Doorashoyinka Aqalka hoose ee gobolada waqooyi ayaa ka bilaabatay Muqdishu

A female delegate casts her vote in the Somaliland election to vote a member of parliament into Somalia's House of the People in Mogadishu, Somalia, on 6 December 2016. UN Photo

6 Dec 2016

Doorashoyinka Aqalka hoose ee gobolada waqooyi ayaa ka bilaabatay Muqdishu

Lix mudane oo ka soo jeeda gobolada waqooyi Somaliland ayaa lagu doortay caasimada Soomaaliya maanta doorashoyinka Aqalka hoose.

Dadkii guuleystay waxa ka mid ahaa ra,iisal wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Wasiirkii hore ee arimaha dibada Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo labo dumar ah oo kala ahaa xildhibanad hore Caasho Maxamud Cumar iyo Yurub Axmed Raabi.

Doorashadan oo aad u daahday ayaa waxa goob-joog ka ahaa gudoomiyaha gudiga doorashoyinka dadban Cumar Maxamed Cabdulle kasoo rajo ka muujiyay in doorashoyinka lasoo gabagabeyn doono mardhow.

Wuxuu yiri gudiga doorashoyinka waxay ku wareejin doonan mas,uuliyada baarlamanka la doorto si ay u doortan afhayeenka baarlamanka marka lasoo gabagabeeyo codeynta kuraasta harsan.

“Gudiga doorashoyinka waxa ay ka dhursugayaan kaliya doorashada gudoomiyaha baarlamanka iyo mida madaxweynaha. Waxan rajeyneynaa in doorashada guud ahaan la soo idleeyo ka hor sanadka dhamaadkiisa 2016”. Ayuu yir gudoomiye Cumar.

Mudane Carte ayaa u mahadceliyay ergadii dib ugu dooratay ka mid noqoshada baarlamanka wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay u shaqeynta shacabka Soomaliyeed.

“Marka hore waxan u mahadcelinayaa Alle, kadib gudiga doorashooyinka iyo laamaha amaanka. Tani waa howl Soomalidu leedahay waxaynu wax ku dooraneynaa magaalada Muqdishu taas ayaa cadeyneysa lahaanshaheena,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Xildhibanad Yurub Raabi ayaa ku guuleysatay kursi loo qoondeeyay dumar kaliya, iyadoo ka dhigan gabadhii ugu horeysay ee kasoo baxda doorashada aqalka hoose ee gobolada waqooyi.

“Waan idinka mahadcelinayaa kalsoonida aad I siiseen iyo waliba sida aad iigu codeyseen. Waxan balan qaadayaa inaan ka jawaabi doono arimaha idin taabanaya,” ayay tiri.

Naciimo Axmed oo ka tirsan ergadii wax dooraneysay ayaa muujisay sida ay u taagersantahay habka doorashada u socoto.

“Aadban ugu faraxsanahay codeyntii maanta. Waxan u codeynay Yurub Axmed Raabi sababtoo ah waa qof leh shaqsiyad iyo karti ay ku kasbato dadkeeda,” ayay tiri Naciimo.

Howlgalka Midowga Africa (AMISOM) Marion Kutusu oo ka tirsan hogaanka sare ee police-ka ayaa tiri amniga kor ayaa loo qaaday goobaha doorashada ka socoto si howsha codeynta u socoto si nabad ah.

“Waxaan si dhow ula shaqeynaa booliska Soomaliyeed iyo kooxda ka jawaabida deg dega ah si loo xaqiijiyo sugida amniga iyo waliba nabadgalyada murashaxiinta,” ayay tiri Kutusu.

Raxmo Salad Maxamed oo ka tirsan booliska Soomaliya ayaa muujisay kalsoonida ay ku qabto sida wacan ee loo maamulay doorashada ka socota Muqdishu iyadoo tilmaamtay ineysan wax rabshado ah dhicin wali

“Mas,uuliyadeena waa inaan ilaalinaa nabag-galyada xarumaha doorashooyinka inagoo kaashaneyna booliska AMISOM. Aadban ugu faraxsanahay ineysan wali dhicin wax dhib ah,” ayay tiri Raxmo Maxamed.

Gobolada waqooyi ayaa loo qoondeeyay 46 kursi doorashada aqalka hoose, halka aqalka sare uga soo aaday 11 xubnood.