Ergeyga QM oo Soomaalida u rajeeyay soonqaad suubban oo nabad iyo farxad leh

6 May 2019

Ergeyga QM oo Soomaalida u rajeeyay soonqaad suubban oo nabad iyo farxad leh

Muqdisho – Sarkaalka masuulka ka ah Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM) iyo Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha QM u qaabilsan Soomaaliya  Raisedon Zenenga, ayaa salaam diirran u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed maadaama ay bishii barakaysneed ee Ramadan billaabanayso.

“Anigoo ka wakil ah guud ahaan kooxda QM ee Soomaaliya,

“On behalf of the entire United Nations family in Somalia, waxaan u rajaynayaa dadka ee Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo daafaha dunida jooga inay si nabad ah ku qaataan bisha barakaysan ee Ramadan” ayuu yiri mudane Zenenga. “Waa xilli muhiim ah sannadka marka qoysaska iyo bulshooyinku ay wadajiri karaan, iyagoo milicsanaya waxa run ahaantii nolosha muhiimka u ah, oo ay ugu duceeyaan isla markaana taageeraan kuwa nasiibka yar. Sidoo kale waa wakhti bogsiin iyo dambi dhaaf ah.

“Soomaaliya ha ku barakowdo bishan Ramadaan farxad iyo nimco – Ramadan kareem, Ramadan wanaagsan.”