Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo Ra’iisul Wasaaraha kula kulmay Baydhabo

7 Sep 2019

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo Ra’iisul Wasaaraha kula kulmay Baydhabo

Baydhabo – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa iskugu yeeray saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka kulan ka dhacay Baydhabo, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, 7dii September 2019.

Ka-qaybgalayaasha ayaa kulmay si ay uga arrinsadaan hawlaha mudnaanta u leh wada-shaqaynta hay’adaha qaran iyo beesha caalamka, wuxuuna hordhac u yahay kulanka Madasha Is-kaashiga Soomaaliya oo lagu qaban doono Muqdisho 1da iyo 2da Oktoobar.

Wafdiga ayaa gudbiyay fariimo uu ka kala siday AMISOM, Itoobiya, Midowga Yurub, Jarmalka, Talyaaniga, Urur-Goboleedka IGAD, Kenya, Norway, Sweden, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha iyo saaxiibada ka socday beesha caalamka waxay isku af garteen in Madasha Is-kaashiga Soomaaliya diiradda lagu saaro arrimaha mudnaanta koowaad u leh waxqabadka lagu kordhinayo dadaallada qaran iyo kuwa saaxiibada iyo [sidoo kale] dhaqaale-u-helidda [dadaalladaas].  

Waxay isku waafaqeen in arrimaha mudnaanta la siinayo lagasoo dheehan doono tubabka [khariidooyinka] dib-u-habaynta ee Siyaasadda Loo Dhanyahay, Amniga iyo Cadaaladda, Soo-kabashada Dhaqaale iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada, iyo in arrimaha mudnaanta leh ee lagu heshiiyay loo cuskado mabaadi’da iskaashiga ee isla-xisaabtanka. Waxay xuseen in hirgelinta arrimahaas hortebinta leh ay u baahantahay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta ka dhaxayso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Saaxiibada [caalamka] ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku amaanay hogaankiisa uu ku xoojinayo dib-u-heshiisiinta Galmudug waxayna hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay in dib-u-heshiisiinta laga hirgelinayo dhamaan dowlad goboleedyada Soomaaliya loo maro hanaan loo wada dhanyahay. Waxay ku baaqeen in geedi-socodyada dib-u-heshiisiin iyo kuwa doorasho ee ka socdo Dowlad Goboleedyada lasoo af-meero iyadoo aanay dhicin wax iska-hor-imaad ama gacan-ka-hadal ah, lana tixgeliyo wada-hadalka, iyo ixtiraamka xuquuqul insaanka si loo xaqiijiyo in dhamaan laga wada shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa arrimaha mudnaanta u leh qaranka.

Saaxiibada [caalamka] ayaa uga mahad-celiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicaziiz Xasan Maxamed “Laftagareen” soo dhoweynta diiran iyo marti-gelinta wanaagsan ee ay ka heleen dadka iyo maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxay soo dhoweeyeen dadaalladii dhowaan loo galay dib-u-heshiisiinta ee ka hana-qaaday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxayna ugu baaqeen dhamaan dhinacyada [ay khusayso] inay qaadaan tallaabooyin la taaban karo oo lagu xaqiijinayo guusha dadaalladaas.