Doorashooyinka dalka oo noqday hadal heynta ugu badan goobaha dadweynaha

Qoraa iyo Falanqeeye Siyaasadeed, Abuukar Sheekh  Axmed ayaa yiri: “Doodda ku saabsan arrimaha doorashooyinkka marka laga eego dhanka dadweynaha xiiso ma leh sababtoo ah ma jirin codbixin dadweyne iyo olole. Inta badan musharixiinta way ogaayeen bartilmaameedkooda, waxayna ololaha ka wadeen qabaa’ilka iyo baarlamaanka”

5 Jan 2017

Doorashooyinka dalka oo noqday hadal heynta ugu badan goobaha dadweynaha

Doorashada taariikha ah ee dalka ka socota bilihii la soo dhaafay ayaa qabsatay doodaha meelaha la iskugu yimaado, iyadoo dadka Soomaliyeed qiyaasayan hormarka dimuqraadiyadeed ee uu dalku sameeyay kadib sanado badan oo dagaal sugeeye ah.

Falaqeeyayaal siyaasadeed ayaa maalin kasta iyadoo laga doodayo lana isweydaarsanayo aragtiyada ku aadan habraaca doorashada kasoo mardhow lagu idleyn doono doorashada madaxweynaha daba yaaqada bishan. Doodaha ayaa soconayay saacado badan waxaana dhextaal u ahaa kaliya xiliyada cuntada iyo cabitaanka.

Hoteelada ugu caansan magaalada Muqdishu ayuu dhawaan Sadiiq Warfaa oo ah xubin ka tirsan baarlamanka cusub ugu soo bandhigay fikirkiisa ku aadan arimaha doorashada koox saaxiibadiis ah.

Warfaa ayaa ku tilmaamay nidaamka ergooyinka oo ay hirgaliyeen madasha hogaanka qaran si uu u hago habka doorashada iney tahay arin cadeyneysa qiimaha dowlad heysata matalaada.

“Waan soo dhaafnay xilligii odayaasha soo xuli jireen xildhibanka. Waxan u arkaa talaabo dhanka wanaagsan dadka soomaliyeed u qaadeen,” ayuu yiri Warfaa.

Xildhibanka ayaa rajo ka muujiyay xiliga doorashada kadib isagoo rajeeyay in doodo badan yeelan doono baarlamanka.

“Marka baarlamanka yeesho fadhiga kowaad muhiimada kowaad waxay ahaaneysaa in dowlada lala xisaabtamo. Waa iney jirtaa mas,uuliyad guud oo ku aadan aragtida ay qabaan dadka Soomaliyeed,” Warfaa ayaa u sheegay dhageystayaal xiiso u qabay oo la fadhiyay.

Fadhi kale, Liiban Cabdi Cali oo ah falaqeeye siyaasadeed horena u ahaa saxafi ayaa si qoto dheer ugu doodayay arinta tabinta habraaca doorashoyinka ee saxaafada gudaha.

“Aragtideyda, saxaafada waxay xooga saarayaan khilaafadka, heybta murashaxiinta, kooxda uu ka tirsanyahay iyo waxyaabo la mid ah; inkastoo ay aheyd in xooga la saaro murashax kasta khibradiisa, aqoontiisa, waxqabadkiisa iyo himilooyinkiisa siyaasadeed,” ayuu yiri Liiban.

Wuxuu niyad jab ka muujiyay awood la,aanta saxaafada ee ah iney qaban qaabin waayeen doodo siyaasadeed doorashada ka hor.

Dhanka kale, waxa fadhiya Abuukar Sheekh Axmed oo ah qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed ayaa weydiinaya go,aanada lagu taagerayo doorashada hal qof iyo codka ah ee la qorsheyay 2020, isagoo qaba ineysan jirin wax codeyn dadweyne ah iyo olale labadaba.

“Murashaxiinta badankood waa yaqaanin hadafkooda waxa ay ka dhex olaleynayaan baarlamanka iyo qabiilada ay kasoo jeedan,” ayuu ku doodaya Abukar.

Doorashada Soomaliya oo hadda mareysa heer gabo gabo ah ayaa ka dhaceysay shan dowlad goboleed caasimadahooda iyo magaalada Muqdishu. Dhamaadka howsha doorashada ayaa labo boqol todobaatan iyo shan xildhibaan lagu dooran doonaa Koonfur galbeed, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland, Soomaliland iyo gobolka banaadir.

Sidoo kale 54 xubin oo ah aqalka sare ayaa la dooran doonaa.