Afar siyaabood oo looga hortagi karo in ay musiibo ka dhacdo Soomaaliya

Haweenka iyo carruurta gudaha dalka ku barakacay oo jooga xarunta Hay’adda Cunnada Adduunka ee Muqdisho, Soomaaliya. Xuquuqda Sawirka: Giles Clarke oo ka socda UNOCHA

10 Feb 2018

Afar siyaabood oo looga hortagi karo in ay musiibo ka dhacdo Soomaaliya

Sanadkii hore, dadaallo xooggan oo ay sameeyeen deeq bixiyaasha, dowladda Soomaaliya iyo bah-wadaagta gargaarka bani’aadamnimo ayaa gacan ka geystay in laga hortago xaalad macluul ah.

Deeqda xilli hore la bixiyay darteed, iyo dadaallo ka hortag ah oo ballaaran oo joogta ah,

Sababo la xiriira deeqaha oo xilli hore la bixiyay, dadaallo ballaaran oo joogta ah oo ka hortag ah, iyo roobab ka badan intii la filayay, waxaa sanadkan sidoo kale la yareeyay halista ay Soomaaliya ugu jirto in ay ka dhacdo xaalad macluul ah.

Sannadkan 5.4 milyan oo qof ayaa weli u baahan gargaar bani’aadamnimo, iyadoo markii hore tirada ay ahayd 6.2 milyan oo qof. Hase yeeshee, guulahan cusub waa kuwo aan sugneyn, si  sahlan ayayna dib ugu laaban karaan haddii aan la helin caawimaad dheeraad ah.

Soomaaliya waxaa weli jira ku dhawaad badh hal milyan oo qof oo qarka u saaran macluul.

“Baahi ba’an ee bani’aadamnimo ah ayaa la filayaa in ay ka sii jirto Soomaaliya maadaama saameynta abaarta daba dheeraatay, colaadda iyo barakaca ay sii socdaan,” ayuu yiri Madaxa Gargaarka degdegga ah ee Qaramada Midoobay, Mark Lowcock oo jooga Muqdisho markii la daahfurayay Qorshaha Jawaab celinta Bani’aadamnimo iyo Hab-dhismeedka Awoodda soo Kabsashada iyo Dib u soo Kabashada. “Arrimahani waxaa ay ku sii socon doonaan in ay dadka ka saaraan guryahooda, waxaa ay ka dhigi doonaan kuwo u nugul halista cudurrada, waxaa ay ka reebi doonaan in ay helaan cunto ku filan, waxaa ayna ka lumin doonaan habkii ay soo saaran lahaayeen nolol maalmeedkoodii.”

Si looga hortago xaalad degdeg ah, Qorshaha Jawaab celinta Bani’aadanimo ee Soomaaliya ee 2018-ka waxaa uu u baahan yahay 1.5 bilyan oo doolar si loo caawiyo dadka ugu nugul oo gaaraya 5.4 milyan .

Waa kuwan afar meelood oo u baahan tallaabo deg deg ah si looga hortago musiibo in ay ka dhacdo Soomaaliya sanadkan:

Bixinta cunno iyo lacag caddaan ah

1*XW3EJLEcqw216_uwq0auNQ.jpeg

Haween iyo carruurtooda oo sugaya in ay diiwaan geliso Hay’adda WFP oo ku sugan Muqdisho. Xuquuqda Sawirka: Giles Clarke oo ka socda UNOCHA.

Abaartii darneyd ee socotay labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ay sababtay in dalag badan uu baaba’o, khasaaro xooggaan oo gaaray xoolaha nool, barakac ballaaran oo laga soo haajiray dhulalka miyiga laguna soo guurayay magaalooyinka. Dad badan oo ka mid ah kuwii soo barakacay waxaa ay si xaddidan u helaan amaba ma helaan raashiin, biyo, daryeel caafimaad ama adeegyada faya-dhowrka.

Sanadkii 2017-kii, hay’adaha gargaarka waxa aay gacan ka geysteen in dhulalka miyiga ah looga hortago xaalad macluul ah iyaga oo dadka ku caawinaayay in ay soo iibsadaan ayna soo saartaan cunno, oo ay ka mid tahay in ay qoysaska siinaayeen boonooyin lacag lagu bixinaayey.

Barnaamijka lacagta caddaanka ah ayaa mar labaad si weyn u muuqan doona sanadkan, markii laga soo gudbo gargaarka cuntada iyo waxqabadyada muddada dheer, sida tababarka xirfadaha. In kasta oo deegaannada laga shaqaynayo ay yihiin kuwo halis ah, oo ay ka mid yihiin hanjabaad lala eegto shaqaalaha gargaarka bani’aadamnimo, hay’adaha gargaarka bani’aadanimada oo ay weheliso dowladda, waxaa ay gaaraan in ka badan saddex milyan oo qof bishii.

In la yareeyo nafaqo darrada ba’an

1*gP_Hyhr4mIEvq9eOSRpxFw.jpeg

Kalkaaliso ka baaraysa cudurka daacuunka canug barakacay. Xuquuqda Sawirka: Hay’adda IOM

Hay’adaha gargaarka bani’aadamnimo ee ka howlgala Soomaaliya ayaa billaabi doona barnaamijyo waaweyn oo nafaqada ah, laakiin waxaa ay sidoo kalena isku dayi doonaan in ay fidiyaan jawaab-celin isku dhafan oo isugu jira nafaqada, sugnaanta cuntada, caafimaadka, iyo adeegyada biyaha, fayo dhowrka iyo nadaafadda, kuwaas oo la xaqiijiyay in ay gacan ka geystaan dhismaha awoodda looga soo kabto nafaqo darrada in muddo ah. 

In la ilaaliyo dadka barakacayaasha ah

1*Z0chKX7lkHLlYXV6LTkZ-g.jpeg

Deegsiimo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah oo ku yaalla Baydhabo, Soomaaliya. Xuquuqda Sawirka: Hay’adda UNICEF

Sanadkii 2017-ka, abaarta iyo colaadda daba dheeraaday waxaa ay sababeen heerar barakac oo aan horey loo arag, iyadoo 1.2 milyan oo qof gudaha dalka ku barakaceen muddo sanad ah gudahiis. Hadda dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya waxaa ay gaarayaan 2.1 milyan oo qof, kuwaas oo ku dhawaad saddex meelood laba meel ay yihiin carruur. Barakaca ayaa kordhinaya nuglaanta dadka iyada oo sare u qaadeysa khatarta loogu jiro shaqaaqada ku salaysan jinsiga iyo xadgudubka galmada, iyo sidoo kale in ay carruurta halis ugu jiraan in laga qoro kooxaha hubeysan iyo in in la galiyo guurka degdegga ah oo qasabka ah. Barakaca loo soo guurayo magaalooyinka ayaa cadaadis dheeraad ah saaraya khayraadka kooban, taas oo micneheedu tahay in loo baahan yahay in sare loo qaado fidinta adeegyada aasaasiga ah. Barakicin khasab ah ayaa sidoo kale in badan dhacdaa.

Sanadkan, hay’adaha gargaarka bani’aadanimo waxay mudnaanta siin doona adeegyada ilaalinta ee loo fidiyo dadka ugu nugul, gaar ahaan kuwa jooga xerooyinka barkacayaasha iyo meelaha ee aan la gaari karin.

“Waxaan rajaynayaa in dowladda ay sidoo kale xal waara heli karto si loo yareeyo barakacinta khasabka ah ee dadka barakacayaasha ah. Barakicinta waxaa ay hoos u dhigaysaa dadaallada loogu talagalay dadka si loo dardargeliyo waddada dib u soo kabashada iyo in la helo xal waara,” ayuu Mark Lowcock ka sheegay Muqdisho.

In wax laga qabto isbeddelka cimillada

1*9KV8e7Sku0dLbQRHkGFViQ.jpeg

Khadra Maxamed, oo ah mas’uul u shaqaysa Wasaaradda Xoolaha, oo tallaalaysa riyaha ku sugan Puntland. Xuquuqda Sawirka: Hay’adda FAO.

Abaarta daba dheeraatay ayaa waxaa ay baabi’isay hab-nololeedka dadka xoolo dhaqatada ah iyo beeraleyda iyada oo khasaarooyin xooggaan u geysatay xoolaha nool (xoolaha nool waxaa ay tiir u yihiin dhaqaalaha) iyo baaba’a dalagga beeraha.

In laga caawiyo xoolo dhaqatada in ay helaan goobo ay xoolahooda ka waraabiyaan, iyo sidoo kale in la siiyo caws, xannaano xoolo, iyo lacag caddaan ah oo la siiyo xoolo dhaqatada iyo beeraleyda, ayaa ah qaar ka mid ah difaacyada ugu sarreeya oo looga hortago macluusha dhulalka miyiga. Sidoo kale waxaa ay bixiyaan fursadaha ugu dhaqsaha badan uguna habboon in ay dib u soo kabsadaan.

Sanadka 2018-ka, hay’adaha gargaarka waxaa ay la shaqaynayaan bah-wadaagta horumarinta iyo maamullada Soomaaliyeed si ay isugu af gartaan yoolal qaar oo wadajir ah kuwaas oo loo baahan yahay in lagu guulaysto inta u dhexeysa hadda iyo sanadka 2022-ka, si loo dhiso u adkeysashada dadka ay u adkaysanayaan isbeddelada cimillada ee lama huraanka ah oo uu mustaqbalku la imaan doono.

“In Soomaaliya laga soo afjaro nuglaanshaha waxaa kaliya lagu gaari karaa in aan wax ka qabanno baahida bani’aadamnimo ee degdegga ah iyada oo la hirgelinayo xalal waara oo lagu dhisayo awoodda dib u soo kabsashada,” ayuu yiri Mudane Lowcock.

“Macluusha waa laga hortagi karaa. Waa in laga cirib tiro aadanaha dhexdiisa. Waana suurtagal. Taariikhda 50-kii sano ee ugu dambeeyay ee adduunka oo dhan, wakhtigaas oo waddamo badan oo nugul ay ka badbaadeen dhibaatadaas, ayaa taasi na bareysaa.”

Isha Warka: Hay’adda Qaramada Midoobay ee OCHA