Xoghayaha-Hoose ee Qaraamada Midoobay ee arrimaha siysaasadda ayaa taageero u muujiyey geeddi-socodka doorashada guud ee Soomaaliya

3 Feb 2016

Xoghayaha-Hoose ee Qaraamada Midoobay ee arrimaha siysaasadda ayaa taageero u muujiyey geeddi-socodka doorashada guud ee Soomaaliya

Xoghayaha Hoose Qaraamada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda, Jeffrey Feltman ayaa maanta booqday Soomaaliya, wuxuuna shir la yeeshay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. 

Xoghayaha Hoose wuxu Muqdisho u yimid in uu gudbiyo farrin ka timid Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay,Ban Ki-moon iyo in uu xoojiyo taageerada QM siineyso dadka Soomaaliyeed si ay ugu heshiyaan geeddi socodka doorashada 2016. Feltman oo uu weheliyey Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, wuxu yiri wuxu “oogaaday in ay jirto shaqo badan oo ay tahay in la qabto si uu u noqdo qorshe hawleedka geeddi socodka doorashada mid guuleysta” 

“Wakiilka Gaarka ah iyo aniga waxaan kala hadalnay Madaxweynaha dhowr arrimood ee siyaasadda, dhaqaalaha, amniga oo QM ay kala shaqeyneyso dadka iyo madaxda Soomaaliyeed. Waxan ka hadalnay Madasha Iskaashiga Heerka Saree ee soo socoto oo ka dhici doonto Istanbul, waxaana dulmarnay qorshe howleedka iyo sidii hore loogu socon lahaa”, ayuu sheegay Feltman. 

Hadalkiisa waxaa xoojiyey Af-hayeenka Madaxweynaha Soomaaliya, Daud Aweys oo ku daray in shirka uu ka jawaabay horumarka siyaasadeed iyo “sida Qaraamada Midoobay ay u qaadaneyso doorkeeda taageeridda Soomaaliya” 

Markuu ka yimid Xafiiska Madaxweynaha, Xog-Hayaha Hoose wuxu booqasho sharafeed ugu tagey Guddoomiyaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Hawlgalka Midowga Africa, Danjire Francisco Caetano Madeira. 

Arrinta ku saabsan geeddi socodka doorashada, Feltamn wuxu sidoo kale xusay in QM ogtahay in ay wanaagsanaan lahayd in la helo is afgarad si hore loogu socdo laakin marka la eego ismari waagi todobaadki hore, go’aanka la gaaray in hore loo socdo in uu ahaa mid sax ah. 

Wuxu amaanay dadaallada dowladda ee lagu xaqiijinaya matalaadda haweenka ee geeddi socodka doorashada. “Qaraamada Midoobay waxay soo dhaweyneysaa ballanqaadka in la helo boqolkiiba 30 matalaadda haweenka ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose.

Waxan Sido kale soo dhaweynayaa ka go’naanshaha in la sii wado ka shaqeynta qorshe hawleed muddada 2016-2020 si markii la gaaro 2020 ay diyaar u tahay nidaam doorasho oo qof iyo cod oo ka jawaabaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed,” ayuu ku daray

Michael Keating, oo martigeliyey Xoghayaha Guud ee Hoose, ayaa sheegay in booqashadiisu timid kadib markii Dowladda Federaalka go’aan ka gaartay nooca doorasho iyo kadib dhowr dhacdooyin amni oo daran. “Anaga QM joogno iyo beesha caalamka, in la taageero ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed iyo dowladda aad ayey muhiim u tahay si aan ugu sugnaano qariiradda caalamiga”, ayuu xusay.