Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah, Qaramada Midoobay waxay ku baaqeysaa in Soomaaliya ay sii waddo horumarka la mahadiyo

3 Dec 2022

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah, Qaramada Midoobay waxay ku baaqeysaa in Soomaaliya ay sii waddo horumarka la mahadiyo

Muqdisho – Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee dadka naafada ah (IDPD), Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta ku ammaantay maamullada Soomaaliya horumarka ay ka gaareen aqoonsiga xuquuqda dadka naafada ah, waxayna ku dhiirigelisay inay sii xoojiyaan guulaha ay gaareen.

“Sannadkii 2019-kii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay saxiixday Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah – tani waxay arrin taariikhi ah u ahayd Soomaalida naafada ah iyo qoysaskooda, waana mid muujinaysa sida ay dalkooda uga go’antahay horumarinta, ilaalinta, iyo hubinta in dhammaan dadka naafada ah ay si buuxda oo siman ugu naaloodaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah,” ayay tiri Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

“Si loo helo bulsho si dhab ah loogu wada dhan yahay, caqabadaha jireed iyo is-gaarsiinta waa in meesha laga saaraa, lana dejiyo sharci  ku saabsan xuquuqda naafada, iyo sidoo kale dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka, Soomaaliya waxay muujisay sida ay uga go’an tahay in arrintan ay dhacdo. Qarammada Midoobay waxay Soomaaliya ku dhiirigelinaysaa inay sii waddo dadaallada la doonayo in arrimaha naafanimada lagu daro horumarka dalka, waxayna diyaar u tahay inay taageerto," ayay raacisay Mw. Gbeho, oo sidoo kale hadda ah Madaxa Sii Hayaha ah ee Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Shaqada QM ee Soomaaliya ee dhinacan waxaa ka mid ah la-tashi joogto ah oo lala yeesho dadka naafada ah iyo hay'adahooda wakiillada ka ah, iyadoo la kaashanaysa Hay'adda Naafada Qaranka (NDA), oo la daahfuray 2021-kii, taas oo qayb ka ah jawaab-celinta sharci ee Dowladda ee ansixinta Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah.

In la helo xogta tirakoobka ee naafada Soomaaliya way kooban tahay, taasoo ka dhigaysa qiyaasidda xaaladda guud mid adag. Xogta intaa ka sii wanaagsan ayaa lagama maarmaan u ah in arrimaha naafada lagu daro horumarinta si ay u noqoto mid loo dhan yahay oo la heli karo. Qaramada Midoobay waxay hadda ka taageertaa Hay’adda Naafada Qaranka (NDA) si ay u dejiso sahan lagu gaaro dadka naafada ah ee Soomaaliyeed – oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee Soomaaliya ka dhaca.

Adduunka oo dhan, dadka naafada ah ayaa guud ahaan caafimaadkoodu liitaa, hela waxbarasho hooseysa, fursado dhaqaale oo ka yar inta kale, iyo heer saboolnimo oo ka sarreeya dadka aan naafada ahayn. Taasi waxaa ugu wacan adeeg la’aanta ay haystaan iyo caqabadaha badan ee ay kala kulmaan nolol maalmeedkooda. Caddaymaha iyo waaya-aragnimadu waxay muujinayaan in marka caqabadaha hortaagan ka mid ahaanshahooda meesha laga saaro oo dadka naafada ah la siiyo awood ay si buuxda uga qaybqaataan nolosha bulshada, bulshadooda oo dhan ayaa ka faa'iidaysanaysa.

Mawduuca MCND ee sanadkan waa ‘Xalka isbeddelka dhaliya ee horumarka loo dhan yahay: doorka hal-abuurnimo ee hurinta adduun la gaari karo oo loo siman yahay.’ 

Iyadoo sanad walba la xuso 3-da Disembar, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa aasaasay Maalinta Caalamiga ah ee Naafada sannadkii 1992. Maalintu waxaa looga golleeyahay in kor loogu qaado fahamka arrimaha naafanimada iyo laguna abaabulo taageerada sharafta, xuquuqda, iyo fayo-qabka dadka naafada ah. Waxaa kale oo ay doonaysaa inay kordhiso ka warqabka faa'iidooyinka laga helo isdhexgalka dadka naafada ah dhinac kasta oo siyaasadeed, bulsho, dhaqaale, iyo nolol dhaqameed.