Ururka Iskaashiga Islaamka iyo madasha samafalka muslim ayaa la kulmay

The Assistant Secretary-General for Humanitarian Affairs of the OIC, H.E. Ambassador Hesham Yussef, giving an opening address at the Humanitarian Coordination Meeting for the Renewed Commitment to Prevent Famine in Somalia in the capital of Mogadishu on April 11, 2017. UN Photo
24 Apr 2017

Ururka Iskaashiga Islaamka iyo madasha samafalka muslim ayaa la kulmay

Muqdishu - Bahwadaagta bani,aadnimada ee ku howlan dadaalada wax looga qabanayo dhibaatada abaarta hadda ee Soomaaliya, ayaa qabtay kulan looga dooday sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, si caawimaad fiican loo gaarsiiyo bulshada dhiban, talaadadii.

Kulanka ayaa waxa soo qaban qaabiyay Ururka Iskaashiga Islaamka OIC iyo madasha bani,aadnimada iyo Madasha Samafalka Muslim, waxaana diirada lagu saaray ka hortaga macluusha Soomaaliya tasoo khatar u ah iney saameyso malaayiin dad aad u nugul.

Kulanka ayaa sidoo kale waxa kasoo qeyb galay saamiley muhiim ah, oo ay ku jiraan ururada maxaliga islaamka iyo samafalayaal aan muslim aheyn, hey,ado maxali ah iyo kuwa caalami ah, Qaramada Midoobey iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

intii lagu guda jiray kulanka, saraakisha ayaa isku soo qaaday sidii loo dardar galin lahaa caawimaadaha bani,aadnimo iyo kordhinta jawaabaha waqtiyeysan iyo isku duwidooda si looga hortago macluusha.

Isku duwaha Bani,aadnimada Soomaaliya Peter de Clercq, ayaa yiri in ka badan 500,000 oo ah dad aad u nugul ayaa barakacay ilaa iyo intii abaarta bilaabatay, isagoo xusay in Soomaaliya horey la ciireysay 1.1 milyan oo barakacayaal ah tasoo tirada  gaarsiin karta ilaa labo milyan dhamaadka sanadkan 2017.

De Clercq ayaa xusay in bulshada caalamka ku deeqday $558 milyan si loo daboolo boqolkii 70 baahida dad ku dhow 5.5 milyan muddo lix bilood ah. Sidoo kale wuxuu sheegay yaboohii Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres, xilligii uu booqashada ku joogay magaalada Baydhabo inaan la dhayalsan.

 “Xogta aan heyno, abaarta ma dhamaaneyso ilaa bisha Sabteember. Waxan fileynaa in markale xilli roobaadkii uusan imaanin. Sidaa darteed waxan u baahanahay howgalka kale qeybta danbe ee sanadkan, oo aan isugu keeneyno baahiyo dheeri ah. Sidaa darteed, tani kaliya ma ahan sawirka sida ay xaalada khatarta u tahay, balse waa calaamad muujineysa kalsoonida awoodeena ka nidaam bani,aadnimo ahaan inaan  si wadajir ah u dardar galino howsha, halkan Soomaaliya,” ayuu yiri de Clercq.

Hadda, waxa jira waxqabad socda oo la bixinayo biyo nadiif ah, cunto, nafaqada caruurta nafaqo xumada heyso iyo daaweynta xoolaha. Si kastaba ha noqotee, khiyaasta hey,adaha bani,aadnimada ayaa sheegaya suurta galnimada korarka shuban biyoodka iyo daacuunka, jadeecada, iyo barakaca dadka kuwasoo qasbaya dardar galinta waxqabadka si nolasha loo badbaadiyo.

Sida ay sheegeyso warbixinta ugu danbeysay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Isku duwida Arimaha Bani,aadnimada (UNOCHA) waxa sii socda barakaca abaarta sababtay si xowli ah iyadoo gobolada dadka ugu badan imaanayaan ay ku jiraan magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdishu, Sool iyo Sanaag.

De Clercq ayaa amaanay OIC iyo samafalayaasha Islaamka shaqadooda ku aadan ka hortaga dhibaatada Soomaaliya halkasoo kala bar bulshadeeda u baahanyihiin caawimaad.

 “Aadbaan ugu faraxsanahay dowrka samafalayaasha Islaamka ee arintan sababtoo ah waxay leeyihiin janalo kala duwan oo lacag aruurin ah. Sidoo kale waxay leeyihiin xiriir adag oo ay la leeyihiin bulshada gudaha waxayna awoodaan iney gaarsiiyaan caawimaadaha meelaha fog fog kuwasoo QM iyo hey,adaha caalamiga ah, ay aad ugu adagtahay iney wax ka sameeyaan,” ayuu yiri de Clercq.

Wasiirada Dowlada Federaalka ee Arimaha Bani,aadnimada iyo Maareynta Musiibooyinka, Maryam Qaasim ayaa sheegtay in colaada daba dheeraatay wiiqday wadaagii musiibada iyo talaabooyinka yareynta khataraha kuwasoo dhaqan ahaan u ogolaan jiray bulshada xoolo dhaqatada ah iney la qabsadaan xaaladaha abaarta.

 “Xaalada waa kasii dareysaa waxaan u baahanahay inaan si deg deg ah u dardar galino adeega looga hortagayo dhimasho dheeri ah. Waa inaan gaarnaa dadka barakacay waana inaan sidoo kale gaarnaa dadka weli ku harsan meelaha baadiyaha ah si looga hortago barakac dheeraad ah,” Wasiirad Maryam aya tiri.

Waxay sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya 19 bisha Apriil daahfuri doonto Xarunta Howlaha Deg-dega ah. Dowlada Federaalka, wasiirada ayaa sii raacisay in ay la shaqeynayaan UNOCHA si loo xaqiijiyo gaarsiinta gargaarka gobolada iyo wax ku oolnimada howlaha bani,aadnimada ee dalka.

Danjire Haashim Yuusuf, Caawiyaha Xoghayaha Guud ee OIC Arimaha Bani,aadnimada, ayaa yiri hey,ada hadda waxay taageereysaa dadaalada isku duwida caawimaadaha bani,aadnimo ee xubnaha OIC iyo hey,adaha Islaamka si looga jawaabo abaarta Soomaaliya

 “Waxaan rajeyneynaa inaan awoodno sii wadida dowrkeena isku duwideed; iyo sidoo kale dowrkeena bixinta caawimaadaha bani,aadnimo. Laakiin dowrka ugu weyn waa u doodad iyo taageerid dadka Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Yuusuf.