Afar Murashax ayaa lagu doortay maamulada Hirshabelle iyo Galmudug dhamaadka doorashoyinka

Ergay codkiisa ka dhiibanaya Jowhar, hanaanka doorashada ee lagu xulayo xubnaha  Golaha Shacabka Soomaaliya, 6-da Diseembar, 2016. QM Sawir

6 Dec 2016

Afar Murashax ayaa lagu doortay maamulada Hirshabelle iyo Galmudug dhamaadka doorashoyinka

Ilaa afar murashax ayaa soo galay doorasharada aqalka hoose maamulada Hirshabelle iyo Galmudug doorasho ka dhacday maanta Jowhar iyo Cadaado, gudiyada doorashoyinka labadan gobol ayaa heer gabogabo ah marsiinaya doorashada.

Sadex ka mid ah afarta murashax ee la doortay waxa lagu doorrtay magaalda cadaado iyadoo codeynta dib uga bilaabatay halkaa kadib labo maalin oo nasiino aheyd. Galmudug ayaa waxa u haray sadex kursi oo aan wali la dooran 36 kursi oo loo qoondeeyay Galmudug. Dhanka kale maamulka Hirshabelle ayaa waxa u harsan labo kursi 38 kursi oo ah qoondada kuraasta taala Hirshaballe. 

Doorashoyinkii maanta waxa magaalda Cadaado lagu doortay Cabdixakim Maalin Axmed wasiirka gaadiidka iyo dekadaha ee maamulkaas iyo waliba Nadiifo faarax Jamac oo ah xildhanad ku cusub saaxada waxayna ku guuleysatay kursi loo qoondeeyay haweenka kaliya. Magaalada Jowhar waxa kaliya lagu doortay hal kursi waxana ku guuleystay xildhiban Daahir Amiin Jeesow oo horey uga tirsanaa baarlamankii hore.
 
Kadib hadal uu jeediyay guushisa ayuu Cabdixakim u mahadceliyay maamulka Galmudug iyo waliba gudiga hirgalinta doorashoyinka sida ay usoo agaasimeen waxa uu ku tilmaamay doorasho xor iyo xalaal ah.
 
“waxan rajeynaa inaan u adeegi doono dadkeyga arintan wax sahlan ma aheyn. Waan u mahadcelinayaa dadka qeybta ka ahaa howshan kuwa ii codeeyay iyo waliba kuwa aanan codkooda I siinin,” ayuu yiri.
 
Nadifo Jaamac oo ah gabdha sideedad ee lagu doortay Galmudug doorashada aqalka hoose ayaa balan qaaday iney u adeegi doonto shacabka Soomaliyeed, iyadoo sheegtay in doorkeeda xildhibaanimo uusan kaliya ku koobneen beesha ay ka dhalatay.

“Kursigan waa mid dadka oo idil leeyihiin, waa kursi qabiil, mid gobol iyo waliba mid qaran. Dadkeyga si siman baan ugu adeegi doonaa oo cadaalad ku dheehantahay,” ayay tiri.

Afhayeenka gudiga hirgalinta doorashoyinka Cusman Bareey ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo codeynta labada kursi ee hartay iney ku dhici doonto si nabadgalyo ah.