Afar murashax oo kale ayaa la doortay, doorashada aqalka hoose ee gobolada waqooyi, dhamaadka doorashoyinka

Xildhibaan Ciise Carab oo jeedinaya hadal kadib markii lagu dhawaaqay guushiisa intii ay socotay hanaanka doorashada Soomaaliland iyo Gobalada Waqooyi oo lagu qabtay Muqdisho, Khamiistii, Diseembar 22, 2016-ka. QM sawirka

22 Dec 2016

Afar murashax oo kale ayaa la doortay, doorashada aqalka hoose ee gobolada waqooyi, dhamaadka doorashoyinka

Afar murashax oo kale ayaa la doortay, doorashoyinkii aqal hoose ee gobolada waqooyi maanta. Taasoo ka dhigeysa xubnaha la doortay ee goboladaas ilaa 30 xildhibaan.

Gobolada waqooyi ayaa laga rabaa iney soo buuxiyaan 16 kursi oo ka harsan aqalka hoose si loo gabagabeeyo doorashada.

Dadka la doortay waxaa ka mid ah Xusseen Ciise Carab, wasiirkii hore ee difaaca, isagoo difaacday kursigiisa, sidoo kale Saciid Maxamed Maxamuud, Cabdirizak Dahir Maxamed iyo Biixi Cilmi Cige ayaa soo baxay.

Mudane Carab ayaa helay 47 cod 51 cod ee la dhiibtay, Carab ayaa amaanay shaqada ciidanka booliska Soomaliyeed iyo kuwa midoga Africa ee AMISOM sida ay u sugeen amaanka.

“Waxay ku guuleysteen iney sugaan amaanka doorashada bilowgii ilaa hadda waana u mahadcelinayaa sababtoo ah la,aantood ma suurta gasheen howshan. Sidoo kale waxan u mahadcelinaya ergada iyo cuqaasha sida howl karnimada leh oo ay ugu qeyb qaateen doorashada,” ayuu yiri xildhibanka la doortay.

Mudane Maxamuud, xildhiban hore oo marlabaad la doortay, helayna 43 cod ayaa yiri waa dhamaatay rajo xumadii iyo shakigii laga qabay Soomalida ineysan qabsan Karin doorasho.

“Waa cadahay in dalka uu cagta saaray wadadii dimuqraadiyada. Gudiga hirgalinta doorashooyinka dadban waxay suubiyeen shaqo la mahdiyo. Bilowgii ilaa hadda, waxa jira dadka qaar qaba in Soomaalida aysan qabsan Karin doorasho, laakin waad arkeysaa in taas la xaqiijiyay,” sidaa waxa yiri xildhibanka la doortay.

Mudane Cige ayaa yiri Soomaliya waxay u baahantahay siyaasin cusub si dalka horey loogu sii wado. “Waxan ka codsanaa dadka Soomaliyeed iney midoobaan si qaranka looga saaro mixnadan ku habsatay. Waxan rabnaa fikirka, howlkarnimada dadka cusub,” sidaa waxa yiri xildhibanka la doortay.

Nasriin Xassan Ismaaciil oo ka tirsaneyd ergadii wax dooraneysay ayaa soo dhaweysay natiijadii codeynta maanta.

“Xaalka wuu deganaa, ma jirin wax khilaaf ama muran ah. Wax kasta waxay ku socdeen sidii loogu talo galay,” ayay tiri.

Isku duwaha howlaha booliska AMISOM Emmanuel Mukama ayaa amaanay xaalada nabadgalyo ee doorashadii maanta iyo waliba sida taxadarka leh oo ay u wada shaqeynayaan ciidamada Soomaliya iyo AMISOM.

“Maadama si fiican la iskugu duway loona qorsheeyay, ma aanan la kulmin wax nabad galyo xumo ah ama cabsi weerar ku wajahnaa xarumaha doorashada,” Mudane Makuma ayaa intaa ku daray.

Gobolada Soomaliland ayaan weli bilaabin codeynta 11 kursi oo kaga soo aaday aqalka sare ee dalku yeelan doono.