adda Caafimaadka iyo la dagaalanka Saboolnimada (HPA) iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland – waxa ay la yimaadeen barnaamij ay ku bartilmaamaysadeen quudinta dheeriga ah iyo sidoo kale caafimaadka hooyada iyo dhallaanka iyo barnaamijka nafaqada.

Waxaa intaas dheer, Sanduuqa Carruurta ee QM (UNICEF) wuxuu siiyaa taageero carruurta nafaqo-xumada ba’an ay hayso ee ka yar da’da shanta sano  barnaamijka daweynta bukaan-socodka. Wadarta ka-faa'iideystay waa 1,354, kuwaas oo hadda lagu taageero goobta Maxamed Mooge.

Taageerada ballaaran

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay waxa uu sidoo kale xusay sida ay WFP uga go’an tahay taageerida sugnaanta cunada muddada dheer ee Somaliland. Waxa ay maalgalin ku sameeyey barnaaminyada lagu taageero qoysaska , kor u qaadista nidaamyada cunnooyinka iyo barnaamijyada hab-nololeedka kuwaas oo ballaarinaya hawlaha gargaarka bani'aadamnimada, oo ay ku jiraan bixinta gargaarka cunnada, nafaqada iyo quudinta iskuullada, kuwaas oo lagu taageero boqolaal kun oo dad ah oo ay cunto yari hayso.

Saameynta WFP ee dhaqaalaha gudaha ayaa sidoo kale laga hadlay. Hay'adda gargaarka cunnada waxay adeegsadaan Dekedda caalamiga ah ee Berbera, iyada oo ay Dekeddu waxay ka kooban tahay marin muhiim ah oo u adeega howlaha hay'adda Qaramada Midoobay, ma ahan oo keliya gudaha maamulka laakiin sidoo kale guud ahaan gobolka ee Geeska Afrika.

“In ka badan rubuc milyan metrik ton oo xamuul gargaar bini’aadanimo ah ayaa soo maray magaalada Berbera sanadkii hore. Intii u dhaxeysay 2019-2020, Barnaamijka Cunnada Adduunka wuxuu in ka badan 50 milyan oo doolar ku kordhiyay dhaqaalaha Somaliland qaab ah khidmadaha dekedda, kharashka bakhaarada iyo khidmadda gaadiidka.”

UNHCR waxaa loo igmaday inay ilaaliso xuquuqda iyo badqabka qaxootiga iyo dadka kale ee soo barakacay. Somaliland sanadkii la soo dhaafay, hawlaheeda waxay ka koobnaayeen waxbarashada, daryeelka caafimaadka, nolosha iyo hoyga, iyo waaxyaha kale.

“Si gaar ah, UNHCR waxa ay taageertay dayactirka iyo qalabeynta iskuullo, dayactirka iyo qalabeynta xarumo caafimaad oo ay ku jiraan cisbitaalada Hargeysa iyo Berbera, iyo bixinta deeqo ganacsi iyo tababarro xirfadeed.” Ayuu yiri Md. Swan.

Sinnaanta Jinsiga ayaa k amid ah taageerada qoyska Qaramada Midoobay siiso Somaliland. Waaxda Haweenka ee Qaramada Midoobay waxay si dhow ula shaqeyneysaa Wasaaradda shaqaaleynta,  Arrimaha Bulshada iyo Qoyska iyo sidoo kale Ururrada Bulshada Rayidka ah si loogu ololeeyo arrimahan.

“Haweenka QM waxa ay taageereysay wasaaradda iyo kooxaha ururada bulshada si sare loogu qaado ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda iyo waliba abaabulka doodo la xiriira arrimaha jinsiga, iyada oo diiradda la saarayo wax ka qabashada caadooyin taban ee bulshada.” Md Swan wuxuu yiri “Haweenka QM waxa ay sidoo kale kaashanayaan Ururuka Qareenada Haweenka Somaliland si loogu ol’oleeyo in haweenku ay fursad u helaan cadaaladda.”

Kelmeddiisii, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, waxa uu si gaar ah khudbadiisa ugu xusay sida ay Somaliland ugu nugushahay masiibooyinka cimilada ee  soo noq noqda, isaga oo xusay suurtagalnimada abaaro ba'an oo ay ugu wacan tahay xilli roobaadkii Deyrta oo liitay sannadkii hore.

Isaga oo arrintaas ka hadlaya, waxa uu bidhaamiyey sida shaqada UNICEF oo kaashaneysa  maamulka Somaliland  loo dhiso awoodda adkeysiga bulshada ku nool meelaha abaaraha u nugul. Labaduba waxa ay si wadajir ah ula shaqeynayeen shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo dhiso, loona rakibo hannaan biyogelin joogto ah si haweenka iyo carruurtu ay u helaan biyo nadiif ah xilliyada abaaraha.

“Laa hadda, 18 nidaam ceel biyood aan gurin ayaa laga dhisay, Somaliland guud ahaanna laga dayactiray kuwaas oo ay ka faa’iideysan karaan in ka badan 200,000 oo dad ah.” Wuxuu yiri Md. Swan “Ceel biyoodyadaas waa marka lagu daro barnaamijka ay wado UN-Habitat , oo ay taageerto Midowga Yurub kaasoo dhuun cusub oo tageysa ilaa iyo  Hargeysa looga dhisayo ceelka  Geed Deeble.”

Dhuun dhererkeedu yahay 23 kilomitir oo biyaha kasoo qaada Geed Deeble kaddibna geysa Hargeysa ayaa la filayaa inay kordhiyaan xaddiga biyaha ay heli karaan caasimaddu laga bilaabo sagaal milyan ilaa 14.5 milyan oo litir maalintii. Mashruucan waxaa fulinaya hay'ada UN-Habitat oo kaashanaysa Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Wasaaradda Kheyraadka Biyaha Somaliland, iyadoo ujeeddada guud tahay kor u qaadista helitaanka biyo nadiif ah oo la awoodi karo iyo nolosha qoysaska nugul ee ku dhaqan magaalooyinka iyo tuulooyika.

Doorashooyinka Soo Socda

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale, ka hadlay doorashooyinka golaha wakiillada iyo deegaanka ee soo socda ee Somaliland, kuwaas oo loo asteeyey in ay dhacaan 31 May, ka dib markii ay ansixiyeen Golaha Guurtida ama Aqalka Odayaasha, Aqalka Sare ee Barlamaanka Somaliland.

“Dhammaan saaxiibada Somaliland waxa ay ka war dhawrayaan doorashooyinkan.” Md. Swan wuxuu yiri “waxaan eegaynaa shaqada Guddiga Doorashada Qaranka ee fududeenta doorashooyin guulaysta dhammaadka bisha May.”

Galinkii hore ee Arbacada, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay waxa uu booqday xarunta komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland (NEC), halkaas oo uu wada hadallo kula yeeshay qaar ka mid ah Guddiga.

Kelmedihii  uu warbaahinta siiyay, waxa uu ku sheegay in dhammaan tilmaamaha ka soo baxaya Guddiga Doorashooyinka in ay yihiin kuwa wanaagsan oo muujinaya in hawlaha farsamo ee u diyaargarowga doorashooyinka ay yihiin kuwa meel wanaagsan maraya, islamarkaana in diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay ahayd arrin ballaaran oo laga hirgaliyay guud ahaan gobollada.

“waxaan ku baaqaynaa hannaan loo dhan yahay oo daahfuran” ayuu ku daray.

Intii uu Hargeysa joogay, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo xubnaha kale ee wafdiga sidoo kale waxa ay la kulmeen Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Somaliland, iyo sidoo kale wakiillo ka socday ururada bulshada rayidka ee deegaanka ka soo jeeda iyo saaxiibbada caalamiga ah ee ku sugan magaalada.