Xoojinta awooda Booliska Jubbaland si ay u nadiifiyaan haraadiga waxyaabah aan weli qarxin

24 Apr 2017

Xoojinta awooda Booliska Jubbaland si ay u nadiifiyaan haraadiga waxyaabah aan weli qarxin

Muqdishu - Koox ka kooban 10 sargaal booliska dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa tababaray Qaramada Midoobey qeybteeda Adeega wax ka qabadka Miinooyinka (UMMAS) haraadiga waxyaabaha qarxa si loo caawiyo kor u qaadida amaanka dowladaha federaalka ee Soomaaliya. Saraakiisha ayaa sheegay in koorsadan ay kusoo aaday xilli ay korartay isticmaalka waxyaabaha qarxa ee ururka rabshada xagjirnimada ku caan baxay ee Al-Shabaab.

 “Tababarka ayaa ahaa mid lagu dhisayo awooda joogtada ah ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed si loo yareeyo khatarta qaraxyada guud ahaan Soomaaliya,” sidaa waxa yiri Patrick McCabe, Maamulaha Mashruuca Haraadiga Waxyaabaha Qarxa ee Booliiska, UNMAS. Wuxuu yiri waxan rajeyneynaa inaan sameyno labo koox oo ka shaqeynaya haraadiga waxyaabaha qarxa dowlada goboleedka Jubbaland kuwasoo howlgali doona dhawaan kadib tababarka, kasoo dhamaan doona 20 Abriil.

 “Waxaan heynaa saraakiil boolis Jubbaland ah kuwasoo halkan u jooga sameynta tababar haraadiga waxyaabaha aan weli qarxin ka takhaluskooda. Wixii aad aragteen saakay waxay ahaayeen kooxaha oo sameynaya tababar nadiifin ah iyagoo isticmaalaya howlgal gaari fog iyo labiska loo xirto haraadiga walxaha qarxa,” ayuu yiri Mudane McCabe.

Dowlada Jubbaland ayaa noqoneysa dowlada afaraad eek a faa,iida tababarkan takhasusiga ah, iyadoo ku biireysa dowladaha Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Puntland, kuwasoo saraakiishoda booliska ay horey uga faa,iideen barnaamijkan oo ay lacagtiisa bixisay dowlada Japan.

Howlgalka Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay isticmaalka IEDs iney ku tahay khatar weyn habka xasiloonida Soomaaliya. Bulshada caalamka ayaa loogu baaqay iney caawiyaan ciidanka qaranka Soomaaliya si ay u helaan xirfadaha lagama maarmaanka ah iyo khibrada looga ilaalinayo bulshada waxyaabaha qarxa.

 “Khatarta waxyaabaha qarxa waxay noqdeen wax caan ah sababtoo ah Al-Shabaab ayaa badashay xeeladaha dagaalka aan sineyn, sida ugu fiican dagaalka aan sineyn waa isticmaalka waxyaaba qarxa sababtoo ah waa hub aan waxba kala sooceynin waxaana la dhigi karaa meel kasta waxaana loo adeegsan karaa bartilmaameed kasta,” ayuu sharaxay mudane McCabe.

Wuxuu sheegay in qorshayaal socdaan lagu balaarinayo tababaro ceynkan oo kale ah sida booliska dowlad goboleedka Galmudug. Marka laga soo tago saraakiisha la tababaray, dowladaha waxaa la siiyaa qalabka loo baayahanyahay si shaqaalaha u awoodaan qabashada waajibaadkooda.

 

A team of 10 Somali police officers from Jubbaland state  are being trained by the United Nations Mine Action Service (UNMAS) in Explosive Ordinance Disposal to help boost security in Somalia’s federal states.  Officials say this course is timely given the increasing use of improvised explosive devices by the violent extremist organization Al-Shabaab.

“The training is about building a sustainable capacity within the Somali Police Force to mitigate the explosive threats throughout Somalia,” said Patrick McCabe, Project Manager, UNMAS Police Explosive Ordinance Disposal  Project. He said they hope to have two Jubbaland Explosive Ordnance Disposal (EOD) teams operational soon after training, which ends on 20 April.

“We have got police officers from Jubbaland who are here conducting conventional munitions disposal training and improvised explosive devices (IED) disposal training. What you saw this morning was the teams doing IED disposal training using the remote operated vehicle and the Explosive Ordinance Disposal suit,” said Mr. McCabe.

Jubbaland becomes the fourth state to benefit from the specialized training, joining South West State, HirShabelle and Puntland, whose police officers have already benefited from the Voluntary Trust Project, funded by the Japanese Government.

The United Nations Assistance Mission in Somalia and the African Union Mission in Somalia have singled out the use of IEDs as the major threat to Somalia’s stabilization process. An appeal has been made to the international community to help Somali security forces acquire the necessary skills and expertise to protect communities from IEDs.

“The IED threat has become more prevalent because Al-Shabaab has changed tactics to asymmetric warfare and the perfect tool for asymmetric warfare is the IED because it is a very indiscriminate weapon and can be placed anywhere and against any kind of target,” Mr. McCabe explained. He noted that plans are underway to extend similar training to police in Galmudug state. Apart from training officers, the states are also given the necessary equipment to enable their personnel to execute their duties.