Shacabka Puntland oo aragtidooda geeddi-socodka doorashda la wadaagay beesha calaamka

16 Feb 2016

Shacabka Puntland oo aragtidooda geeddi-socodka doorashda la wadaagay beesha calaamka

Wafdi caalami ah ayaa soo gabagabeyey booqasho saddex maalin ah oo ay ku tageen Dowlad Goboleedka Puntland. Wafdigu wuxu ka koobnaa Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, iyo wakiilo Saree ee Midowga Afrika,IGAD,Midowga Yurub,Itoobiya,Italy,Sweden,Uganda,Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska. 

Intii ay booqashadooda ku gudo jireen,wadtiga waxay la kulmeen Madaxweynaha Puntland Abdiweli Mohamed Ali “Gaas”,xubno golihiisa wasiirada,Guddoomiyaha iyo xubno Baarlamaanka Puntland,Odayaasha dhaqanka iyo wakiillada bulshada rayidka ah, iyo kuwa kale 

Wadtiga wuxu soo dhaweeyey doorka muhiimka ah ee ay cayaareen madaxda siyaasadda ee maamullada iyo qaybta muhiimka ah ee ay ka qaateen soo bixidda Soomaaliya oo Federaal ah oo mideysan. 

Wakiillada Puntland waxay ka dhawaajiyeen walaacooda ku saabsan go’aanki dhawaan ee Dowladda Federaalka oo ah nooca doorasho in la hirgeliyo dabayaaqada sanadkan. 

Xubnaha wafdiga caalamiga waxay garteen in nooca doorasho ee 2016 uusan ahayn mid aad u wanaagsan balse waxay dheheen haddi loo qabto si caddaalad ah oo daahfuran, waxay matali doontaa tillaabo hore loo qaaday ee waddada doorasho loo dhanyahay, qof iyo cod ah marka la gaaro 2020. 

Saaxibada caalamiga waxay marlabaad xaqiijiyeen baahida loo qabo in laga gudbo mataaladda qabiilka ku saleysan iyo in la horumariyo geeddi socodka dimuqaraadiyeynta Soomaaliya. Waxay ballan qaadeen in ay taageeri doonaan qorshe hawleedka siyaasadeed, kaa oo ka jawaabaya rajada Soomaaliyeed ee lagu gaaraya yoolkan. 

Xubnaha wadtiga waxay aqoonsadeen horumarka ay Puntland sameysay si loo horumariyo degenaanshaha siyaasadeed iyo amniga iyo qaybta ay ka qaadatay Puntland soo bixidda Soomaaliya Federaal ah. Waxay dheheen way sii wadi doonaan in ay taageeraan Soomaaliya inta lagu guddo jiro kala guurka muhiimka ah ee siyaasadeed iyo inta lagu gudo jiro geeddi socodka nabad dhiska iyo dowlad dhiska ballaaraan.