Hadalladii uu Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan warbaahinta ku siiyey Garoowe

26 Sep 2021

Hadalladii uu Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan warbaahinta ku siiyey Garoowe

[Sidii loo jeediyey]

Galab wanaagsan.

Waxa aan jeclaan lahaa in aan ku billaabo mahadcelinta Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo kooxdiisaba soo-dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen xubnaha waftigeenna ee soo booqday maanta.

Waxaa booqashada igu wehliya Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira; Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Danjire Tiina Intelmann; iyo Danjiraha Sweden ee Soomaaliya, Danjire Per Lindgarde.

Booqashadeenna maanta waa tii u dambeysay ee ay Saaxiibbada Caalamku la yeesheen Madaweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waxa ayna ka tarjumeysaa xiriirka iyo wada-shaqeynteenna joogtada ah ee aanu sida wadajirka ah ugu baadi-goobeyno inaan Soomaaliya ka kaalmeyno sidii ay ku heli lahayd xasillooni ballaaran. 

Kulanka aan la yeelanay Madaxweyne Deni iyo Golahiisa Wasiirrada waxa aanu uga hadalnay arrrimo heer deegaan iyo heer qaranba ah, annaga oo si gaar ah diiradda u saarnay doorashooyinka soo socda ee Puntland iyo kuwa Federaalka. 

Waxa aanu aad ula dhacnay horumarka ilaa hadda laga sameeyey doorashooyinka dowladaha hoose, gaar ahaan sida ay u socoto shaqada ay wadaan Guddiga Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Wajiga koobaad ee doorashooyinka dowladaha hoose - oo ka dhacaya Eyl, Ufeyn iyo Qardho– ayey naga xigtaa muddo afar todobaad ah, iyaga oo ku aaddan 25 Oktoobar.

Waxa aan ku bogaadineynaa Guddiga Doorashooyinka Puntland (TPEC), shacabka iyo dowladda Puntland sida ay uga go’an tahay qabashada doorashooyin toos ah, sida uu dhigayo dastuurka Puntland.

Haddii ay si guul leh ku dhammaaadaan, doorashooyinkan tooska ahi ee dowladaha hoose waxa ay tallaabo muhiim ah u noqon doonaan in la muujiyo sida ay suurta-gal u tahay qabashada ‘doorasho qof iyo cod ah’ oo ka dhacda Soomaaliyada maanta. 

Marka ay timaado doorashooyinka federaalka, waxa aan soo dhoweynay dhammeystirka Puntland ee doorashooyinkii Aqalka Sare.

Waxaan sidoo kale ka hadalnay in degdeg loogu gudbo marxaladda xigta ee doorashooyinka federaalka ee Golaha Shacabka. Waxaan sidoo kale la wadaagnay walaaca beesha caalamka ee ku aaddan khataraha ay khilaafaadka siyaasadeed ee socda ee u dhexeeya hoggaamiyeyaasha qaran u geysan karaan geeddi-socodka.

Madaxweyne Deni iyo waftigeennu waxa ay isku raaceen in ay waajib tahay in ay madaxda Soomaaliya sii wadaan wada-shaqeynta, si waafaqsan midnimada qaranka, si ay uga heshiiyaan khilaafaadka. Waxa aan ku boorrineynaa dhammaan in hore loo socdo si looga mira-dhaliyo dadaallada loogu jiro qabashada doorashooyin qaran oo lagu kalsoonaan karan oo wakhtigooda ku dhaca si waafaqsan Heshiiskii 27-ka Maajo.

Hal duluc oo muhiim ah oo wada taabaneysa doorashooyinka heer dowlad hoose iyo mid qaranba ayaa ah ka-qeyb-galka haweenka. Waxaa muhiim ah in geedi-socodyadu tixgeliyaan xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay si buuxda uga qeyb galaan dhammaan dhinacyada nolosha guud, iyo in qoonadada ugu yaraan boqolkiiba soddon ee metelaadda haweenku laga gaaro doorashooyinka Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn, waxa aan xoogga saarnay  inta lagu guda jiro geeddi-socodka doorashada, in ay si gaar ah muhiim u tahay in la xaqiijiyo fagaare siyaasadeed oo loo dhan yahay- iyada oo la adeegsanayo xorriyada hadalka, adeegsiga warbaahinta, xorriyadda isu-imaatinka iyo qabanqaabada – si codadka oo dhan loo maqlo.

Madaxweyne Deni, waxa aan mar kale adiga, xukuumadda iyo shacabka Puntland uga mahadcelineynaa soo-dhoweynta diirran ee aad noo fidiseen booqashadeenna maanta.

Mahadsanidiin.