Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM oo soo gabagabeeyey booqashadoodi Soomaaliya, kuna boorriyey In si deg-deg ah loo ansaxiyo hannaanka doorashada 2016da

Members of the United Nations Security Council pose for a group photograph during a visit to Mogadishu, Somalia, on 19 May, 2016.

19 May 2016

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM oo soo gabagabeeyey booqashadoodi Soomaaliya, kuna boorriyey In si deg-deg ah loo ansaxiyo hannaanka doorashada 2016da

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey (QM) ayaa soo gabagabeeyey booqasho hal maalin qaatay oo ay ku yimaadeen Soomaaliya, iyagoo ka codsaday Dowladda Federaalka ah in sida ugu dhakhsiyaha badan loo ansixiyo hannanka doorashada 2016-ka.

Wakiillada 15-ka dal ee ku jira Golaha Ammaanka ee QM ayaa kulamo is-daba-joog ah la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud, Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke,  madaxda maamul goboleedyada, xubno ka socdey bulshada rayidka ah, ururrada samafalka iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Golaha QM iyo Midowga Afrika.

Booqashada waftiga Golaha Ammaanka oo ay wadajir u hoggaaminayeen danjireyaasha Masar iyo Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya QM, waxaa ku jirey wakiillada dalalka Angola, Shiinaha, Faransiiska,Japan, Malaysia, New Zealand, Ruushka, Senegal, Spain, Ukraine, Mareykanka, Uruguay iyo Venezuela.

“Dhammaanteen waxaan abaal idin kaga haynaa imaanshihiinna, taas oo muujineysa sida aad idiinka’ga go’antahay taageerida arrimaha Soomaaliya”, ayuu ku yiri madaxweyne Xasan erayo soo dhaweyn ah oo uu u jeediyey xubnaha Golaha Ammaanka ee QM.

Hoggaamiyeyaasha Golaha Ammaanka oo warfidiyeenka u warramayey gunaanudkii booqashada, waxay muujiyeen sida ay dowladda Soomaaliya u garab taagan yihiin. Waxay sidoo kale hoggaamiyeyaasha dowladda ku boorriyeen in ay riixaan meelmarinta hannaaka doorashada ee aqallada Hoose iyo Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee dhacaya bilaha July iyo Agoosto ee snnadkan.

Wakiilka joogtada ah ee Masar u qaabilsan Golaha Ammaanka ee QM. Camr Cabdellatif Aboulatta, ayaa madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud ugu baaqay in uu adeegsado awood kasta oo dastuuri ah, si uu u suurtageliyo qabsoomidda doorashada.

“Waxaan taageero la garab taagannahay dowladda, farriinteenuna wey iska caddahay, waxaan halkaan u joognaa inaan hawshan gacan ka geysanno”.  Ayuu yiri Danjire Aboulatta oo intaas ku daray ”Laakiin sidoo kale waxay farriintani muujineysa inaan dooneyno in horay loo socd”.

Sidoo kale wakiilka joogtada ah ee boqortooyada Ingiriiska u qaabishan Golaha Ammaanka ee QM. Matthew Rycroft ayaa sheegay in dalkiisu uu mudnaan gaar siinayo horumar ka hanaqaada Soomaaliya, wuxuuna muujiyey sida ay Golaha Ammaanka uga go’an tahay in uu xaqiijiyo nabad iyo xasillooni ka hirgasha Soomaaliya.

“Waxaan wada-xaajood fiican ka yeelannay geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya, waxaanna isla garannay baahida loo qabo in doorasho la qabto.xilliga ay horay ugu heshiiyeen madaxda Soomaalida oo ah bisha August 2016,” ayuu yiri Mr. Rycroft, oo intaas raaciyey “Waxaan ku faraxsannahay in aan Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha, Ku xigeenkiisa iyo hoggaamiyeyaasha gobollada dalka si faahfaahsan ugala hadalnay waxa loo baahan yahay si loogu diyaar garoobo muddadaas”.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guuud ee QM. u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in booqashada Golaha Ammaanka ay ka marag kacayso sida beesha caalamku  garab-taaggan tahay shacabka Soomaaliyeed.

“Farriinta ay gudbiyeen waxay tahay in amniga Soomaaliya uu yahay dareen beesha caalamka iyo guud ahaan gobolku la wadaago. Taasina waa sababta keentay in Golaha Ammaanku uu xil iska saaro sharciyeynta kala guurka siyaasadeed ee sannadkan dalka ka dhacaya,” ayuu yiri Mr. Keating.

Kulan kaas ka gaar ah oo dhexmaray Golaha Ammaanka iyo bulshada rayidka ah uuna xiriirinayey Danjire Keating ayaa looga hadlay arrimo khuseeya matalaadda haweenka ee xilalka siyaasadeed.

“Waxaan rabnaa in si buuxda na loogu xaqiijiyo in beesha caalamka iyo QM ay cadaadis ku saarayaan hoggaamiyeyaasheenna, oo ay ku jiraan kuwa dhaqanka, in ay ka dhabeeyaan u sinnaanshaha matalaadda siyaasadeed ee dalka, ayey tiri Deeqa yaasiin oo ah haweeney u dhaqdhaqaaqda xaquuqda haweenka. Waxayna intaas ku dartay “waan idinku tashaneynaa, waana idinla xisaabtameynaa”.