Akhrinta wadahadal taleefoon uu Xoghayaha Guud kula yeeshay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

28 May 2022

Akhrinta wadahadal taleefoon uu Xoghayaha Guud kula yeeshay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

New York - 26ka Maajo 2022, Xoghayaha Guud ayaa telefoonka kula hadlay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xoghayaha Guud wuxuu soo dhoweeyay dhammeystirka hannaanka doorashada, wuxuuna Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyay doorashada loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Xoghayaha Guud iyo Madaxweynaha ayaa ka wadahadlay arrimaha hortebinta u leh maamulka cusub iyo taageerada Qaramada Midoobay. Xoghayaha Guud ayaa Madaxweynaha ku dhiirigaliyay inuu horey u sii wado arrimaha muhiimka ah ee leh hortebinta qaran sida amniga, isbedelka cimilada, gurmadka abaaraha iyo xoojinta wadashaqeyn lala yeesho dowladaha xubnaha ka ah federaalka.