Beesha caalamaka oo walaac xooggan ka muujisay qabashada doorashada Aqalka Hoose ee HirShabelle ee uu ku guuleystay musharax tartanka laga reebay

11 Dec 2016

Beesha caalamaka oo walaac xooggan ka muujisay qabashada doorashada Aqalka Hoose ee HirShabelle ee uu ku guuleystay musharax tartanka laga reebay

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Inigiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan codeyn shalay ka dhacday magaalada Jowhar, caasimadda ku meelgaarka ah ee HirShabelle ee loo qabtay kursi Golaha Shacabka ee uu ku guuleystay musharax laga reebay tartanka.

Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) ayaa dhowaan tartanka ka reebay (mamnuucay) wasiirka hadda xilka ka sii degaya ee Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Md. Maxamed Cabdullaahi Xasan, iyo musharax kale oo kursiga u tartamaya, Axmed Sheekh Nuur, taasoo sabab u ahayd kaalinta ay ku lahaayeen shaqaaqadii ka dhacday gudaha iyo dibadda xarunta doorashada ee magaalada Jowhar bishii la soo dhaafay halkaasoo ay ku dhaawacmeen tiro dad ah, oo ay ka mid ahaayeen ergooyin doorasho.   

Qabashada doorashii shalay ka dhacday magaalada Jowhar waxay ahayd diidmo qayaxan oo loo geystay warqaddii uu Guddiga GFHDD 7dii bisha Disembar u diray Guddiga Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Dadban (GDGHDD) ee HirShabaelle iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka, Cali Abdullaahi Cosoble, oo Md. Xasan iyo Md. Nuur si cad uga mamnuucday inay u tartamaan kursiga Golaha Shacabka, ee loo qoondeeyay beesha Jidle.

Codeyntii shalay waxay si bareer ah u jebinaysaa xeerarka ay Madasha Hogaanka Qaran u dejisay hanaanka doorashada Soomaaliya ee 2016, Madashaasoo Guddiga GFHDD awood u siisay inuu tartanka ka reebo musharaxiinta baarlamaanka ee lagu helo inay jebiyeen xeerka anshaxa ama ay ku kaceen xadgudubyo iyo wax isdabamarin. Sidaa darteed, beesha caalamku waxay ku adkeysan doontaa inuu sidiisi u jiro go’aanka Guddiga GFHDD ee ku aaddan kursiga loo qoondeeyay beesha Jidle.

Md. Keating ayaa sidoo kale soo dhoweeyay warmurtiyeedkii laga soo saaray shirmadaxeedka aan caadiga ahayn ee madaxda dowladaha iyo xukuumadaha ee Urur-Goboleedka IGAD 9kii bisha Disembar ee lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee lagu ammaanay horumarka guud ee ilaa iyo maanta laga gaaray hanaanka doorashada hoostana looga xariiqay muhimadda ay leedahay in Hanaanka Madaxabanaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada (HMXKhD) loo suurtageliyo inuu baaritaan ku sameeyo xadgudubyada iyo wax isdabamarinta la sheegay lana xaqiijiyo in la aqbalo lana hirgeliyo go’aanada uu soo saaro. Beesha caalamku HMXKhD ka fileysaa inuu soo baaritaankiisa ku soo gabagabeeyo waqti haboon iyo inuu qaado tallaabooyin ku haboon, oo ay ka midyihiin inuu buriyo/baabi’iyo natiijada kuraasta ay saameeyeen wax isdabamarinada ugu xun.

“Codeyntii Jowhar ka dhacday waxay keenaysaa walaac aad uu weyn,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Haddii la ogolaado in natiijadan ay sii jirto oo aan wax laga qaban dhacdooyinka kale ee xadgudubyada foosha xun, markaa waxaa khatar geli doona ku kalsoonaanta iyo sharcinimada hanaanka doorashada gebi ahaanba. Qaswadayaasha ay guddiyada hirgelinta doorashadu ku helaan inay ku xadgudbeen/jebiyeen xeerarka hanaanka doorashada waa in lagu la xisaabtamaa falalkooda."