Ardayda Jaamacadaha ayaa isdhaafsaday aragtiyadooda ku aadan doorshoyinka 2016

Ardayda Jaamacadda Simad, oo kamid ah jaamacadaha sare ee gaarka loo leeyahay ee Muqdisho oo ka qayb galaya cashar 3 December 2016. QM Sawir

5 Dec 2016

Ardayda Jaamacadaha ayaa isdhaafsaday aragtiyadooda ku aadan doorshoyinka 2016

Koox ka tirsan arday sanadka labaad ayaa si dhow u dhageysanaya Janaraalka howl-gabka ah ee Jaamac Maxamed Qaalib, Jananka ayaa bixinayay muxaadaro hal saac ah oo ku saabsan taariikhda siyaasada Soomaliya, fasal ka tirsan jaamacada Simad.

Qoraakan mar soo noqday wasiirka arimaha gudaha xilligii kaliye taliskii Maxamed Siyaad Barre, Mudane Qaalib ayaa is barbar-dhig ku sameynaya doorashada sanadkan iyo tii dhacday 1960 iyo waliba doorashadii 2012 oo dhashay baarlamanka sagaalad ee dalka.

“Sanadkii 1960kii, dadku waxay aadayeen xarumo doorasho waxayna dhiibanayeen codadkooda cidda aad rabto baa u codeyneysay,” ayuu yiri asigoo sii wata hadalkisa wuxu yiri “Maanta ma jirto macquulnimo hal qof iyo hal cod lagu sameyn karo sababtoo ah amni darada dalka ka jirta, laakin dowlada waxa ay rabtaa wax ka duwan doorashadii 2012. Waxay rabaan iney hormar muujiyan waana wax u muuqan kara runtii.”

Ardaydiina cidana kama nooleyn markii Somaaliya laga hergaliyay hal qof iyo hal cod sanadkii 1960. Badankiina waad yareydeen markii 135 odey dhaqameed muqdishu la iskugu keenay afar sano ka hor si ay u soo doortay 275 xildhiban.

Arinta doorashada sanadkan ardayniina kuma jiro qof codkiisa dhiibanaya 329-ka kursi ee labada aqal ee uu ka koobanyahay baarlamanka Soomaliya sanadkan. kaliya xildhibanada dowlad goboleedyada iyo 14,025 ergo oo ay soo doorteen odey dhaqameed ayaa ka qeyb qadanaya codeynta.

Laakin dhalinyaradan aad bey u xiiseynayaan iney ka qeyb qaatan doorashoyinka 2016 waxayna rajo fiican ka leeyihiin xildhibanada iyo madaxweynaha dalka ka armin doona ilaa 2020.

“Waxan rajeynaa madaxweynaha imaan doono inuu ahmiyada siiyo dadaalada nabad dhisada dalka,” ayuu yiri Cadow Cabdullahi Isxaaq oo arday ka ah kuliyada culuumta siyaasada.

“marka labaad waa inuu ka shaqeeyaa sidii loo heli lahaa waxbarasho bilaash ah khaasatan waxbarashada dugsiyada hoose iyo dugsiga sare sababtoo ah caruurtena waxay kasoo jeedan qowysas masaakiin ah.”

Qaar ka tirsan arday wax la barata Isaaq ayaa doorashada sanadkan amaanay.

“haddii aan u fakiro sidii arday dhigta culuumta siyaasada, waxaan dhihi lahaa habkan doorasho waa fiicanyahay,” ayay tiri Amaal Cali. “Waxa loo fuliyay si waafaqsan dhaqanka caalamiga ah waana rajeynayaa in doorashoyinka soo socda mideyn doonan dadka Soomaliyeed.”

Qeyb ka mid ah arday ayaa u arka doorashada dadban ee 2016 mid muhiim u ah wadada dimograadiyada dalka. Waxayn dhiiro galin u tahay murashaxiinta dhalinyarada ee ku guuleystay baarlamanka.

“Waqtiyadii hore waan tijaabinay hogaanka dadka waaweyn,” sidaa waxa yiri arday Farxano Cabdulqaadir. “ waa arin fiican in la doorto hogaamiyayaal dhalinyar. Dhalinyarada waxay la imaanayaan maskax cusub tasoo faa,ido u ah hormarka dalka.”