Dhalinyaro Soomaaliyeed oo muujinaya sida ay ugu qanacsanyihiin hanaanka doorasho ee socota

Cabdirisaaq Cumar Axmed, oo ah arday sharciga ka barta jaamacadda SIMAD ayaa yiri, “ Rabitaankeygu waa dib usoo noqoshada sharciga iyo kala dambeynta, waa na taa waxa imanka ba dhacaya. In goobaha doorashada lagu fidiyey goballada ka baxsan Muqdisho ayaa ah mid u wanaangsan xasiloonida dalka. Waan ku faraxsanahay hanaanka doorashada. Faraqa u dhaxeeya doorashadii 2012-ka iyo tan imankadan socota waa ka qaybgalka oo kala badan.” QM Sawir

7 Dec 2016

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo muujinaya sida ay ugu qanacsanyihiin hanaanka doorasho ee socota

Labo iyo sodon jirka Ibraahim Daahir Xussen wuxuu ka mid yahay dhalinyaro Soomaliyed oo ka rajo dhigay siyaasada dalka.

Mr. Ibrahim waa ka daalay maqalka siyaasiinta waaweyn oo dhahaya waxa tihiin hogaanka mustaqbalka laakin wax tilaabo ah oo dhalinta looga qeyb galinayo arimaha dalka ma jiraan.

Si kastaba ha ahaate, Mudane Ibraahim aragtiisa waa isbedeshay kadib markii uu arkay gudiga hirgalinta doorashoyinka ee heer qaran oo bogaadinaya dhalinyarada iney ka qeyb qaatan siyaasada doorasahda 2016. 

“Xilligi hore odayaasha kaliya ayaa siyaasada ka qeyb qaadan jiray laakin hadda dhalinyarda waa ku jiraan. Xildhibanada dhalinyarda ah waa keeni karaan isbedel,” ayuu yiri arday dhigta jaamacada Simad.

Mr. Xussien ayaa aad u farxa markii qof dhalinyaro ah ka adkaado murashaxiin waaweyn.

“Waxan rajeyna (dhalinyarada) iney keeni doonan isbadel sababtoo ah waa cusubyihiin aqoona waa leeyihiin qabyaalada ma saameyn. Waan faraxsanay waana ku rajo weynahay dhalinyarda,” ayuu yiri.

Xaqiiqdii, doorashada 2016 waxa loo baahanyahay in odayaasha soo xulaan ergo isku jira haween iyo dhalinyaro si ay u doortaan dadka noqonaya xildhibaanada.

Cabdirizaq Cumar Axmed oo ah arday culuumta sharciga ka dhigta jaamacada Simad ayaa qiray in shuruudaha lasoo bandhigay ay aad u caawiyeen in dhalinyarada qeyb weyn ka qaatan doorashada si ka duwan xiliyadii hore.

Cabdirizaq oo sidoo kale ah madax midowga ardayda ayaa aaminsan in ka qeyb qaadashada dhalinyarada arimaha siyaasada ay keeni karto nabad iyo xasilooni dalka ka dhacda.

“Rabitaankeyga waa inaan arko soo labashada ku dhaqanka sharciga waana arinta hadda socota. In la balaariyo meelaha wax lagu dooranayo waxay qeyb ka qaadaneysa xasiloonida dalka. Farqiga u dhaxeeya 2012 iyo hadda waa ka qeyb qadashada dadka oo idil.,” ayuu yiri.

Inkastoo dhamaan dhalinyarada qeyb ka wada aheyn doorashadan dadban oo lagu dooranayo 329 wakiilo, Aniso Maxamed Ibraahim oo ka tirsan ergo dhalinyaro ah kana codeyneysay maamulka koonfur galbeed ayaa dareemeysa sharaf weyn sababtoo ah waxay heshay xaqeedii iney codeyso iyadoo mataleysa dhalinyarada dalka.

“Tani waxa ay I siineysaa kalsooni ah inaan tusaale u noqdo dhalinyarada, inaan tuso inaan leenahay cod aan mustaqbalkena ku go,aamin karno inagoo u codeyneyna hogaan fiican,” ayay tiri Aniso.

Cabdinasir Musharaf ayaa sidoo kale aaminsan in doorashada siisay dhalinyarada cod ay si toos ah go,aan uga gaari karaan arimaha dalka.

“Xilliyadii hore dhalinyarada ma heysan fursado ay ku codeyaan ama ay ku doortan wixi ay rabaan. Hadda waxan marqaati ka nahay isbadelkii aan rabnay. Xilligii hal odey dhaqmeed uu dooran jiray xildhibaanka waa dhamaatay. Waxan rajeyneynaa inaan gaari doono doorasho hal cod iyo hal qof ah mustaqbalka,” ayuu yiri Musharaf oo ka tirsana ergada dhalinta yare ee magaalada Baydhabo.

Farxadaas oo kale waxa qabta Sacdiyo Yuusuf oo iyana ka tirsan ergada da,da yare e jooga Baydhabo, kuwasoo ku faraxsan fursada ay u heleen u codeynta dadka ay rabeen.

“Waxan u codeeyay qofkii aan islahaa waa matali karaa danaheena dhalinyaro. Qof ka hadli kara arimaha taabanaya doorashoyinka qeybna ka qaadanaya meel marinta shuruuc faa,iido noogu jirto,” ayay tiri Sacdiyo Yuusuf.