06 Jun 2022 - Sugnaan la’aanta cuntada iyo nafaqo-xumada ayaa ka sii daraya guud ahaan Soomaaliya iyadoo khatarta macluushu ay sii kordhayso halka ay jirto xilli-roobaadkii afaraad ee taariikhiga ahaa ee baaqday
23 May 2022 - (Sida loo jeediyay, New York/Muqdisho, 23 Maajo 2022)
Marwo Madaxwayne, Xubnaha sharafta leh ee Golaha,
Waad ku mahadsan tihiin fursadda aad ii siiseen inaan soo jeediyo warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya. Waxaan ku faraxsan ahay inaan mar kale sidaa sameeyo aniga oo uu i wehliyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira.
Marwo Madaxwayne,
16 May 2022 - New York – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay doorashada madaxweyne ee 15-ka bisha Maajo si nabad ah ugu qabsoontay Soomaaliya, wuxuuna u hambalyeeyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay madaxweynaha 10-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ku bogaadiyay sida degdega ah ee uu u aqbalay natiijada, taageerana u muujiyay Madaxweynaha bedelaya.
06 May 2022 - New York – Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si adag u cambaareeyey falkii argagixiso ee foosha xumaa ee Al-Shabaab ay ku qaadday xarunta jiidda hore ee Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ee degmada Ceelbaraf, gobolka Shabeellaha Dhexe, 3dii Maajo 2022.
01 May 2022 - Muqdisho – Qoyska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu salaan diiran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul-Fidriga awgeed.
“Qaramada Midoobay waxa ay dadka Soomaaliyeed u rajaynaysaa Ciidul-Fidri nabdoon oo amaan ah maadaama aan ku jirno dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
28 Apr 2022 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay soo dhoweynayaan doorashooyinkii guusha kusoo idlaaday ee loogu tartamayey jagooyinka guddoonka Aqalka Sare ee 26kii Abriil 2022 iyo Golaha Shacabka ee 27-28 Abriil 2022. Waxaan u hambalyeynaynaa guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada dhowaan la doortay ee la wareegaya waajibaadkooda muhiimka ah xilligan xasaasiga ah ee Soomaaliya ay ku jirto.