Xoghayaha-Guud ee QM ayaa u magacaabey Mr. James Swan oo Dalka Mareykanka u dhashey in uu noqdo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)

15 May 2024

Xoghayaha-Guud ee QM ayaa u magacaabey Mr. James Swan oo Dalka Mareykanka u dhashey in uu noqdo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)

New York – Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa maanta ku dhawaaqay magacaabista James Swan oo u dhashey dalka Mareykanka in uu noqdo Ku-simahiisa Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Mr. Swan ayaa muddo ku-meelgaar ah wuxuu ahaan doonnaa Ergeyga Gaarka ah ka-dib markay xilka baneyso Catriona Laing oo u dhalatey dalka Boqortooyada Ingiriiska, taas oo uu Xoghayaha-Guud uga mahad celinayo sidii ay xilli adag ugu heelaneed shaqadii ay u haysey UNSOM iyo Soomaaliya.

Mr. Swan waa diblomaasi waayo arag ah oo muddo-dheer ka soo shaqeeyay dalalka Afrika ee wajahaya isbeddelo siyaasadeed oo adag. Markii ugu dambeysay, Mr. Swan wuxuu ahaa Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022. Markaasi ka horna, wuxuu ahaa Safiirka Dalka Mareykanka u fadhiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, laga bilaabo 2013 ilaa 2016, Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, laga bilaabo 2011 ilaa 2013, iyo Safiirka Dalka Mareykanka u Fadhiyay Jabuuti laga bilaabo 2008 ilaa 2011.

Shaqooyinkiisii hore, Mr. Swan wuxuu ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda u qaabilsan Arrimaha Afrika laga soo bilaabo 2006 ilaa 2008, iyo Agaasimaha Falanqeynta Arrimaha Afrika ee Xafiiska Sirdoonka iyo Cilmi-baarista Waaxda Arrimaha Dibedda laga bilaabo 2005 ilaa 2006. Ka hor inta uusan hawlahan qaban, Mr. Swan wuxuu hawlo kala duwan ka soo qabtey dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Soomaaliya, Kaamiruun, Nicaragua iyo Haiti.

Mr. Swan wuxuu shahaaddada heerka koowaad ee jaamacadda ka haystaa Dusiga Adeegga Dibedda ee Jaamacadda Georgetown (Georgetown University’s School of Foreign Service), shahaaddada heerka labaad ee jaamacadda oo uu ka soo qaatey Johns Hopkins School of Advanced International Studies, iyo Shahaadda heerka labaad ee jaamadda oo uu ku bartey Daraasaadka Amniga Kuliyadda Qaranka ee Dagaallada (National War College), oo dhammaantoodaba ku yaalla dalka Mareykanka. Wuxuu si fiican ugu hadlaa luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska.