La halgamidda dhaqaale yari iyo nabarrada xabadda si loo gudbiyo wararka – qisada weriye Soomaaliyeed

11 Feb 2018

La halgamidda dhaqaale yari iyo nabarrada xabadda si loo gudbiyo wararka – qisada weriye Soomaaliyeed

Baydhabo – Qisada nolosha Muxiyadiin waa mid laga dhadhansan karo dhiirranaan xilli ay sanadahan dambe Soomaaliya la daaladhaceysay burbur iyo dhibaato. Si la mid ah muwaaddiniin kale oo badan, waxaa uu ka gudbay caqabado badan, mid dhaqaale iyo mid amni ahba, si uu ku guuleysto himmilooyinka in badan laabtiisa ka guuxayey.

Horrantii 2012-ka, ninkani oo ka soo jeeda magaalada Baydhabo  ayaa waxaa uu ka shaqayn jiray Muqdisho isagoo tifaftire ka ahaa mid ka mid ah idaacadaha ugu waaweyn Soomaaliya, Idaacadda Shabeelle. Noloshiisa waa ay fiicnayd waagaasi. Soomaaliya waxaa ay markaasi horumar la taaban karo ka sameyneysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, khaasatan caasimadda dalka oo kooxda maleeshiyada laga saaray xaafadaha ay iyagu gacanta ku hayeen. Dhanka dhaqaalaha iyo nolosha madaniga ah ayaa sidoo kale waxaa laga dareemayay ifafaalo horumar ah. Maadaama uu ahaa nin markaasi reer yeeshay dhanka shaqadana magac fiican ku lahaa, Muxiyadiin rajadiisa mustaqbalka aad ayay u fiicneyd.

Dhacdo fiidnimadii 23-kii Maarso 2012-ka ku dhacday ayaa xaaladdii uu ku sugnaa beddeshay. Isaga oo guriga u socda ayaa labo nin dhexda u dhexda u gashay. Waxaay wateen qori wayna u goodiyeen. 

Muxiyidiin isla markiiba gacanta ayuu ku dhuftay mid ka mid ah dableyda si qoriga uu uga tuuro laakiin kuma uu guuleysan. Intii uu ninkan kale ku mashquulsanaa, ayaa midkii kale xabbad ku dhuftay isaga oo caloosha ka dhaawacay. Labadii dableyba waa ay baxsadeen.

“Weerarkani ka hor, siddeed iyo toban weriyeyaal oo u shaqeeya Idaacadda Shabeele ayaa horay loo dilay,” ayuu yiri “Mar waliba xaalad feeginaan ah ayaan ku jiray, indhaheyga iyo dhagaheygana waa ay furnaayeen.”

Maadaama uu xaalad adag ku jiray, Muxiyadiin waxaa loo duuliyey caasimadda dalka Kenya ee Nairobi si uu u helo taageero caafimaad oo degdeg ah.

Dableyda ilaa hadda lama aqoonsan laakiin Muxiyadiin waxaa uu uga shakiyey in ay maleeshiyada A-Shabaab ahaayeen kuwaasi oo soo galay caasimadda si ay u qaadaan ol’ole loogu cabsi gelinaayo weriyeyaasha.

Hase yeeshee, weerarkaasi arxan-darrada ah aabahani dhalay shanta carruur kama celin in uu xirfaddiisi weriyenimo uu sii wato markii uu ku soo laabtay Soomaaliya 2013-kii kaddib in ka badan sanad oo uu ku maqnaa daaweyn caafimaad. 

Weriyahani 31 jirka ah waxaa uu hadda ka shaqeeyaa Raadiyaha Warsan ee ka hawlgala Baydhabo isaga oo ka ah madaxa tifaftirka. Waxaa uu sidoo kale ka muuqdaa hawlaha ol’olaynta warbaahinta Soomaaliyeed isaga oo madaxweyne ku-xigeen ka ah Ururka Qaran ee Saxafiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) sidoo kalena ah Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta ee Koonfur Galbeed (SOWEJA)

Saxafi in uu noqdo waxaa ay ku dhalatay waagii uu dugsi sare dhigan jiray isaga oo dhagaysan jiray idaacdaha Baydhabo ka baxa iyo BBC-da qaybteeda Afsoomaaliga. Laakiin in uu helo shahaadada koowaad ee jaamacadda ee wariyenimo ayaa ku adkaatay. Ma jirin jaamacad Baydhabo ku taala oo lahayd kulliyad bixiso weriyennimo. Sidoo kale dhaqaalo la’aan ayaana ku kaliftay in uu soo aado Muqdisho si uu waxbarashada ugu sii wato caasimadda.

“Waxaa aan soo iibsaday sabbuurad iyo jeesto si aan xirfadda weriyennimo ula barto arday kale. Weriye maxalli ah ayaa habeenkii na bari jiray weriyennimada,” ayuu xusay.

Si uu khibrad dhab ah u helo, waxaa uu 2004-tii ku biiray shaqaalaha idaacad raadiya ah oo maxalli ah oo la dhihi jiray Democratic Media Concern isagoona lacag la’aan ugu shaqayn jiray.  Labo sano kaddib ayaa shaqaale laga dhigay isla idaacaddaasi oo markii dambe loo baddelay Warsan Radio.

Muxiyadiin waxaa uu billaabay in uu wararka u soo gudbiyo idaacadda Shabeelle ee Muqdishu ka hawlgasha iasgoo u xil saarnaa tebinta wararka gobollada Baay iyo Bakool. Sanad kaddib, Al-Shabaab ayaa qabsatay Baydhabo iyagoo la wareegay xafiiska iyo qalabka Idaacadda Warsan, arrintaasina waxaa ay Muxiyadii ku khasabtay in uu ka soo qaxo magaaladiisii Baydhabo una soo wareego Muqdisho. Waxaa uu la sii shaqaynayey Idaacadda Shabeele ilaa uu kala kulmay weerarkii noloshiisa halista galiyey.

Kaddib markii uu ka soo laabtay Kenya, Muxiyadiin waxaa uu ka qaybqaatay tababarro taxane kala duwan, oo ay ka mid yihiin qaar ay gacan ka geysatay Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmanyta Soomaaliya (UNSOM) oo uu ku tilmaamo in ay kor u qaadday kobcinta xirfaddiisa. Waxaa uu sidoo kale aasaasay SOWEJA si uu kor ugu qaado xorriyadda saaxafadda ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.  

“Caqabado ayaan la kulannay laakiin waxaa aan sidoo kale xidhiidh xooggan la sameynay wasaaradda warfaafinta ee maamul goboleedka iyo saraakiisha amniga ee maamul goboleedka,” ayuu yiri.

Dadaalkiisii waa uu miro dhalay. Ururka NUSOJ waxaa uu dhawaan shahaado mahadnaq guddoonsiiyay Wasaaradda Warfaafinta ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed oo ku aaddan in ay horumarisay jawi ammaan u ah wariyeyaasha maxalliga ah sanadkii 2017-kii – sanadkii la soo dhaafay ma jirin weriye la dilay isagoo shaqadiisa gudanaya, mana jirin wax dhacdo oo dhibaateyn ama xarig ah oo lagula kacay weriye oo ka dhacday Koonfur Galbeed oo lagu soo qaaday warbixinta sanadlaha ah ee ururka qaran ee saxafiyiinta. 

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Tacliinta, Sayniska iyo Hiddaha (UNESCO) ayaa ah hay’adda adduunka u qaabilsan difaacidda xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda. Waxaa ay mudnaan gaar ah siisaa bad-qabka suxufiyiinta iyo la dagaalanka ciqaab la’aanta dembiyada iyo shaqaaqada ka dhan ah weriyeyaasha, waxaa ay sidoo kale u ol’oleysaa nidaam warbaahin oo xor ah, baahsan oona madax-bannaan, waa haddii la rabo in sare loo qaado xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka. Sida laga soo xigtay Guddiga Ilaalinta Suxufiyiinta oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo madax-bannaan oo horumarisa xorriyadda saxaafadda, Soomaaliya waa waddanka ugu hooseeya adduunka marka loo eego baaritaannada ku aaddan dembiileyaasha dilka u geysta wariyeyaasha iyo maxkamadayntooda.

Muxiyadiin waxaa uu hadda diiradda saarayaa shaqadiisa ol’oleynta ku saabsan xeerka warbaahinta Soomaaliya ee 2016-ka iyo wax ka baddelidda xeerka ay sanadkii la soo dhaafay ansixiyeen golaha wasiirada federaalka ah. Waxaa ka mid ah xeerar sheegaya in weriyuhu adeeco amar maxkamadeed oo sheegaya in ay ka shaac-bixiyaan ilaha qarsoodiga ah, la imaatinka shuruudo laga doonayo in weriyeyaasha laga helo si ay qabtaan xirfadahooda iyo in loo oggolaado wasaaradda warfaafinta federaalka ah iyo gole ka kooban sagaal xubnood in ay la yimaadan xeerarka anshaxa.

“Waxaa aan kullamo la yeelannay wasaaradda warfaafinta maamul goboleedka Koonfur Galbeed si aan annaguna u dhiibanno aragtideenna ku aadan sharciga warbaahinta,” ayuu yiri “Waxaa aan rajeneynaa in aragtideenna la tixgelin doono, oo ayna xal waara u noqon doonaan dhammaan dadka qabta howlaha warbaahinta.”