BAYAANAADKA SAXAAFADDA
-
04 Dec 2020 - Kaddib kulankii Gudiga Nabad-Dhisidda isugu yimaadeen ee uu shir gudoomiyey Md. Bob Rae 2-dii Diseembar 2020 ee ujeedkiisu ahaa Nabad-Dhisidda Soomaaliya, kaas oo ay warbixinno ka jeediyeen Md. Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya, Marwo. Xaniifa Maxamed Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuql Insaanka ee Dowladda Federalka Soomaaliya, Md. James Christopher Swan, Danjiraha gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Soomaaliya, Marwo. Rowda A.
-
14 Oct 2020 - Baydhabo – Iyagoo maanta booqasho ku jooga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, wakiillo ka socda qaar ka mid ah saaxiibada dalka ee muhiimka ah ee beesha caalamka ayaa ifiyay muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan danta guud ee dhammaan Soomaalida.
-
14 Oct 2020 - Muqdisho – Munaasabadda sanad-guurada saddexaad ee ka soo wareegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14kii Oktoobar 2017 ka dhacay magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, Qaramada Midoobay ayaa maanta xustay dhibbanayaashii iyo dadkii ka badbaaday weerarkaas foosha xumaa waxayna carrabka ku adkeysay sida ay hay’adda adduunku u garab taagantahay dhammaan dadka Soomaaliyeed.
-
21 Sep 2020 - Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamka* waxay garwaaqsanyihiin heshiiskii ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF), heshiiskaas oo la xiriira geedi-socodka doorashooyinka 2020/21.
-
15 Sep 2020 - Muqdisho – Iyadoo Soomaaliya ay guul ka gaartay lixdii-bilood tan iyo markii dalka looga dhawaaqay kiiskii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay ee cudurka coronavirus (COVID-19), bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta amaan u jeedisay shaqaalaha badan caafimaadka ee sida hagar la’aanta ah uga shaqeeyay ka-hortaga faafitaanka caabuqa COVID-19 isla markaana taakuleyn u fidiyay dadka uu haleelay cudurka.
-
14 Sep 2020 - Muqdisho – Saaxiibada Caalamka* waxay soo dhoweynayaan dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Dowlad Gogoleedyo ee Xubnaha ka ah Federaalka (DGXF).
-
17 Aug 2020 - Muqdisho – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareynaysaa weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday Hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho maalintii Axadda, kaasoo sida la sheeegay ay ku dhinteen ugu yaraan 16 qof kuna dhaawacmeen dad kale oo badan.
-
24 Jul 2020 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay rajeynayaan in kulankii muhimka ahaa ee ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb uu yahay dib u billaabashadii aadka looga dhursugayay ee wadashaqeyn wax ku ool ah oo dhexmarta madaxda DFS iyo DXF.
-
17 Jul 2020 - Muqdisho – Saaxiibada Caalamiga ah (ee hoos ku xusan ) ee taageera geedi-socodka dimoqoraadiyaynta Somaliland waxay soo dhoweynayaan heshiiska Xisbiyada Siyaasadeed ee Somaliland, ee la saxiixay 12kii July 2020, si loo qabto Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo kuwa Baarlamaanka ee 2020ka.
-
23 May 2020 - WAR-SAXAAFADEED 09/2020 Muqdisho – Bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay dhamaan dadka Soomaaliyeed u direysaa hambalyo diiran oo ku aaddan munaasabadda Ciidda Soon-fur ee Ciidul-Fitriga.