09 Mar 2021 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ee lix madfac ay kusoo dheceen gudaha xeyndaabka Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka. Ma jiraan xarumo ay leedahay Qaramada Midoobey oo waxyeelo kasoo gaartay mana jiraan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku wax-yeeloobay hoobiyaasha.
06 Mar 2021 - New York - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagaxiso ee ay dadka badani ku dhinteen ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibanayaasha, wuxuuna u rajeeyay caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay. Wuxuuna ku baaqayaa in cadaalada la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weerarkan.
19 Feb 2021 - New York – Xoghayaha Guud wuxuu aad uga walaacsan yahay rabshadaha ka dillaacay magaalada Muqdisho. wuxuuna ugu baaqayaa dhinacyada oo dhan inay is xakameeyaan ayna is dejiyaan.
17 Feb 2021 - Muqdisho – Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran.