Aragtida dadweynaha Soomaaliyeed ay soo bandhigeen wareeggii ugu dambeeyay ee wadatashiyada geeddi-socodka dib u eegista dastuurka

24 Sep 2021

Aragtida dadweynaha Soomaaliyeed ay soo bandhigeen wareeggii ugu dambeeyay ee wadatashiyada geeddi-socodka dib u eegista dastuurka

Soomaaliya—Wareeggii ugu dambeeyay ee la-tashiyada dadweynaha ee geeddi socodka dib u eegista dastuurka Soomaaliya ayaa la soo gebagebeeyay toddobaadkan, iyada oo xubno ka tirsan dadweynaha ay fikrado badan ka dhiibteen waxa loo baahanyahay in lagu daro dokomentiga ugu dambeeya si loo ilaaliyo xuquuqdooda la xiriirta arrimo badan.

“Waxa aan u baahan nahay inaan si gaara ah ula dhaqanno dadka naafada ah, arinta ugu muhiimsanna waa waxbarashada. Waxbarashadu waxa ay caawin doontaa in horumarinta nolosha qof kasta. Dadka aragga naafada iyo kuwa jismi ahaan naafada ahba waxa ay u baahan yihiin hay’ado gaara oo wax ka qabto culeysyada ay wajahaan. Waxyaabahan waa in dastuurka lagu daraa” ayuu yiri Cali Sheikh Rashiid.

73 jirkan aragga naafada ka ah, ahna aabbaha lix carruur ah, ayaa intaa ku daray inuu rajeynayo in dastuurka, marka la dhameeyo, uu damaanad qaadi doono xuquuqda dadka Soomaaliyeed oo dhan gaar ahaan inuu u xaqiijin doono dadka naafada ah fursado la mid ah midda ay helaan dadka lixaadkooda dhanyahay.

Mune Rashiid waxa uu ka mid ahaa 50 qof oo ka qeyb galay kulan wacyi-gelin dadweyne  oo seddex maalin socday oo ku saabsanaa geeddi-socodka dib u eegista dastuurka.

Hirshabaeele ka sokow, wadatashiyo la mida ayaa lagu qabtay labo kale oo ka mid ah Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka, Galmudug iyo Koofur Galbeed. Wadatashiyadaas waxaa qabtay Wasaaradda Arrimaha  Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo qeyb ka ahaa dadaalka lagu ururinayay aragtida ay ka qabaan dastuurka saamileyda oo dhan. 

“Aniga oo ku hadlaya magaca dadka naafada ah, waxaa habboon in Dowladdu xaqiijiso in dadka naafada ah ay heli karaan waxbarasho  iyo daryeel caafimaad , ayna wax ka qabato baahiyaheenna gaarka ah,” ayuu yiri Cabdi Jaamac Axmed, oo ah guddoomiyaha xiriirka dadka naafada ah ee ka dhisan Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug.

Aragtida dadweynaha soomaaliyeed

Kulamada wadatashiga ah, oo uu kaalmeyay, Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,(UNSOM) ayaa qeyb ka ah dadaallada wacyi-gelinta ee Wasaaradda Dastuurka ay ku uruurineyso fikradaha dad badan oo Soomaali ah oo ku sugan daafaha dalka si loogu daro geeddi-socodka dib u eegista ee iminka socota. Tan iyo 2012, Soomaaliya waxa ay laheyd dastuur ku meel gaar ah.

Marka laga yimaado ururinta aragtida dadweynaha, saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale soo bandhigeen horumarka ilaa iyo iminka la sameeyay, iyo caqabadaha lala kulmay iyo sida ay tahay in loo maareeyo

“Ka qeyb galka dadweyndaha iyo falcelinta waxa ay ahaayeen kuwo cajiib ah, waxa ayna ka qeyb galeyaashu na weydiiyeen inaan kulamada howlgalinta dadweynaha gaarsiinno heer degmo iyo heer xaafadeed. Sida aan qiimeynay, in ka badan todobaatan boqokiiba dadweynaha waxa ay feker wanaagsan ka qabaan dastuurka marka lala barbar dhigo afar sano ka hor.” ayuu yiri Agaasimaha Agaasimaha Wacyi gelinta dadweynaha ee Wasaaradda Dastuurka Cabdiqani Cali Aadan.

“Waxaan soo ururinnay aragtiyo, waxaan ka jawaabnay su’aalo, waxaan soo gudbinnay xogtii aan ururineynay afartii sano ee u dambeysay,” ayuu intaa sii raaciyay,” waxaan rajeyneynaa in dastuurkan uu noqon doono mid miro dhal u ah dadka iyo dalkaba.”

Mawaadiicda lagu falanqeeyay fadhiyada wadatashiga ee socday muddada saddexda maalmood ah waxay ku saabsanaayeen arrimo badan oo kala duwan iyo walaacyo saameyn ku leh buslahda Soomaaliyeed. Sidoo kale xuquuqda dadka naafada ah, iyo mawduucyo kale oo ay ka mid yihiin caddaaladda, amniga, metelaad caddaalad ah oo loo simanyahay, awood-qeybsiga, xuquuqda haweenka iyo dhallinyarada, wadaagista kheyraadka iyo maqaamka Muqdihso ayaa ka mid ahaa mawaadiicdaas.

Haweenka iyo Dhalinyarada

Wakiil dhalinyarada ka socday oo kulamada wadatashiga ee Dhuusabareeb ee Galmudug ku sugnaa, Bahiir Maxamed Salaad, ayaa sheegay in ay muhiim aheyd in aragtida dhalinyarada lagu daro geedi socodka dib u eegista dastuurka, gaar ahaan marka loo eego xaqiiqada ah in dhalinyaradu ay yihiin kuwo ugu badan tirada guud ee dadwaynaha Soomaaliyeed 

“Si loo dammaanad qaado xuquuqda dhalinyarada, waxaan doonaynaa in qodob ku jiro dastuurka in lagu qeexo da’da dhalinyarada iyo waqtiga loo ogol yahay inay raadiyaan jago hogaamineed. Hadda waxaa jira shuruud in qof ka hooseeya da’da 30-ka aanu qaban Karin xil hogaamineed- waxaan rabnaa in da’daas hoos loo soo dhigo lana soo gaarsiiyo da’da 20-ka sano si dhalinyarada loo siiyo hoggaamiyeyaasha xildoonka ah ee da’da yar.” ayuu yiri Mudane Slaad.

“Tani waxay fursad u tahay dhalinyarada maaddaama ay yihiin ku dhowaad 75 boqolkiiba tirada guud ee dadwaynaha dalka, haddana kuma jiraan hanaanka go’aan qaadashada. Tani waxaa ay fursad u tahay dhalinyarada si ay wax ugu soo biiriyaan” ayuu yiri Cabdi Caziz Guure Faarax oo ka mid ahaa dadkii ka qayb qaatay wada-tashiyadii HiirShabeelle.  

Doorka haweenka iyo ilaalinta xuquuqdooda ayaa ayaduna muuqatay, ka qayb qaadashada hanaanka dib u eegista iyo dukumiintiga kama dambaysta ahba.

“Si wax looga qabto sinnaan la’aanta, waxa ay haweenku u baahan yihiin in ay ka qeyb galaan geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo ololeyaasha siyaasadda, ayna cabbiraan fekerkooda iyo tala-soo-jeedintooda sidii lagu gaari lahaa qoondada boqolkiba 30 [ee metelaadda haweenka ee baarlamaanka]. Waxa aan tan ku gaari karnaa haddii haweenku u ololeeyaan waxbarashada iyo ka-qeyb-galka haweenka ee siyaasadda. Geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka waxa uu diiradda saarayaa aayo-ka-talinta qaran ahaan iyo horumarinta haweenka.” ayay tiri Xaawo Cumar Cabdiraxmaan oo ah wakiil bulshada rayidka ee Baydhabo.