Hawlgalkii Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayey shaqadiisa xirantay 31-kii Oktoobar 2024-kii, waxaana lagu bedelay Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) Jimcihii, 1-dii Nofeembar, iyadoo la raacayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2753.
Isbadalka ayaa ka tarjumaya horumarka dalka ka jira, waxaana sidoo kale uu waafaqsan yahay codsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in xafiiska UNSOM lagu wareejiyo kooxda Qaramada Midoobay ee dalka, muddo labo sano ah marka la gaaro Oktoobar 2026-ka.
Inta la dhammaystirayo websaydka cusub ee UNTMIS, iyo baraha bulshada xogta khuseeya hawlgalka waxa laga heli doonaa:
26 Jun 2015 - Muqdisho – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabislan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii maanta Al-Shabaabta xagjirta ah ay ku qaaday saldhiga AMISOM ee ku yaala Leego, halkaas oo ay maamulaan ciidamado ka tirsan kuwa Burundi.
24 Jun 2015 - Muqdisho – Ergayga-gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa si kulul u cambaareeyay weerakii maanta lagu qaaday baabuurtii kolonyada ahayd ee wadday saraakiil ka socotay Imaaraadka Carabta, taas oo sababtay in ay dhintaan tiro dad ah. Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda werarkaasi.
23 Jun 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay dhaarinta xubnaha baarlamaanka Maamulka Ku-Meelgaarka cusub ee Galmudug oo maanta ka dhacday magaalada Cadaado.
22 Jun 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay dhaarinta xubnaha baarlamaanka Maamulka Ku-Meelgaarka cusub ee Galmudug oo maanta ka dhacday magaalada Cadaado.
24 May 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliaya Nikolas kay, ayaa cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday labo xildhibaan oo Soomaaliyeed iyo wadihii gaarigooda, wuxuuna ku soo celiyay sida ay Qramada Midoobay uga go’antahy sii wadidda la shaqaynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed.
22 Apr 2015 - Muqdisho – Qaramada Midoobay, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska waxay soo dhoweynayaan dhisidda baarlamaan goboleedka Jubba. Waxaan ku baaqaynaa in wadaxaajood dheeraad ah la yeesho si loo xaqiijiyo in dhammaan qabiillada, beelaha iyo kooxaha laga tirada badanyahay ee gobollada Jubbooyinka ka soo jeeda ay dareemaan inay qayb ku leeyihiin oo loogu jiro.
20 Apr 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaalia, Nicholas Kay, ayaa caddeeyay sida uu uga carooday weerarkii argagaxiso ee maanta ee keenay dhimashada afar ka mid ah shaqaalaha UNICEF iyo labo waardiye. Dhowr kalena waa lagu dhaawacay.