Ganacsato Soomaali ah oo qaatay tababar ku saabsan sida ganacsi loola sameyn karo Qaramada Midoobay

21 May 2016

Ganacsato Soomaali ah oo qaatay tababar ku saabsan sida ganacsi loola sameyn karo Qaramada Midoobay

Qaramada Midoobay ayaa daaha ka rogtay barnaamij tababar ah oo ku saabsan fursadaha ganacsiga kaas oo ay Muqdisho ugu qabatay  ganacsato Soomaali ah.

Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) oo kaashanaya Howlgalka Gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Sabtidii xog faahfaahsan ka siiyay ugu yaraan 30 ganacsato fursadaha diyaarka ah ee ka dhex jira Qaramada Midoobay.

Siminaarka lagu qabtay Muqdisho oo socday maalin barkeed ayaa sidoo kale ganacsatada lagu siiyay talooyin ku aaddan sida macaamil ganacsi loola yeesho Qaramada Midoobay.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay siminaarkan sida wayn loo daneynayay ee ay u qabteen ganacsatadeenna. Ganacsatadeenna waxay horey ugu wareersanaayeen habka la isaga diiwaangalin karo hay’adaha Qaramada Midoobay. Waxaana jirtay quraafaad laga aaminsanaa Qaramada Midoobay oo ah inaysan doonayn inay macaamil ganacsi la yeelato ganacsatada Soomaalida. Maanta waxaan aaminsanahay inay xalliyeen arrintaas. Wixii hadda ka dambeeya, Qaramada Midoobay iyo Rugta Gancsiga way wada shaqeyn karaan,” ayuu yiri Haashim Ducaale oo ganacsade ah.

Agaasimaha UNSOS Amadu Kamara ayaa mar kale u xaqiijiyay ganacsiga sida gaarka ah loo leeyahay ee ka jira Soomaaliya inay Qaramada Midoobay diyaar u tahay inay macaamil ganacsi la yeelato shirkadaha dalka ka dhisan.

“Ujeeddada hindisahan waxaa qeyb ka ah inaan macaamil la yeelanno shirkado badan oo Soomaali ah maxaa yeellay arrintan waxay abuureysaa shaqo taas oo qeyb ka ah horumarinta bulshada oo lagama maarmaan u ah dib u soo kabashada dalka. Bulshada Soomaalida waa caan ku ah doorka firfircoon ee ay ku leedahay ganacsiga.  Guud ahaan, ganacsiga gaarka loo leeyahay waa mid guul wax ku ool ah gaaray, isagoo ka howlgalay xudduudo iyo deegaanno qabiil,” ayuu Kamara ka sheegay wareysi lagula yeeshay goobta uu siminaarka ka socday.

Wasiirka Dowladda Federaalka u qaabilsan Ganacsiga iyo Warshadaha, Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka wuxuu yiri “Waxaan ku dhiirrigelinayaa Qaramada Midoobay inay sii waddo taageerada shirkadaha dalka ka dhisan; waxaana u jeedinayaa shirkadaha gudaha inay xushmeeyaan hannaanka iyo nidaamka la dajiyay iyo inay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Ganacsiga. Dhankeenna (Dowladda), waan fududeyn doonnaa diiwaangelinta.”

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Qaranka Soomaaliya Maxamuud Cabdi Cali ayaa ka dhawaajiiyay hadalka wasiirka. “Haddii Soomaalideenna ay ku guuleystaan inay helaan qandaraasyada Qaramada Midoobay, waxaan shaqaaleysiin doonnaa dhallinyarada hadda jaaamacadaha ka qelinjebisay, oo Ururka Shaqaalaha Adduunka uu gacan ka geysanayo tababarkooda,” ayuu yiri.

Marwo Fouzia Abass, Madaxa Saldhigga Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Mombasa, ayaa sheegtay in shirkadaha ka diiwaangashan Soomaaliya ay Qaramada Midoobay la sameeyeen ganacsi u dhigma US$18 milyan tan iyo 2014. Waxay xustay in aqoon la’aanta ku aaddan sida ganacsi loola sameeyo Qaramada Midoobay ay tahay caqabadda ugu weyn ee wajahaysa ganacsato badan oo Soomaali ah. Marwo Fouzia waxay ku dhiirrigelisay shirkadaha ka dhisan Soomaaliya inay iska diiwaangeliyaan xog kaydiyaha UN Global Marketplace si ay ula socdaan fursadaha shaqada iyo qandaraasyada.