Beesha caalamka oo loogu baaqay in ay taageerto maamulka cusub ee Soomaaliya

24 May 2022

Beesha caalamka oo loogu baaqay in ay taageerto maamulka cusub ee Soomaaliya

Muqdisho/New York – James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ay ka faa’ideystaan ​​"fursada qaaliga ah" ka dib markii dhawaan la soo gaba gabeeyay doorashada.

Khudbad uu u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Md. Swan, oo sidoo kale ah madaxa Howlgalka Kaalmeynya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa ka hadlay doorashadii madaxweynaha ee dhawaan dalka ka dhacday, xaaladda bini'aadannimo iyo caqabadaha dhinaca ammaanka.

Dareen Wadashaqeyn

“Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliyeed inay si wadajir ah u wada shaqeeyaan, danta qarankoodana ka wadashaqeeyaan, waxaan ugu baaqaynaa saaxiibada Soomaaliya iyo beesha caalamka oo ay ku jiraan kuwa golahan ka mid ah, inay bixiyaan taageero wax ku ool ah iyo dhiirigelin,” ayuu yiri.

Md. Swan oo hoosta ka xariiqay in Qaramada Midoobey ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso dowladda cusub, ayaa sheegay inuu si toos ah uga dhageystay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxyaabaha uu hiigsanayo oo ay ka mid yihiin dib u heshiisiin qaran, hagaajinta xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyo wax ka qabashada khatarta amni ee uga imaaneysa kooxaha hubeysan ee Al-Shabaab.

Waxyaabaha kale ee mudnaanta leh ayaa ah dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka iyo dib-u-habaynta hay’adaha garsoorka, dhamaystirka shuruucda doorashooyinka, hubinta u hoggaansanaanta iyo shuruudaha caalamiga ah ee deyn cafinta, iyo diirad saaridda abaaraha ba'an ee gobolka ku dhuftay.

"Waxaan rumeysannahay in kuwani ay yihiin arrimaha ku habboon in mudnaanta koowaad la siiyo, waxaana rajeyneynaa inaan ogaano tafaasiil dheeri ah marka hoggaanka cusub uu la wareego xilka, sidoo kalena ra'iisul wasaare cusub iyo golaha wasiirada la magacaabayo toddobaadyada soo socda," ayuu yiri Md. Swan.

Gaabisyo iyo Rabshado

Isagoo soo dhawaynaya doorashadii guusha ku dhamaatey, Md. Swan waxa kale oo uu tilmaamay qaar ka mid ah dhaliilahii ay lahayd.

Shacabka Soomaaliyeed fursad uma helin in ay u codeeyaan Golaha Shacabka, doorasho qof iyo cod ah, kaliya 21% Xildhibaanada la doortay ayaa ah haween, iyadoo lagu heshiiyey qoodada 30 boqolkiiba.

Waxa uu intaa ku daray in wax isdabo marin badan lagu sameeyay soo xulista Xildhibaanada intii ay socotay doorashada, taasi oo marar badan ay hareysay gacan ka hadal, taasoo sababtey in dad badan oo rayid ah ay waxyeelo soo gaarto.

Xaalad Bini’aadannimo aa u daran

Haddii aan u soo gudubno xaaladda bini’aadannimo ee ka sii daraysa ee Soomaaliya, Ergayga Qaramada Midoobay waxa uu sheegay in tirada dadka ay abaaruhu saameeyeen ay kor u dhaafeen 6.1 milyan oo qof.

"Waddanku waxa uu wajahayaa khatar sare oo ah macaluul maxali ah ee lix deegaan, haddii sicirka cuntadu uu sii kordho oo gargaarka bini'aadannimo aan la joogteyn," ayuu ka digay.

In kasta oo hawlgallada bini'aadannimo kor loo qaaday, $1.45 bilyan oo baaq ah sannadkan ayaa la maalgeliyay 15 boqolkiiba oo keliya. Intaa waxaa dheer, deeq-bixiyeyaashu waa inay ka dhabeeyaan ballanqaadyadii bishii hore ay ku galeen munaasabad heersare ah oo ka dhacday Geneva, taas oo diiradda lagu saaray baahiyaha bini'aadannimo ee Geeska Afrika.

"Iyadoo aan si degdeg ah loo helin dhaqaale lagu ballaariyo hawlaha bani'aadannimo, waxaan wajaheynaa khatar khasaare nafeed oo cad muddada soo socota," ayuu ku wargeliyey danjirayaasha.

"Xitaa iyada oo aan hadda diiradda saarayno badbaadinta nafaf iyo ka hortagga macluusha, waxaa sidoo kale loo baahan yahay in la kordhiyo adkeysiga, horumarka, iyo ka fal-celinta khatarta cimilada si kuwa ay saameeyeen dhibaatooyinka soo noqnoqda ay ula qabsadaan oo ay u koraan mustaqbalka."

Laba-kacleynta Al-Shabaab

Md. Swan waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda amniga oo weli ah "mid aad u kacsan". Weeraradii lagu hoobtay ee Al-Shabaab ee bilihii Maarso iyo Abriil ayaa u muuqday dadaal ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan tallaabooyinkii ugu dambeeya ee hannaanka doorashada.

Wuxuu ammaan u jeediyay ciidamada Soomaaliyeed iyo dhiggooda howlgalka Ku-meelgaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) “kuwaas oo sugay ammaanka geedi-socodka doorashada, iyagoo u dhabar adeegey weerarradii khasaaraha badan geystay ee Al-Shabaab.

Horraantii bishan ayay aheyd markii kooxdan weerar culus ku qaadeen saldhiga ATMIS ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku dileen ciidamo badan oo nabad ilaaliyayaal ah oo ka tirsan ciidamada Burundi.

Isha: UN News

Halkan ka akhriso khudbadi oo dhamaystiran