30 May 2019 - New York – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa manta shaaciyay magacaabista James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqonayo Wakiilkiisa Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM). Wuxuu bedeli doonaa Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika kaasoo uu Xoghayaha Guud uga mahadcelinayo adeegiisa hufnaa ee UNSOM iyo Soomaaliya xilli adag.
11 Mar 2019 - Maanta waa maalin murugo weyn uleh Qaramada Midoobay. Sidaad ogtihiinba, shilkii naxdinta lahaa ee maanta (Axad, 10 Maarso) ka dhacay dalka Itoobiya waxaa ku geeriyooday dad badan, oo ay ku jiraan qaar kamid ah saaxiibbadeena QM oo ka kala tirsanaa dhowr hay'adood iyo ururo hoos taga QM.
14 Dec 2018 - Muqdisho – Saaxiibada Caalamka ee kala ah * (hoos ku qoran) waxay ka walaacsanyihiin dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaan si tiiraanyo leh uga tacsiyadeynaynaa geeridii ku timid xubin ka tirsanaa golaha baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dadkii kale ee ku dhintay rabshadaha ka dhacay magaalada Baydhabo.
Waxaan cambaaraynaynaa dhamaan rabshadaha iyo falal kasta ee sii daraya xaaladda bani’aadanimo.
Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu maanta hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay talinta sharciga iyo dhisidda hay’ado daah-furan oo lala xisaabtami karo.