Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maajo 2022

31 May 2022

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Maajo 2022

 

Horumarinta ganacsiga | UNIDO oo gacan ka geysatay horumarinta ganacsiga Soomaalida ee Talyaaniga

Hay’adda UNIDO oo kaashaneysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa soo qaban qaabisay booqashada wafdi ganacsato Soomaaliyeed ah oo ka qeyb galaya bandhigyo ganacsi oo ka dhacaya dalka Talyaaniga.

Booqashadan ayaa waxaa ka qeyb galay 11 shirkadood oo isugu jira kuwa yar yar iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee wax soo saarka beeraha kuwaas oo ka qeyb galay bandhig carwo ah oo lagu soo bandhigayey hannaanka waxyaabaha aan cunada aheyn iyo baakadeynta ee loo yaqaan ‘IPACK-IMA’ iyo sidoo kale bandhig miraha iyo khudaarta oo loo yaqaan ‘Macfrut’.

Wakiilada ganacsatada Soomaaliyeed ayaa marti geliyay goobo lagu soo bandhigo wax soo saarka Soomaaliya, waxaana ay ka qeyb galeen in ka badan 100 shirar ganacsi oo looga hadlayay tignoolajiyada casriga ah ee dhanka beeraha. Booqashada ayaa sidoo kale keentay in la sameeyo xiriir lala yeesho shuraakada ganacsi ee suurtagalka ah iyo iibsadayaasha.

Booqashadu waxay taageero ka heshay Xafiiska Horumarinta Tiknoolajiyada Maalgashiga ee UNIDO oo ku yaalla dalka Talyaaniga iyo Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga ee dawladda Talyaaniga oo iyadu maalgelisey ‘hormarinta tignoolajiyada beeraha ee kobaca dhaqaalaha Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Gurmadka Abaaraha | Lacago badan oo loo qoondeeyay bulshada ay abaaruhu saameeyeen

Sanduuqa Gargaarka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya (SHF) ayaa 20 milyan oo dollar u qoondeeyay gargaar degdeg ah bulshooyinka ku nool dalka oo ay abaartu si adag u saamaysay iyo dib u buuxinta maalgelinta hay’adaha samafalka ee heer qaran.

Lacagtu waxa ay horseedi doontaa in kor loo qaado wax ka qabashada bini'aadantinimo ee lix goobood oo mudnaanta leh halkaas oo xaaladdu ay si degdeg ah uga sii darayso. SHF waa hay'ad ay maamusho OCHA, deeq-bixiyeyaal badan, hannaan mideysan oo waddanka ku salaysan oo la sameeyay 2010 si loo maalgeliyo waxqabadyada badbaadinta nafta ee ugu degdegga badan.

Marka laga soo tago qoondada lacageed ee SHF, QM ayaa 14 milyan oo dollar ka bixisay Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay si wax looga qabto abaaraha.

Dabayaaqadii bishii hore, shir heersare ah oo lagaga hadlayay abaaraha Geeska Afrika oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen OCHA iyo Midowga Yurub ayaa magaalada, Geneva ka dhacay, deeq-bixiyayaashu waxa ay ku yabooheen lacag dhan 1.39 bilyan oo dollar oo wax looga qabanayo arrimaha bini'aadantinimada iyo xaaladaha abaaraha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Lacagahaas ayaa isugu jira cunto, nafaqeyn, lacag caddaan ah iyo gargaar caafimaad, iyo sidoo kale calafka xoolaha iyo dawooyinka lagu badbaadinayo xoolaha.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Gurmadka Abaaraha | IOM iyo la-hawlgalayaasheeda waxay si degdeg ah ugu fidiyaan gargaar in ka badan 90,000 oo qof

Iyadoo ay jiraan in ka badan lix milyan oo qof oo ay hadda saameysay abaarta Soomaaliya, dad gaaraya 770,000 ayey xaaladdu ku qasabtay in ay ka barakacaan guryahooda iyagoo raadinaya cunto, biyo iyo baad ay xoolahooda u helaan. Baahida ayaa si xawli ah kor ugu kacaysa iyada oo abaartu ka sii darayso.

IOM waxay sare u qaaday gurmadkeeda waxayna bilawday Xirmada Jawaabta Ugu Yar, iyada oo la kaashanaysa UNICEF, WFP, DRC iyo Daladda dhanka lacagaha ee Soomaaliya (SCC).

Iyadoo loo marayo Xirmada Gurmadka Ugu Yar (MRP), wada-hawlgalayaashu waxay higsanayaan inay siiyaan gargaar naf-badbaadin ah oo degdeg ah in ka badan 90,000 oo cusub oo barakacay, oo la siinayo lacag caddaan ah, baco iyo xirmooyinka nadaafadda. gurmadkani waxa kale oo uu balaarin doonaa helitaanka biyaha, musqulaha, caafimaadka iyo nafaqeynta ee heerka bulshada.

Ka dib wada-hadalladii hore ee qorshaynta bishii Abriil, IOM waxa ay billowday diiwaangelinta qoyska bishii Maajo iyada oo in ka badan 8,000 qoys oo abaaruhu saameeyeen la aqoonsaday lana diiwaan geliyay labadii toddobaad ee ugu horreeyay bishaas.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Adkeysiga | UNDP oo hoggaamisay kooxda qiimaynta ka dib dabkii ka kacay Suuqa Waaheen

Isla markii uu dabku qabsaday Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, waxa ay Hay’adda UNDP hoggaaminaysay koox farsamo-yaqaanno ah oo ka kala socday Hay’ado Qaramada Midoobay ka tirsan, kuwaas oo qiimayn ku sameeyey khasaaraha ka dhashay dabkaas weyn.

Kooxdu waxay la shaqaynaysay guddidii Gurmadka iyo Taakulaynta Qaranka ee uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay inay dejiyaan qorshe-hawleed lagu nadiifinayo goobaha, dib-u-dhiska iyo soo kabashada hab-nololeedyada.

Intaa ka dib, warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Somaliland iyo Qaramada Midoobay ayaa loo soo bandhigay deeq bixiyayaasha, waxaanay ku taliyeen in si mug leh looga jawaabo waxqabadyo degdeg ah, mid dhexe iyo mid fog, oo ay ku jirto in la taageero kooxaha jilicsan. Kharashka dib u dhiska suuqa waxa lagu qiyaasay $720 milyan, oo ay ku jirto kharashka kaabayaasha la xidhiira ee buuxin doona heerarka caalamiga ah ee deegaanka iyo badbaadada.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Haweenka | UNFPA oo taageereysa ururada umulisooyinka Soomaaliyeed

UNFPA waxay gacan ka geysatay dhisidda awoodda hoggaamineed iyo xirfadda u doodista ee saddexda urur ee umulisooyinka Soomaaliyeed iyo xubnahooda: Ururka Kalkaaliyeyaasha iyo Umulisooyinka Somaliland, Ururka Umulisooyinka Soomaaliyeed, iyo Ururka Umulisooyinka Puntland.

Tababarkan loo qabtay saddexda urur ayaa waxa uu awood u siiyey kor u qaadista xirfadda umulisooyinka iyo caafimaadka iyo taranka iyo sidoo kale talooyinka gudniinka gabdhaha (FGM).

Sidoo kale, horraantii bishii Maajo magaalada Hargeysa, ayaa hay’adda UNFPA ka taageertay Ururka Kalkaaliyeyaasha iyo Umulisooyinka Somaliland xuska Maalinta Umulisada Adduunka.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Xoolaha | FAO oo ka taageereysa xoolo-dhaqatada daawaynta xoolaha ee degdega ah

Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka reer miyiga ah oo ku tiirsan xoolaha nool oo ah isha ugu weyn ee ay wax ka helaan. Abaartan oo ay u sii dheer tahay cudurro xoolaha ku dhacay, taas oo keentay in xoolo badani ay ka le’deen, qaar kalena ay tabar beelaan.

Si loo ilaaliyo xoolahooda oo ay u ilaashadaan badbaadada cuntada qoyskooda, FAO waxa ay samaysay olole la xiriira daawaynta degdega ah oo dalka oo dhan ah, iyada oo la gaarsiyay ku dhawaad 11 milyan oo xoolo ah oo ay leeyihiin 275,000 qoys oo reer miyi ah aadba u nugul. Daawayntan ayaa loogu talagalay in xoolaha lagaga ilaaliyo cudurrada caadiga ah ee ka dhasha abaaraha, kuwaas oo halis u ah xoolaha markii horeba abaartu wiiqday.

Ka sokow daawaynta taageerada degdegga ah, FAO waxa ay sidoo kale qoysaska reer miyiga ah ku kaalmaynaysaa lacag caddaan ah oo degdeg ah iyo gargaar hab-nololeedka ah si ay ugu suurtageliso in ay wada joogaan oo ay ka fogaadaan khataraha nafsiga ah iyo kuwa jireed ee ka dhalan kara jahawareerkan.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Horumarinta | UN-Habitat oo magaalada Baydhabo ka daahfurtay qorshe hawleedka bulshada

Iyadoo la shaqeyneysa IOM iyo UNDP, UN-Habitat waxay daah-furtay Qorshaha Waxqabadka Bulshada Baydhabo (CAP) si ay gacan uga geysato xaqiijinta hagaajinta helitaanka adeegyada aasaasiga ah, nabad ku wada noolaanshaha iyo wada-jirka bulshada ee u dhexeeya dadka gudaha ku barakacay (IDPs), kuwa soo laabtay iyo bulshooyinka martida loo yahay ee ku nool degmadaasi ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Qiyaastii 500 ilaa 1,000 barakacayaal ah ayaa u guura Baydhabo toddobaad kasta, taas oo keenta saameyn weyn oo dhanka deegaanka ah, daldaloolada xagga guryeynta, biyo la'aanta, iyo caqabadaha nadaafadda, ayuu qorshe hawleedku wax ka tari doono. Dhismaha saldhigyada booliiska, waddooyinka, biyo-xireennada lagu keydiyo biyaha, suuqyada iyo rakibidda nalalka cadceedda ku shaqeeya ayaa ka mid ah kaabayaasha mudnaanta leh ee uu wax ka qabanayo qorshahani.

Qorshuhu wuxuu u adeegayaa sida hage xagga hawl-wadeennada samafalka iyo horumarinta dadaallada ay ku taageerayaan maamullada maxalliga ah iyo kuwa gobolka iyo bulshooyinka uu saameeyey barakaca, saamaynta abaarta, la'aanta fursadaha nololeed iyo soo kabashada COVID-19 ka dib.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Carruurta | UNICEF oo wax ka qabaneysa ka hortagga nafaqo xumada ba'an ee carruurta

Heer caalami, UNICEF waxa ay biloowday ‘Digniinta Carruurta’ oo ku saabsan xaaladda ba’an – ee loo yaqaan nafaqo-xumida ba’an– taas oo carruurta ka dhigaysa kuwo aad ugu nugul cudurrada xilliga carruurnimada. Kiisaska xaaladdan ba'an ayaa si aad ah ugu sii kordhaya adduunka oo dhan iyadoo ay ugu wacan tahay iskahorimaadyada iyo isbeddelka cimilada, halka qiimaha cunnada uu kor u kacay.

Soomaaliya, kiisaska xaaladdan ayaa kordhay boqolkiiba 50 ilaa hadda sanadka 2022, marka loo eego labadii sano ee la soo dhaafay. Iyada oo qayb ka ah waxqabadyada hey’addan, UNICEF waxa ay kor u qaadday jawaab-celinta nafaqeynta ee xeryaha Baydhabo iyo Banaadir ee loogu talagalay dadka gudaha ku barakacay si loo hubiyo in goor hore la ogaado kiisaska nafaqo-xumida ba’an. Bishii Abriil, in ka badan 24,000 oo carruur ah oo da'doo du ka yar tahay shan sano ayaa lagu daweeyey 93 boqolkiiba xarumaha ay taageerto UNICEF.

Sanadkan, UNICEF waxa ay daweysay 43 boqolkiiba 263,600 ee carruurta Soomaaliyeed ee la bartilmaansaday oo ay nafaqo-xumida ba’ani soo wajahday. Si kastaba ha ahaatee, maalgelin ayaa loo baahan yahay si loo gaaro yoolkan.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer

 

Doorashooyinka | Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay gabagabeynta doorashada madaxtinimo ee dalka.

Waxaan jeclaan lahaa inaan ugu hambalyeeyo madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud guusha uu caawa gaaray, balse waxaan sidoo kale u mahadcelinaynaa musharrixiinta kale, gaar ahaan madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’, sida uu u ixtiraamayo natiijada iyo sii wadida dhaqanka Soomaaliyeed ee in la soo dhoweeyo cid kasta oo guulaysata iyo teegeeridda in ay hore u socoto,"  Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa sidaas yiri, waxyar kadib doorashada.

Mas’uulka sare ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay gabagabada doorashada oo ka dhacday xarunta Muqdisho ee loo yaqaan 'hangarka' oo ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo lagu casuumay isaga iyo wakiillo kale oo ka socday saaxiibbada Soomaaliya ee caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleystay wareegii saddexaad ee codeynta xildhibaanada baarlamaanka dalka, kadib labo iyo toban saacadood oo codeyn ah iyo tirinta codadka. Waxaa xafiiska u taagnaa ku dhawaad 40 musharax.

Halkan ka eeg faah-faahin intaa dheer