Xuseen Qooje ayaa isku xira ganacsatada iyo macaamiisha habka buuga diiwaanka liiska taleefoonada ganacsiga

16 Apr 2017

Xuseen Qooje ayaa isku xira ganacsatada iyo macaamiisha habka buuga diiwaanka liiska taleefoonada ganacsiga

Muqadishu –Xuseen Qooje oo ah shaqsiga ka danbeeyay daabacaad cusub taasoo laga dareemay magaalada Muqdishu, ayaa sheegaya in arintaa ku khasabtay baahida ka jirta isku keenida bulshada ganacsatada magaalada.

Qooje, ayaa ah milkiilaha Diiwaanka Liiska Taleefoonada ganacsatada Soomaaliyeed, ayaa sheegay inuu xaqiiqsaday in dadka Soomaaliyeed aad ugu baahnayeen diiwaan ka kooban xiriirada iyo meelaha laga heli karo ganacsatada iyo shirkadaha ku sugan Muqdishu, isagoo go,aansaday inuu isku keeno buug ka kooban 136 bog.

Sida laga soo xigtay Qooje arintan ayuu ku dhiiraday kadib markii uu la kulmay dad badan oo raadinaya xiriirada ganacsiyo ku yaal Muqdishu, isagoo isku taxalujiyay inuu xal u helo baahida macluumo la,aaneed ee ka jirta caasimada. Arintaa darteed ayuu gorgortan ula galay shirkad fadhigeedu yahay Mareykanka si ay uga bilowda Diiwaanka Liiska Taleefoonada Ganacsiga  Soomaaliya.

“Fikrada Diiwaanka Liiska Taleenoonada Soomaaliya waxay igu dhalatay kadib markii aan ogaaday iney jirto farqi warbixin la,aaneed dadka raadinaya hoteelada iyo ganacsiga kale laakin aan heysan meel ay kala xariiran. Kuwa iska leh hoteelada ma gaari karaan shirkadaha duulimaadyada, sidaa darteed waxa jira baahi. Baahidana waxay ka timid Soomaalida,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu yiri intii aanan keenin Diiwaankan, ganacsiga magaalada Muqdishu iyo guud ahaan Soomaaliya, waxay ahaayeen kuwa kala daadsan waana adkeyd inaa la xariirto xarun ganacsi. Si kastaba ha noqotee milkiilaha Diiwaanka Liiska Xiriirada Ganacsatada wuxu leeyahay hadda waxaan ganacsatada u abuuray fursad wanaagsan maadaama ay jirtay xiriir la,aan qeybaha ganacsiga.

“Dadka qaar ayaa degan magaalada Muqdishu daafaheeda saa ay tahay cidna ma heystaan wax xiriir ah cidana ma taqaan meesha ay joogaan. Hadii aad rabtid inaa ogaatid imisa bangi baa ku taal meeshaas, yaa u baahan maxay iyo yaa ku sugan meeshaas, waa adkeyd,” sidaa waxa yiri Qooje, isagoo sheegay in Diiwaankisa uu noqday xarun isku xirtay dadka Soomaaliyeed maadama ay isku xireyso qeybaha ganacsi.

Diiwaanka ayaa waxa la soo xariiray ugu yaraan 23 qeybood oo isagu jira bangiyo, xiriiro, hoteelo, isbitaalada, shirkado duulimaad, kuwa dhismo iyo xitaa kuwa cunto iyo kuwa kale.

Maamulaha Xiriirka Diiwaanka Dharuuro Travel Agency, Maxamed Cabdullahi Cali ayaa yiri waxan go,aansaday inaan xayeysiiyo Diiwanka kadib markii aan ogaaday faa,iidada uu yeelan karo.

“Waxan bartay Diiwaanka Xiriirada Ganacsiga Soomaaliya kadib markii ay imaadeen shirkadeena iyagoo xog aruurin wada. Waxay iga wareysteen shirkadeyda waxana ogaaday waxa ay rabaan iney sameeyaan iyo sida ay faa,iidada iigu leedahay,” ayuu yiri Cali.

Sidoo kale maamulaha suuqa bacadlaha Al-Kowthar oo ku yaal Muqdishu Maxamed Xassan Ibraahim ayaa ka hadlay faa,iidada xayeysiinta diiwaanka.

“Diiwaanka Xiriirka aad buu nooga caawiyay inaan helno adeegyo cusub iyo inaan furno ama tagno meelo cusub, inaan helno macaamiil cusub aana gaarno macaamiisha kuwasoo garaneyn waxa aan iibino. Arintan iibsigeena ayay kor u qaaday. Waxay noo sahashay in macaamil cusub na bartaan. Hadda waxan helnaa wacitaan inagoo geyna alaabo meelo cusub kuwasoo horey aan u tagi jirin,” ayuu yiri Ibraahim.

Guusha diiwankan ayaa nagu dhiiragalineysa inaan sameyno diiwaan laga heli karo dhamaan shirkadaha iyo xarumaha ganacsiga dhamaan Soomaaliya ayuu yiri Qooje.

“Qorshaheyga waqtiga fog waa inaan shaqaale badan qortaa maadama hadda aan shaqaaleysiiyay 50 qof si aan gobolka ugu fido xafiisyo cusubna loo furo,” sidaa waxa yiri milkiilaha Diiwaanka Xiriirka Ganacsiga Soomaaliyeed

Sidoo kale qorshahiisa waxa ku jira inuu sii balaariyo 23-ka qeybood ee hadda uu diiwaanka ka koobanyaahy si loo dhameystiro baahiyaha macaamiisha qabaan.

Buuga Diiwaanka ayaa loola jeedaa tuse talefoonada ganacsiga kuwasoo la liis gareeyay kuwasoo si xayeysiin ah loo iibiyo. Magaca iyo fikirka Diiwaanka wuxuu yimid sanadkii 1883, laakin markii ugu horeeysay waxa sameeyay Reuben Donnelley sanadkii 1886.

Qooje ayaa xayeysiimaha diiwaanka ka qaada lacag macquul ah laakin dhawaan wuxuu sameyn doonaa qiimo haboon kasoo hagi doona dadka xiiseynaya iney boos ka helaan daabacaadaha soo socda.