Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya oo ku baaqay in taageero dheeraad ah loo fidiyo adeegga kaliya ee ambalaasta ah ee si bilaash ah uga shaqeeya dalka

5 Feb 2018

Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya oo ku baaqay in taageero dheeraad ah loo fidiyo adeegga kaliya ee ambalaasta ah ee si bilaash ah uga shaqeeya dalka

Muqdisho – Ergeyga ugu sarreeya Qaramada Midoobay eeSoomaaliya ayaa maanta Adeegga Ambalaasta Aamin ee bilaashka ah ku ammaanay shaqada ku aaddan jawaab-celinta baahiyaha caafimaadka ee degdegga ah ee ay u fidiso dadka ku nool Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay in taageero dheeraad ah la siiyo adeeggan ambalaasta ah ee ay ka howlgalaan mutadawiciin heegan ah 24 saac maalin kasta

“In kasta oo shaqadoodu inta badan aysan la xiriirin colaad, haddana waxaa ay kaalin lixaad leh ka qaataan in ay bulshada u fidiyaan adeeg ay laabtooda ku degto, iyaga oo u muujiya in haddii uu dhib dhaco ay haystaan dad ay garab ka heli karaan,” ayuu Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Mioobay, Michael Keating, yiri markii uu maanta booqday xafiisyada Aamin ee ku yaalla caasimadda Soomaaliya. “Balse, sida cad, waxaa ay dowr muhiim ah ka ciyaaraan dhinaca bulshada, iyo in ay dadka geeyaan isbitaallada iyagoo bixiya daweyn degdeg ah ka hor inta aan isbitaalka la geyn,” ayuu ku daray.

Hay’adda Aamin waxaa ay adeegga ambalaasta iyo arrimaha kale ee bulshada bilowday sanadkii 2006-dii kaddib markii dadlka laga waayey adeegyada kala duwan sida kuwa bixiya jawaab-celinta degdegga ah, oo ay bixin jireen dowladaha hoose, maadaama uu dalkuin ka badan labaatankii sano ee ugu dambeysay uu la tacaalayay burbur iyo colaad.

“Guud ahaan Soomaaliya, kumanaan qof ayaa ku naafooba ama ku geeriyoodaa shilal yaryar iyo kuwa waaweyn. Shil kaste oo halis ah kaddib, dadka ay gaaraan dhaawacyada culus waxaa ay goobta uu shilka ka dhacay iska yaallaan dhowr saacadooda ayaga oo sugaya in la geeyo isbitaalka ama xarunta caafimaadka ee ugu dhow. Inta badan, daahitaanka iyo inaan waxba laga qaban waxaa ay keenaan in nolol badan oo qiimo leh lagu waayo, halka kuwa badan ay dhibbanayaal u noqdaan dhaawac, kuwana ay ku noqdaan curyaan ama naafo,” ayaa lagu qoray boggooda internet-ka.

Adeeggan waxaa uu leeyahay toban ambalaas, qaybo wareega iyo qaybaha gurmadka, kuwaas oo mar waliba heegan u ah in ay wax ka qabtaan xaalad degdeg ah wakhtiga ugu yar iyo meel kaste oo caasimadda ka mid ah.

Adeegyada waxaa fidiya dad mutadawiciin ah waxaa ayna  indhaha caalamku qabateen kaddib qaraxii saameynta badnaa ee ka dhacay Muqdisho 14-kii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay oo ay ku naf waayeen 512 qof ayna ku dhaawacmeen 300 oo qof – shaqaalaha Aamin ayaa ka mid ah gurmadkii ugu horreeyay ee gaaray halka uu weerarku ka dhacay.

“Taageerada dadka iskooda isku xilqaamay muhiimad weyn ayay ku fadhidaa,” ayuu yiri Mudane Keating. “Aamin waxaa ay leedahay hiigsi iyo himilooyin aad u xooggan, waxaa ayna rabaan in ay ballaariyaan. Waa wax lagu farxo in hay’ad Soomaaliyeed ay mas’uuliyaddan dhabarka iska saartay ayna sameyneyso iskaashi si ay ugu suurtagasho in ay fidiyaan adeegga.”

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in taageero badan la siiyo Aamin, taasi oo marna ah adeegga amblaas ee kaliya oo bilaashka ah ee Soomaaliya ka jira, ayna sidoo kale shaqeyso sanadka oo dhan labaatan iyo afar saacadood maalin kasta

Inta lagu guda jiray booqadashada, aasaasaha Adeegga Bilaashka ah ee Aamin, Dr. Cbdiqaadir Cabdiraxmaan Aadan, oo ah dhaqtar ilkaha, ayaa shaaciyay horumarka ay gaareen tani iyo markii la asaasay 12 sano ka hor, oo ay ka mid yihiin tababar ay siiyaan dhaqaatiirta iskooda isku xilqaamay, in ay sameeyeen lambar laga waco iyo in ay heleen baabuur.

“Ka hor inta aannan bilaabin, dadku gaari gacanno ayay ambalaas ahaan u adeegsan jireen, dadna dhexda ayay ku geeriyoon jireen ayaga oo loo wado isbitaalka,” ayuu yiri Dr. Cabdiqaadir. “Taasi wax baan ayaan ka beddelnay, haddii uu dhaawac ku gaarana, waxaa aad wici kartaa lambarka Aamin Ambalaas ee 999 oo bilaash ah.”

Kaddib qaraxii 14-kii Oktoobar, adeegga ambalaastu waxaa uu baabuurtiisa u helay qalabka taageerada aasaasiga ah ee nolosha, dhaqaatiirtiisa iyo kaalkaaliyeyaashana waxaa ay heleen tababarka taageerrada aasaasiga ah ee nolosha, sida uu sheegay ku xigeenka agaasimaha, Maxamed Faarax.

Dr. Cabdiqaadir ayaa ka warramay qaar ka mid ah caqabadaha ay weli la kulmayaan sida baabuurta oo gabowday, baahida loo qabo in tababar dheeraad ah la siiyo shaqaalaha, xubnaha shaqaalaha oo aan helin mushaar, iyo halista la xiriirta ka shaqeynta caasimadda Soomaaliya.

Iyada oo caqabadahaasi jiraan, waxaa uu xaqiijiyay in adeegga ay ka go’antahay in uu mar kasto caawiyo dadka dhaawacmay iyo bukaannada.

“Waxaa aan u jawaab-celinnaa qof waliba ee u baahan gurmadka, 24 saac ee maalin kasta,” ayuu yiri Dr. Cabdiqaadir. “Ma jiraan maalmo aanan shaqeyneyn sanadka oo dhan.”

Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa dhowaan Aamin ugu deeqday raadiyaha lagu xiriiro, kuwaas oo gaar ahaan muhiim noqda marka weerarrada xooggan ay geysato argagixisadu maadaama ay khadadka talefoonnada ay culeys noqdaan sababo la xiriira wicitaanka badan.