Xoghayaha Guud oo James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka u magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxa Hawlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya

30 May 2019

Xoghayaha Guud oo James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka u magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxa Hawlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya

New York – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa manta shaaciyay magacaabista James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqonayo Wakiilkiisa Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM). Wuxuu bedeli doonaa Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika kaasoo uu Xoghayaha Guud uga mahadcelinayo adeegiisa hufnaa ee UNSOM iyo Soomaaliya xilli adag.

Mudane Swan waa diblomaasi khibrad leh oo muddo dheer kusoo jiray shaqooyinka caalamiga ah ee Dawladda Mareykanka. Inta badan shaqadiisa wuxuu ku soo qaatay wadamada Afrika isagoo wajahayay kala-guur siyaasadeed oo cakiran. Wuxuu Danjire ka soo noqday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo sannadihii 2013 ilaa 2016, Wakiilka Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhaxeysay 2011 ilaa 2013, iyo Danjiraha fadhiya Jabuuti intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2011.

Shaqadiisii hore, Mudane Swan wuxuu soo noqday Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Dawladda ee Arrimaha Afrika intii u dhaxaysay 2006 ilaa 2008, iyo Agaasimaha Falanqaynta Afrika ee Waaxda Dawladda u qaabilsan Xafiiska Sirdoonka iyo Cilmibaarista 2005 ilaa 2006. Intaas kahor, Mudane Swan wuxuu shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Jamhuuriyadda Koongo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.

Mudane Swan wuxuu haystaa shahaadada heerka kowaad oo ka qaatay Jaamacadda Georgetown ee Adeegga Dibadda, mida heerka labaad (master) oo uu ka qaatay Johns Hopkins Dugsiga Diraasadaha Caalamiga ah ee la Horumariyay, iyo shahaado Master kale oo Daraasaadka Amniga ee Machadka Qaran ee Dagaalka.