Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo cambaareeyay weerarrada soo kordhay ee ka dhanka ah dadka rayidka

12 Apr 2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo cambaareeyay weerarrada soo kordhay ee ka dhanka ah dadka rayidka

 

WAR-SAXAAFADEED 05/2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya, Michael Keating, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada argagaxisada ee dhowaan soo kordhay ee khasaare ba’an u geystay bulshada Soomaaliyeed.

Tobankii maalmood ee la soo dhaafay, ugu yaraan laba iyo toban weerar oo ay sheegatay ama lagu eedeeyay inay geysatay Al-Shabaab ayaa sababay dhimashada 28 qof oo rayid ah iyo dhaawaca 31 qof oo rayid ah. Weerarradan ayaa lagu qaaday goobo rayid ah, waxay maqaayadihii, suuqyadii, baabuurta dadku raacaan ka dhigeen goobo dhiig ku daatay oo lagu hoobtay.

“Weerarrada lagu qaado dadka rayidka ah waa wax aan loo cudurdaari karin. Waxaa si gaar ah u murugo badan in haween iyo carruur oo aad u badan ay naftooda ku waayaan. Tani waa arrin aad u foolxun oo naxariis darro ah oo farriin siyaasadeed lagu diro, waxna ma soo kordhiso. Arrintan waa in si dhakhso ah loo joojiyaa,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. 

Al-Shabaab waxay muujiyeen inay ku talajiraan ayna awood u leeyihiin inay fuliyaan rabshado baaxad weyn oo sida cadna loola danleeyahay inay sababto khasaare ballaaran. Ilaa iyo hadda sannadkan 2017, dad gaaraya 337 ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay dhacdooyinka walxaha qarxa. Tirada ugu badan ee khasaarahaasna waa dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah. Khasaaraha dadka rayidka ah ee qaraxyada ku waxyeelloobay ayaa kordhay in ka badan 50% tan iyo waqtigan oo kale sannadkii 2015.

Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo asxaabta dhammaan dadkii waxyeelladu soo gaartay ama ku waayay gacaltooyo/dad ay jecelyihiin.