BAYAANAADKA SAXAAFADDA
-
21 Aug 2016 - WAR-SAXAAFADEED 21/2016 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa si kulul u cambaareeyay labadii qarax ee saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee lagu dilay ugu yaraan 12 qof laguna dhaawacay dad kor u dhaafaya 25.
-
14 Aug 2016 - WAR-SAXAAFADEED 20/2016 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa soo dhoweeyay saxiixa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku ansaxiyay hindise sharciyeedka Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka, taasoo ka dhacday xaflad maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
-
12 Aug 2016 - Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa maanta u dabaal degay Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada. Soomaaliya waxay leedahay tiro kamid ah dadka ugu da’da yar aduunka. 10ki qofood oo Soomaali ah, todobo kamid ah ayaa da’doodu ka hooseysaa 30 sano jir.
-
26 Jul 2016 - Xoghayaha-Guud ayaa cambaareeyay weerarki argagixiso ee maanta ka dhacay agagaarka Gegida Dayuuradaha ee Caalamiga ah ee Muqdisho. Wuxuu tacsi tiraanyo leh u diray saaxiibada iyo qoysaska dadki ku geeriyooday, wuxuuna inti ku dhaawacantay u rajeeyay inay si dhakhso leh u bogsoodaan.
-
26 Jul 2016 - WAR-SAXAAFADEED 19/2016 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa sida ugu adag u cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee maanta ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho kuna dhinteen ugu yaraan hal darsan ama laba iyo toban qof.
-
06 Jul 2016 - WAR-SAXAAFADEED 18/2016 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidda Soonfurka (Ciidul Fitriga) u diray dhamaan dadka Soomaaliyeed.
-
01 Jul 2016 - WAR-SAXAAFADEED 17/2016 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa hambalyo u diray dadka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba, hambalyadaas oo ku aaddan munaasabadda madaxbanaanida dalka. Mudane Keating ayaa amaanay firfircoonida iyo adkaysiga ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed iyadoo dalku kasoo kabanayo tobaneeyo sano oo isbarbaryaac iyo colaado ah.
-
19 Jun 2016 -WAR-SAXAAFADEED 09/2018 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa maamuusay dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubka jinsiga ee ka dhaca dalka, [qorshahan] ayaa qayb ka ah dabaaldegga caalamiga ah ee Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Jinsiga ee Xiliyada Colaadaha.
-
19 Jun 2016 - PRESS STATEMENT 15/2016 The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) today commemorates the International Day for the Elimination of Sexual Violence in Conflict. Sexual violence is a widespread and ugly reality facing millions of women and their families, including in Somalia.
-
31 Mar 2016 - WAR-SAXAAFADEED 10/2016