28 Feb 2020 - New York – Xubnaha Golaha Amaanka ayaa waxay garwaaqsadeen horumarka laga sameeyay diyaargarowga loogu jiro in Soomaaliya lagu qabto doorashooyin qaran dabayaaqada sannadka 2020 ama horraanta sannadka 2021, waxayna soo dhoweeyeen kaalinta ay arrintan ku leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada Qaranka (GMDQ).
25 Feb 2020 - Muqdisho – Sharciga doorashada federaalka Soomaaliya ayaa hadda lagu ansixiyay Golaha Shacabka waxaana saxiixay Madaxweynaha 20-kii Febraayo. Sharcigan wuxuu qeyb ka yahay hab-shaqo sharciyeedka doorasho ee asaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashooyin qaran oo u suurto-gelinaya in tirada ugu badan ee muwaadiniin ah ay codeeyaan.
28 Jan 2020 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay mar kale carrabka ku adkeynayaan ballan-qaadkooda ku aaddan taageerada u diyaargarowga doorashooyinka heer federaal ee 2020/21.
28 Dec 2019 - Xog-hayaha Guud ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee 28kii Disembar 2019 ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadkii dhibaatadu kasoo gaartay, wuxuuna dadka dhaawaca ah u rajeeyay soo kabasho dhakhso leh. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dembiilayaasha ka dambeeyay falkan argagaxa leh la horkeeno cadaaladda.
19 Dec 2019 - Muqdisho – Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya* waxay mar kale carrabka ku adkeynayaan muhiimadda ay leedahay in waqtiga loogu talo galay si hufan loogu diyaar garoobo doorashooyin heer federaal ah oo dhaca sanadka 2020/21.