Agaasimayaasha xaaladaha deg dega ayaa booqday Baydhabo iyo Kismaayo si ay u qiimeeyan baahida bani,aadnimo ee dhibanayaasha abaarta

Madaxweynaha Maamulka kumeel Gaarka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan agaasimayaasha deg dega ayaa la hadalaya wariyaasha  gudaha magaalada Baydhabo, Abriil 10, 2017. QM Sawir

 

10 Apr 2017

Agaasimayaasha xaaladaha deg dega ayaa booqday Baydhabo iyo Kismaayo si ay u qiimeeyan baahida bani,aadnimo ee dhibanayaasha abaarta

Agaasimayaasha deg dega ayaa maanta booqday Baydhabo iyo Kismaayo si ay u qiimeeyaan saameynta abaarta ku reebtay dadka degan maamulada Koonfur galbeed iyo Jubbaland kuwasoo ah meelaha ay abaarta aadka u saameysay guud ahaan Soomaaliya.

“Hadda waxa jira in ka badan 150,000 oo qof kuwasoo dhawaan kasoo barakacay Baydhabo sababa la xariira abaarta. Waxaan imaanay xarunta QM iyo hey,adaha caalamiga si aan u aragno xaalada iyo inaan taagerno gurmadka,” sidaa waxa yiri John Ging oo ah agaasimaha qeybta howleedka Qaramada Midoobey xafiiskeeda iskuduwida arimaha bani,aadnimada.

Kadib kulan ay la yeesheen saamileyda, waxa la isku afgartay in hey,adaha bani,aadnimada iyo maamulada federaalka ay si dhow iskala shaqeeyaan sidii kor loogu qaadi lahaa gurmadka bani,aadnimada sida laga soo xigtay Mudane Ging.

Wafdiga ayaa booqday labo xero oo dad barakacayaal deganyihiin, Beerta Muuri oo Baydhabo ku taal iyo xerada Dalxiis oo Kismaayo ku taal. Kooxda aya sidoo kale booqday xarun lagu daweeyo daacuunka kuna taal caasimada gobolka Bay ee baydhabo iyo Isbitaalka guud ee Kismaayo.

Intii ay joogeen baydhabo wafdiga waxa ay la kulmeen bukaano badan oo soo kabsanaya sida Xabiibo Axmed tasoo ka hadashay dhibka heysta hooyadeed

“Waxay ku xanuunsatay Goof Gaduud Shabellow. Waxa ku dhacay shuban biyood iyo matag. Xaaladeeda caafimaad hadda waa ka fiicantahay shalay. Waxa la tacaalay dhakhaatiir fiican, waxa loo sameeyay hubin heerka caafimaadkeeda, iyadoo la siiyay cusbada fuuq celinta,” ayay tiri.

Isbitaalka guud ee Kismaayo sidoo kale wafdiga ayaa xaaladeeda caafimaad ka wareystay Barwaaqo Maxamed Cali iyadoo xanaaneyneysay ilmaheeda xanuunsan.

“Waxa igu dhacay shuban kadib anigoo la joogay ilmo yar oo isbitaalka ku xanuunsanaa. Waxa la I keenay qeybtan. Xaaladeyda caafimaad waa soo hagaagtay hadda. Waxa igu dhacay shuban iyo matag hadda waan kasoo reynayaa,” ayay tiri

Wafdiga oo uu hogaaminayay iskuduwaha bani,aadnimada Peter de Clercq ayaa wadahadal la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ay kula kulmeen Baydhabo, iyagoo Kismaayana kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan

“Waxan ka wada hadalnay sidii aan iska kaashan laheyn la dagaalanka abaarat iyo ka hortaga ineysan dhicin macluul si loo xaqiijiyo in dadka helaan nooca caawimaada ay u qalmaan,” sidaa waxa yiri Mudane de Clercq.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Aadan ayaa ugu baaqay dowlada federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iney gacan ka geystaan furitaanka wadooyinka saadka kuwasoo Al-Shabaab xireen si loo awoodo dadka abaarta saameysay iney helaan gargaarka bani,aadnimo.

Wasiiru dowlaha arimaha gudaha ee Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xusseen, ayaa sheegay in dowlad goboleedyada iyo saraakisha QM ay isku waafaqeen in kor loo qaado jawaabaha wadajirka ah tirada sii kordheysa ee dadka abaarta saameysay.

Vincent Lelei, oo ah ku xigeenka Iskuduwaha bani,aadnimada ee Soomaaliya ayaa yiri: Soomaaliya guud ahaan waxa ka jira dhibaato khatar ah dad ku dhow 6.2 milyan ayaa u baahan caawimaad bani,aadnimo, qeyb ka mid ah in kabadan 700,000 waxay ka imaadeen Jubbaland. Inta badan dadkaa waa ay barakaceen halka kuwa kalena gabaad u maciin bideen Kismaayo.”