Xoghayaha-Guud oo u magacaabay Adam Abdelmoula oo u dhashay dalka Suudaan inuu noqdo Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud, ahna xiriiriyaha QM iyo Isuduwaha Hawlaha Bani'aadamnimada ee Soomaaliya

28 Aug 2019

Xoghayaha-Guud oo u magacaabay Adam Abdelmoula oo u dhashay dalka Suudaan inuu noqdo Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud, ahna xiriiriyaha QM iyo Isuduwaha Hawlaha Bani'aadamnimada ee Soomaaliya

New York – Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa maanta ku dhaqaaqay magcaabista Adam Abdelmoula oo u dhashay dalka Sudan (sidoo kalena haysta dhalashada Mareykanka) inuu noqdo Ku-Xigeenka Ergeygiisa Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya, halkaas oo uu ka hawlgeli doono isagoo ah Xiriiriyaha iyo Isuduwaha Hawlaha Bani'aadamnimada ee Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Wuxuu xilkan kala wareegi doonaa George Conway oo u dhashay dalka Canada oo ahaa ku-simaha Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud, ahna Xiriiriyaha iyo Isuduwaha Hawlaha Bani'aadamnimada tan iyo bishii Abriil 2019, oo Xoghayaha-Guud uu uga mahad-celinayo u-heelanaantiisii iyo adeegii uu ku bixiyay Soomaliya.

Md. Abdelmoula oo hadda ah Agaasimaha Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay iyo Waaxda Hanaanka Heshiisyada ee Xafiiska Ergeyga Sare ee Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay (OHCHR), wuxuu la imanayaa soddon sanno oo khibrad ah ee dhinacyada horumarinta, sarreynta sharciga, xuquuqul insaanka, iyo amniga. Laga soo billaano sannadkii 2013kii ilaa sannadkii 2016kii, wuxuu ahaa Agaasimaha dalka ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) u qaabilsanaa Ciraaq, sidoo kale, laga soo billaabo sannadkii 2010 ilaa sannadkii 2013 wuxuu ahaa Isu-Duwaha u fadhiyay dalalka Kuwait iyo Suuriya. 

Md. Abdelmoula wuxuu xirfad ahaan horey u soo noqday Madaxa Waaxda Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee OHCHR wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay xafiisyada Qaramada Midoobay ee Liberia, Ciraaq iyo Soomaaliya.

Md. Abdelmoula wuxuu shahaaddo jaamacadeed (LL.B.) oo Qaanuunka Guud iyo Qaanuunka Islaamiga ah ka heystaa Jaamacadda Khartoum, wuxuu sidoo kale shahaaddada labaad ee (LL.M.) Qaanuunka Caalamiga ah ka heystaa Dugsiga Qaanuunka ee Jaamacadda Harvard, wuxuu sidoo kale darajada PhD ee Qaanuunka Guud ee Caalamiga ah ka qaatay Jaamacadda Georgetown.